Tillaabooyin kaa anfacaya dhanka shukaansiga iyo soo xerogelinta gabadha
Tillaabooyin kaa anfacaya dhanka shukaansiga iyo soo xerogelinta gabadha
Horta inta aadan shukaansi bilaabin, samee tillaabooyinkan soo socda:
1. Jidhis samee, oo murqo badan ka soo saar jirkaaga
2. Qaado markaas dhar soo saaraya quruxda muuqaalkaaga.
3. Socodka waa muhiim e, aad isaga qurxi, is kana ilaali tillaabada dheer iyo socod-boobsiiska. Nin khatar ah iska dhig.
4. Weligaa ha i illoobin is marinta alaahaba udugga, gabdhuhu sanka bay la raacaane.
Xilliga barasha
1. Kolka aad baranaysid gabadha, adiga oo is jajabinaya oo is weynayn yarna kugu jirto, baro gabadha, oo kala qaata xiriirrada.
Wada socodka
1. Degdeg ha u wicin, dhawr habeen ka dib wac, xoogaa yar u sheekee. U sheeg in aad nin madax oo la yaqaan uu adeerkaa yahay. Tusaale, waxa aad leedahay waxa adeer run ah ii ah Khayrre ama Farmaajo ama nin kale oo madax ah oo caan ah. Haddii ay fanka xiisaysana u sheeg in aad qaraabo tihiin fannaan caan ah.
2. U sheeg in hooyadaa ama abbahaa uu Maraykan jiro, khadna kuu xaraysan yahay.
3. Haddana dhawr habeen ka dib la kulan, fiiri muuqaalkeeda, meelaha ay ka qurxoon tahay oo dhan xafid. Ka dib u sheeg meelahaas. Tusaale, haddii ay san qurxoon tahay oo kale, ku dheh “Alla san qurxoonidaa” iwm.
4. Mar mar gee meelaha ay xiisayso.
5. Waxa ay xiisayso kala sheekeyso inta badan.
6. Weligaa faan oo wax walba yaqaan iska dhig.
7. Faramarnaantu ma fiicnee, marmar hadiyado iyo tuurtuur yaanan lagaa waayin.
8. Marmar uga sheekee dhanka taleefoonka, haddii aad guursan lahayd sidii aad dhidid uga keeni lahayd, si ay ha dhawto marka aad taleefoonka ka baxdo, ay isugu tiraahdo, Allow wiilkaan yaa mar kuu guuriya, baallaha ha kaa rifee.
9. Mar kasta ha wicin hana raadin, si aysan kuugu malayn qof u dhimanaya oo daba ordaya. Markaas waa ay isla weynaan.
10. Mar mar qaar inta aad taleedoonka ka qaban weydo u sheeg in aad shirar iyo ninkii adeerka ahaa ee madaxda ahaa aad la joogto.
11. Mar xitaa inta lambarka ay kugu taqaannay la beddesho ayaa asbuuc ka dib inta laftii la gashado, oo lala hadlo, la yiraahdaa, Nayroobi ayaan hawl ugu maqnaa.
Maxaa dhacaya
1. Waxa aad arkaysaa qoftii oo jacayl dano badan inta wareemey kaa daba ordaysa.
2. Markaas ay dabinka ku soo dhacdo, guurso, hadhawna u sheeg, waxa aad sheegeysay in uu ku kallifayey jacaylka aad u qabtay, ee reerkaaga dhaqo dheh.
Fiiro gaar ah: Taladaan wiil baan siiyey 2014kii, oo gabar ku guursaday. Haddii wax dheeraad ah aad u baahato, ii soo sheeg.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Qatar Aya tahay bro
ReplyDeleteLibaax laka cabsado gacan Aya kutaagay
Hhhhhhhhhhhh
ReplyDeleteWalleee guri been lagu dhisay Meru magaaree ciyaarta nagadaa sxp
Beentuna waa xaaraam mana fcna
Been kusoo xaragali runna kudhaq hhhj
ReplyDelete