Maxbuus lasoo daayay oo shir jaraaid qabtay qeybtii lawaad 2
qeybtii 2-aad maxbuus wareysi dhiibay:
maxbuus: oo goorma ayaa bankigii dhexe la xiray?
wariye: 27 sano ka hor.
maxbuus; taloow xageen lacagtaan ka badashaa?
wariye: hada lacagtaas maba shaqeyso. lkn bankiyo waxaa furan dahabshiil iyo salaama iyo kuwa kale.
maxbus: waxaan uga baahanahay banki maba jiro, oo waxaan lahaa kaar aan isbitaalka aan rabo gaar ahaan kan xooga aan iskaga daaweyn karo, asaga ayaan iska aadayaa,
wariye: isbitaalka xooga hada ma shaqeeyo.
maxbuus: sabab?
wariye: ciidamo ayaa laga tababaraa.
maxbuus: iga daa ciyaar, sidee isbitaal ciidamo loogu tababarayaa.
wariye: wey dhacday.
maxbuus: taloow ma ruushbaa tababara mise mareykan?
wariye: mayee imaaraad ayaa tababara.
maxbuus: wager!!! oo goorma ayuu imaaraadna wax tababarid bilaabay, malaha waad igu ciyaareysaan, malaha meesha aan joogo ma aha soomaaliya ee waa meel kale.
wariye: mayee waa soomaaliya gaar ahaan xamar.
wariye: ma xasuusan kartaa xaafadii aad daganeyd si laguu caawiyo?
maxbuus: haa, waxaan daris aheyn shankanfoon, ka soo horjeedka shariif aboow.
wariye: meeshaas xamar maba ku taalo, ee meelkale sheeg.
maxbuus: oo xaafadeenii miyaad leedahay xamar kuma taalo, xagee loo raray.
wariye: armaad reer weydoow ama tabeelaha sheekh ibraahim daganeyd.?
maxbuus: gow!!! horaan idinkugu sheegay inaan xamar kale imid. aniga xaafadeyda waxaa loo raaci jiray gaari koostar oo ah oo ay ku qoran tahay baraxada yaasiin baar kulmiye, kaas ayaa meesha mari jiray meel u dhaw. ee gaarigaasi ha la igu raadiyo.
wariye: koostarba xamar kama shaqeeyo mid mid qudaar lagu qaado ma ogiye.
maxbuus: ma aniga ayaa waalan mise cadan ayaa laga heesayaa, maxaa ku dhacay dadkaan dhagta wax ku wada haysta ee hadana farta ka shaqeynaya ee hadana wada mashquulsan?
wariye: waxey ku mashquulsan yihiin waxaa la yiraahdaa taleefan.
maxbuus: taleefan sow kii guryaha aali jiray ee fiilada u baahnaa sow ma aha, goorma ayuu sidaan noqday?
la soco............... qeybta sadaxaad
Waxaa qorey:ustaad khaalid
No comments