Macluumaad kusaabsan dalka Soomaaliya
Macluumaad kusaabsan dalka Soomaaliya..!
-------------------------------------------------------------------
Soomaaliya waa dal dhaca bariga qaaradda Afrika, waxa ay xuduud laleedahay wadamada Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya..!
Baaxadda dhulka ee wadanku waa 637,657Km oo wareeg ah taaso kadhigaysa wadanka 43aad ee ugu baaxadda wayn dunida, sidoo kale waa kan 19aad ee ugu wayn qaaradda Africa...!
Marka la isugeeyo dhulka guud ee Italy iyo UK iyo Austaria waxaa kawayn dhulka ay somalidu kufadhido...!
Somaliya waa dalka 2aad ee ugu xeebta dheer qaaradda Afrika waana kan 37aad ee ugu xeebta dheer dunida oo dhan...!
Tirada dadka waxa lagu qiyaasa 14Milyan oo qof, Mogadishu waa magaalada ugu wayn dalka uguna dadka badan, ahna caasimadda wadanka...!
Marka loo eego dhaqanka, diinta, luuqadda iyo isirka dadka somalida waa dalka kaliya ee Africa kuyaal ee dadkiisu isku dhaqan, diin, isir iyo luuqadba yihiin...!
Wadanku waxa uu kakooban yahay 18gobol, marka loo eego dawladdii dhexe..!
Sidoo kale wadanku waa hab maamul federal ah, kaaso ay kadhisan yihiin 5maamul iyo maamulka caasimadda oo lix ku ah...!
Qarniyadii hore soomaaliya waxay ahayd xarun muhim u ah ganacsiga qaaradaha Africa iyo Asia, waxaana lagumagacaabi jiray dhulkii udugga (The land of Punt)..!
Somalidu waa dad xoola dhaqato ah badankood waana beeralay waxaa soo raaca qayb yar oo kalluumaysato ah...!
Dhoofinta xoolaha waa ganacsiga ugu balladhan ee ay somali lawadaagto dibadda, waxa laqiyaasa sanadkii in dibadda loo dhoofiyo xoolo kor u dhaafaya 3milyan oo neef...!
Silmida waxay ganacsi wadaag latahay dalalka carbeed...!
Dhaqaalaha ama waxsoosaarka dalku waxa lagu qiyaasa illaa $5Bilion halka halka awoodda wax iibsi ee dalku gaadhay illaa $17Bilion...!
Dalku waxa uu leeyahay afar dakadood siiba saddexda kala ah Berbera, Bosaso iyo Mogadisho...!
Maamulka Puntland waa maamulka kufadhiya dhulka ugu ballaadhan wadanka kaaso dhan 212kun oo km oo wareeg ah, waa in kudhow saddex meelood meel dhulka guud ee wadanka..!
Sidoo kale dalku waxa uu leeyahay laba wabi kuwaaso kayimaada dhulka Sáre ee itoobiya..!
Luuqadaha soomaaliga iyo carabiga waa labada luuqadood ee rasmiga ah ee dalka...!
Gobolka bari waa kan ugu ballaadhan gobollada somalia...!
Halka gobolka shabellada hoose uu yahay gobolka leh bad iyo wabi iyo dhul beereed balladhan iyo dhul daaqsimeed aad u wayn waxaana lagu tilmaama kan ugu barwaaqada badan gudaha dalka...!
Daddka da'doodu kahoosayso 30ka sano wadanka waxay kayihiin 70% tirada guud ee dadka somalida..!
Dumarku waa lafdhabarta bulshada somalida waxaana lagu qiyaasa celcelis ahaan 60-70% tirada guud ee dalka inay yihiin iyaga..!
Buurta wadanka ugu dheer waa Surad oo kutaal gobolka Sanaag...!
Wadanku waa nidaam baarlamaani ah oo federaal ah, awoodda koobaad waxaa leh madaxwaynaha oo ah Mr. Mohamed Abdullahi Farmajo...!
Sawirka:Safari Hotel, Mogadishu, Somalia
No comments