Header Ads

Hashem Al-Ghaili waa saynisyahan Caan ka ah baraha bulshada

Hashem Al-Ghaili waa saynisyahan Caan ka ah baraha bulshada khaas ahaan Facebook iyo Imgur, waxa uu ku dhashay wadanka Yemen( 11 Augost 1990) waa nin da'yar waxa uu kutakhasusay Biotechnology-ga, Molecular iyo Sceince Communicator waana shakhsi shaqadiisu tahay xiriirinta sayniska ee baraha bulshada..!

Hashem waxa uu uga baxay dugsiga sare wadankiisa yemen asagoo deeq waxbarasho ay siisay dawladda yemen waxaana loo diray Jaamacadda Peshwer University, Pakistan asagoo halkaas kusoo bartay cilmiga Biotechnology-ga..!

Waxa uu kusoo laabtay wadankiisa asagoo lashaqeeyay ururro cilmi baaris oo dawladda u shaqeeya..!

Muddo kadib waxa uu deeq waxbarasho ka codsaday Machadka jarmalka ah ee deeqaha bixiya ee DAAD waana la aqbalay asagoo bilaabay jaamacadda Jocobs University Bremen ee wadanka jarmalka..!

Qalinjabintiisi kadib Hashem waxa uu noqday saynisyahan caan ka ah baraha bulshada kaaso dadka usoo gudbiya aragtiyaha saynska iyo cilmi aad u badan oo laxiriira nolosha bini aadamka iyo waliba xaywaanka oo idil..!

Hashem waxa uu dadka uga diga halisaha soo wajaha dadka kuwaaso laxiriira qaab nololeedkooda waxa uu inta badan kawaramaa organiskeenna..!

page-kiisa Facebook taagerayaashiisu waxay kor u dhaafayaan 25Milion oo qof waaa Video producer kaaso dadka ugu gudbiya xogaha sayniska qaab video ahaan ah maalin walba asbuuc walba postiyadiisa waxaa daawada in kabadan 5milion oo qof, xogtiisa daawasho waxa ay kor u dhaaftay 1Bilion Views...!

Dadka kuxiran muuqaladiisa Infographicska ah, waxaa u badan dadka kunool wadanka maraykanka, Masar iyo wadamada Europe..!

Waxa uu khudbado laxiriira hormarinta Sayniska ee Social Media-ha kajeediyay wadamo badan oo yurub ah..!

Hashem waxa uu yiri; " waxa aan ahaa Shakhsi ka dhashay qoys danyar ah oo beeralay ah, cunug walba oo kasoo jeeda yemen waxa waajib ah in uu beeraha falo laakin aniga waxa ay riyadaydo ahayd inaan noqdo saynisyahan waxbadan kuso kordhiya dunidan waxa aan marwalba jeclaa inaan u safro meerayaasha kale waayo saynisku waa shayga ugu saamaynta badan nolosheenna.."

Maanta Hashem riyadiisi sayniska waa uu gaaray waliba waxa uu rajaynayaa inuu intaas inkabadan sameeyo..!

Matahay dadka kuxiran casharradiisa aadka u xiisaha badan ee saamaynta badan, halkan uga wac saaxib aad kutuhmayso in uu xiiseeyo..!

Hashem waxa uu dagan yahay Bremen, Germany

sawirka : Hashem Al-Ghaili

X/Q:Mahmud tahir

1 comment:

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.