QISADII SACAD IBNU ABII WAQAAS OO AAD U KOOBAN
QISADII SACAD IBNU ABII WAQAAS OO AAD U KOOBAN
(ALLAAH HAKA RAALLI NOQDEE)
Magaciisu waa Sacad Ibnu Maalik Ibnu Wuheyb Ibnu Cabdi Mannaaf Bin Zuhrah Alqurashiyi. Wuxuu ka mid ahaa asxaabtii ugu hor islaamtay, waxaana isagoo 17 jir ah Diinta ugu yeedhay Abuubakar-A-Siddiiq. Alalah haka Raalli noqdee.
Wuxuuna ka mid yahay 10-kii Jannada loogu bishaareeyey.
Waxaa kale oo uu ka mid yahay lixdii asxaabi ee uu Cumar Ibnu Khaddaab uu u doortay inay iska dhex doortaan qofkii isaga khilaafada uga danbayn lahaa.
Sacad Ibnu Abii Waqaas, wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee Allaah Dartii nabar dhiig ku daato ugu dhufta qof gaal ah. Waxayna ahayd mar ay muslimiinta oo meel Makkah dhexdeeda ah ku tukanayey ay gaaladu soo hujuumeen, kolkaasna uu Sacad qaatay laf geel oo uu ku dakhray nin gaaladii ka mid ah.
Sacad Ibnu Abii Waqaas, Allaah haka raalli noqdee wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee leeb u gana Allaah Dartii.
Rasuulku, sallaa Allaahu calayhi wa sallam, wuxuu u duceeyey Sacad, wuxuuna yidhi: <<Ilaahayow Sacad u ajiib waxa uu ku waydiisto>>, sidaas ayuuna Sacad ku ahaa mid ducadiisa Rabbi Ajiibo oo duco kasta oo uu Allaah waydiisto waxay ahaan jirtay mid Maqbuul ah.
Wuxuu ka qayb galay dhammaan qazawaatkii (duullaammadii) uu Rasuulku sallaa Allaahu calayhi wa sallam uu galay. Wuxuuna dagaalladaas ka muujiyey WACDARO taariikhi ah oo uu Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa ugu gar-gaaray muslimiinta.
Maalintii Uxud, wuxuu Rasuulku sallaa Allaahu calayhi wa sallam ku yidhi: <<Leebka gan Sacadow, Aabbahay iyo Hooyaday ayaan kugu furtaye>>, Rasuulkuna sallaa Allaahu calayhi wa sallam, kelmedda ah "Aabbahay iyo Hooyaday ayaan kugu furtay" cid aan Sacad ahayn weligii kuma aanu odhaanin!!!
Waxaa la weriyey inuu Sacad, maalintaa Uxud uu ganay kun leeb.
Xilligii uu Cumar Ibnul-Khaddaab ahaa khaliifka muslimiinta, wuxuu ciidankii ku duulay ee jebiyey Furus madax uga dhigay Sacad Ibnu Abii Waqaas.
Waxaa kale oo uu Sacad ahaa hoggaamiyihii furtay magaalooyinkii Kisraa. Magaalada Kuufa ee Ciraaq ku taallana wuxuu ahaa Kii dhisay. Wuxuuna ahaa midkii uu Cumar madaxda uga dhigay Ciraaq. Xilligii Cuthmaan Ibnu Caffaanna, Allaah haka wada raalli noqdee, wuxuu madax ka ahaa Kuufa.
Xilligii Fitnadana, Sacad dhinacna ma aanu raacine waa uu ka dheeraaday fitnadaas.
Ilaahay Raalli haka noqdee, waxaa lagu aasay Madiinah, wuxuuna dhintay qiyaastii sannadkii shan iyo kontonka (55) markii ay taariikhda Hijrigu ahayd.
WA ALLAAHU ACLAM
WA BILLAAHI TOWFIIQ
Maashaa allah
ReplyDeleteMaashaa allah
ReplyDelete