Header Ads

Musalsalladda Iyo Saamaynta Ku Leeyihiin Qoyska aqriso dhibaatoyinkan

Musalsalladda Iyo Saamaynta Ku Leeyihiin Qoyska aqriso dhibaatoyinkan.

Carruurta Musalsalku wuxuu ku keeni karaa;

1-      Dadaalla’aan dhinaca Waxbarashada

2-     Ka mid noqoshada Ardayda ugu liita fasallada

3-  Macallimiinta oo had iyo jeer bannaanka fasalka uga saaraya markaay arkaan Carruurtii oo fasalka ku sheekeysaneysa.

4-    Jecleysi saa’id ah fasaxyada Iskuulka iyo Dugsi Qur’aanka

5-    U deg degid shaashadda uu ka fiirsanayo musalsalka, sida in la yiri waa waqtiga salaadda

6-    Caasi waalidiinimo

7-    Xanuunno dhinaca neerfaha mararka qaarkaasiiba

8-    Hammi la’aan dhinaca horumarka

9-    Aqlaaq darro iyo dhaqan xumo Kuwa qaan gaarrada ah dhammaan qeybahaas iyagaoo la wadaaga ayaa waxaa u sii dheer in musalsallada uu qalbiyadoodu aad u soo jiito kuna abuuro dareen rabitaan jinsiyadeed (GALMO), taasi oo ugu dambeyn keeni karta xiriir laba jinsi aan sharci ku saleysneyn, oo ay ka dhalan karto faafifadda cudurro halis ah, sida HIV AIDS, dhalashada ilmo aan aabbe lahayn iyo xiriirro qalloocan oo dhallinta ku dhexfaafa.

@Haweenka Musalsalku wuxuu ku keeni karaa;

1-      Dayicidda Xanaannada Qoyska

2-      Furriinka oobata

3-      Dhaqaalaha qoyska oo hoos u dhaca marka loo eego telefishan oo iskadaaran muddo badan

4-      Muqaalafo

5-      Dirir joogta ah labada qof ee nolol wadaagga ah ka dhex aloosan mar walba

6-      Kalsooni darro ragga seygood ah ay ka qabaan

7-      Qiyaano iyo gogol dhaaf

8-   Ku fikirid nolol qiyaali ah liddiku ah qoyskeeda Ugu dambeyntii si guud Waxyaabaha xun ee laga dhaxlo musalsallada waxaa ka mid ah; –         Qiyaanid lammaane –         La falgalin ubadka, haweenka iyo qoyska diinaan Islaamahayn, tani waa saameynta ugu weyn Musalsallada lagu arko waxaana u badan ee lagu dhax arko Musalsalladda dalalka Meksika (Mexico) iyo Hindiya –         Faafin dhaqan aan kan Soomalida ahayn –         Jiil dhaqammo kale ku dhiirrada, oo dhalan rog iyo uu u dhaco dhaqan guur –         Qamriga oo la banneysto ama loo moodo ilbaxnimo iyo hormar, halka uu maandooriye iyo ka yahay dhimir dile, iskabadantihiina ayba keento cudurro halis u ah caafimaadka. –         Dilka qof kale, oo aadan u ogayn waxa iyo sababta aad u dishay, marka lagareebo muran yar ama doodaan qiimo lahayn oo idin dhexmartay. –         Qiyaanada oo dhaqan iyo noqotay caado –         Qoyska oo aan is adeecin, war iyo talana aan iska maqal, oo is garabyaac iyo ku nool is daba mar. –         Waqti lumis iyo waayo badan oo la galiyo wax aan dheef iyo lahayn natiijo la taaban karo, marka lagareebo xiiso maaneed iyo khiyaalo aan muuqan.

Talo:-

1-      Inaad iska dhaafto gabi ahaan musalsallada, haddii aadan joojin karaynna aad yareyso fiirsashadooda, taasi oo ugu dambeyn kuu sahleysa in aad awooddo inaad iska joojiso dhammaan.

2-      Saacadaha guud ahaan taleefishinka la fiirsanayo oo la xaddido, laguna aaddin xilliyada waajibaadka ay jiraan sida salaadaha, casharro aqrisashada iyo dib u eegista waxay ubadku maanta la soo bartay.

3-      Waalidiinta soomaaliyeed waa in aanay carruurtooda u fasixin wax walba oo laga soo daayo taleefishinada, haddii aanu ahayn waxyaabo maankooda kobcinaya

4-     In haweenku aanu tusaale ugu soo qaadan raggooda jilayaasha musalsalladii ay daawadeen, maxaayeelay, waxay idin dhaxalsiin kartaa kalsooni darro iyo isku qanacsanaan la’aan soo dadajiya kala tag qoys dhisan.

5-      Haweenku waa in ay waqtiyada ay daawadaan musalsalallada ay taabadalkeeda waqti la qaataan seygooda, caruurtooda, ama ay aqriyaan Buugaag.

#radiodamal.com

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.