Maxaynu kabarankarnaa wadanka Singapore
Maxaynu kabarankarnaa wadanka Singapore.!
------------------------------------------------------------------------
Singapore waa dal dhaca koonfur bari qaaradda Asia waana dal ka kooban hal magaalo (City State)..!
Singapore waxay kakooban tahay 63 jasiiradood oo yaryar baaxaddeedu waa 721.5Km oo wareeg ah, waa dhul aad u yar waxay 32jeer kayartahay wadanka Djabuuti oo aynu ognahay in isaguba yahay dal aad u yar..!
Singapore waxa kunool dad kor u dhaafaya 5Milyan oo qof, 3.3Milyan oo kamida dadkaas ayaa ah muwaadiniinta wadanka...!
Wadanka waxaa daga saddex qowmiyadood iyo dadkale waana Chinese 73% Malay 14% iyo Hindi 9% iyo dad kale 4%...!
Madaxwaynaha wadanku waa Halimah Yacop, halka Raysal wasaaruhu yahay lee Hseing Loong kaaso leh awoodda koobaad ee wadanka..!
Luuqadda rasmiga ah ee dalku waa English waxa soo raaca oo rasmi ah Malay, Mandarin iyo Tamil..!
Wadanku waa dal leh hormar bulsho oo aad u ballaadhan...!
Dhaqaalaha dalku waa $349Bilion (GDP Nominal) waana kan 41aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida bal qiyaas hal magaalo oo hantideedu intas tahay....!
Singapore waxay ka hooraysa dhaqaalo ahaan dalal badan oo Europe, Americas, Africa iyo Asia dhaca oo ah kuwo waawayn...!
Singapore waa dalka leh Passportka labaad ee ugu xoogan dunida kaaso ay kutagi karaan 188dal oo dunida kamida bilaa fiiso..!
Singapore waa udub dhexaadka ganacsiga dunida, maaliyadda iyo xarunta gaadiidka...!
Singapore waa dalka leh internerka ugu wanaagsan dunida, sidoo kale waa kan ay ku kulmaan shirkdaha ganacsi ee ugu waawayn dunida..!
Singapore waa dalka ugu maalgashiga badan dunida, sidoo kale waa tan ugu macquuslan xagga hormarka..!
Singapore waa dalka ugu amnisan dunida, sidoo kale waa dalka ugu tartamada badan dunida, sidoo kale waa dalka leh suuqa sarifka qalaad ee ugu ballaadhan dunida...!
Sidoo kale Singapore waa dalka saddexaad ee leh xarunta maaliyadeed ee ugu wayn dunida, sidoo kale waa dalka saddexaad ee ugu saliid nadiifinta badan aadna uga ganacsada..!
Singapore waxay leedahay dakadda labaad ee ugu mashquulka badan dunida..!
Singapore waxay 5 sano oo xiriir ah noqotay magaalada ugu nolosha qaalisan dunida...!
Sidoo kale Singapore waa dalka 5aad ee ugu nolosha wanagsan dunida (HDI)
Singapore waa dalka saddexaad ee dakhli sanadeedka ugu badan leh dunida, qofka Singaporeanka ah waxa sanadkii soo gala $98kun...!
Wadankani waa kan ugu horreeya wadamada waxbarashada, caafimaadka, qiimaynta nolosha iyo amniga aadka ugu hormaray..!
Sidoo kale Singapore waa dalka ay kajirto shaqo la'aanta ugu yar qaaradda Asia oo ka hoosaysa 1.8% qiimayntii lasameeyay sanadkii 2015kii...!
Singapore iyo Kulalumpure waa marin diyaaradeedka ugu mashquulka badan dunida kaaso ay maraan sanadki inkabadan 30kun oo diyaaradood...!
Hadda kudarsoo wadankaas aan kahadlayo gabigiisaba 53sano ayuu jiraa Malaysia ayaa iska cayrisay oo ku tilmaamtay jasiiraddihii kaneecada...!
Kaliya waa ay tashadeen waxa ay tuujiyeen maskaxdooda ayagoo dalkooda sida ugu wanaagsan u hormariyay...!
sawirka: Singapore (City State)
No comments