Macuulaamd kusaabsan wadanka Mexico
Macuulaamd kusaabsan wadanka Mexico...!
----------------------------------------------------------
United Mexican States (UMS) waa dal dhaca koonfurta waqooyiga Ameerika waxa uu xuduud laleeyahay wadamada USA, Guatemala iyo Belize...!
Baaxadda dhulka ee wadanku waa 1.9Milyan oo wareeg ah, taaso kadhigaysa dalka 5aad ee ugu wayn guud ahaan qaaradda Americas iyo kan 13aad ee ugu baaxadda wayn dunida..!
Tirada dadku waa 123.6Milyan oo qof, waa dalka 11aad ee ugu dadka badan dunida, waana dalka 1aad ee ugu dadka badan wadamada kuhadla luuqadda isbaanishka, waana kan labaad ee ugu dadka badan guud ahaan Latin Ameerika...!
Mexico waa wadan federal ah oo ka kooban 31gobol iyo ismaamul hoosaadyo federal ah, caasimadda wadanku waa Mexico City, magaalooyinka kale ee caanka ah ee wadanka waxaa kamida Guadalajara, Monterrey, Puebla, Telluca iyo magaalo xeebeedka qurxoon ee Tijuana...!
Mexico waxay kamid tahay wadamada ugu hormarka sarreeya dunida dhinaca waxbarashada dhaqaalaha, sayniska iyo dalxiiska..!
Mexico waa dalka 15aad ee ugu dhaqaalaha badan uguna waxsoosaarka badan dunida, waana kan labaad ee Latin america kadib Brazil, sidoo kale waa kan 4aad guud ahaan waqooyiga iyo koonfurta Ameerika ama qaaradda Americas..!
Dhaqaalaha wadanku waa $1.2Trilion (GDP Nominal) waana kan 15aad guud ahaan dunida, sidoo kale waa kan 11aad ( GDP PPP) waana $2.4Trilion...!
Shakhsiga Mexicanka ah sanadkii waxa soo gala $20kun...!
Mexico waxay kamid tahay 20ka dal ee ugu warshadaha iyo waxsoosaarka badan dunida ee la isku yiraahdo G-20.!
Waxsoosarka dibadda loo dhoofiyo badankiis waxa loo dhoofiyaa wadamada Maraykanka iyo Kanada saddexdoda waxay wadagaan ururka NAFTA( North American Free Trade Agreement)...!
Mexico waa dal ay yimaadaan dalxiisayaasha ugu badan dunida waana dalka 8aad ee ugu dalxiiska badan dunida sanaskii 2016kii waxa yimid 35Milion oo qof..!
Mexico waxay kamid tahay wadamada ay kuyaalaan xarumaha dhaqanka iyo taariikhda ee dunidan..!
Mexico waa dal leh quwad dhaqaale oo aad u sarraysa iyadoo koboca dhaqaalaha dalkaasi aad uu u korayo, waxaan laqiyaasayaa 2050ka in Mexico kamid noqoto 5ta dal ee ugu dhaqaalaha sarreeya dunida maanta oo ay kujirto booska 15aad..!
Mexico waxay kadhaqaalo badan tahay isku darka saddexda dal ee Africa ugu dhaqaalaha badan ee Nigeria, Egypt iyo S. Africa oo dhaqalahoodu kahooseeyo $1.1Trilion..!
Sidoo kale Mexico waxay ka korraysaa dhaqaalo ahaan dal walba oo muslim ah oo dunidan kadhisan, haba ugu horrayso Indonesia...!
Sawirka: Mexico City, Mexico, ahna magaalada ugu dadka badan guud ahaan wadamada waqooyiga Ameerika..!
No comments