Xog dhameystiran : Shirka Amniga Qaranka ee Baydhabo
Xog dhameystiran : Shirka Amniga Qaranka ee Baydhabo .
(Amniga , Khilaafka Khaliijka , Shirka Bruseless , Wadaaga Kheyraadka Dalka)
Magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur galbeed ayaa waxaa shaley ka furmey shirka Amniga Qaranka Soomaaliya oo ay kasoo qeybgaleen dhamaan madaxda Dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.
Madaxwaynaha Jamhuuriyda Mudane Farmaajo oo shirka furey ayaa sheegey in shirka xoogiisa lagaga wada hadli doono Amniga sidookale ay soo raaci doonaan Siyaasada iyo Wadaaga kheyraadka Dalka.
Gorfeyn badan kadib waxaa la isku mari waayey qodobada Amniga , Habka Doorashada 2020 iyo Siyaasadda halka la isoogu soo dhawaadey wadaaga kheyraadka dalka.
Amniga:-
* Dowlad goboleedyadu waxay codsadeen in 174 kunteenar oo rasaas ah oo ay dowladu xamar ku hayso loo qeybiyo Ciidamada Dowlad goboleedyada si loo xoreeyo deegaanada shabaabku ka taliyaan.
-In lacagaha magac amniga ay ku heshay dowladu ee ku jira bankiga dhexe waaba haddii ay taalee la qeybsado si baahida ciidanka ee dhanka saadka loo daboolo.
-Qodobadan oo idil Farmaajo iyo kheyre way diideen illaa haddana ayaga ayaa la tashi isoogu maqan sida la sheegey.
-Wadaaga Kheyraadka Dalka.(Shidaalka):-
*Arrimaha soo saarista shidaalka ayaa la isoogu soo dhawaadey sida loo qeybsanayo heer Dowlad federaal , Heer dowlad goboleed illaa degmo oo la wada qeybsan doono.
-Habka Doorshada 2020:-
*Dowladda ayaa soo bandhigtey sida la sheegey hab ka duwan kii hore oo loo marayo qabashada doorashada 2020 kaas oo la sheegey in ay ka qeybgali karaan shacabka iyo waliba qurbajoogta lakin ay adagtahay suuro galinta habkaasi marka la fiiryo caqabadaha Amniga iyo dhaqaalah , Maamulada oo loo qeybiyey nuqulada shaxda habkaasi ayaa laga sugayaa jawaab celintooda ku aadan shaxdan cusub.
-Shirka Bruseless :-
* Dowlad goboleedyada ayaa diidan in laga helo saxiix lagu tago shirka Juun ka dhici doona magaalada Brussels ee dalka BIiljimka taas oo ay maamuladu kuwada casuumanyihiin lagana yaabo inay diidan inay ka qeybagalaanba.
-Khilaafka Khaliijka:-
* Dowlad goboleedyada ayaa codsadey In Dowladu sameyso gudi dib u eegid ku sameeya Arrinta Khaliijka oo ay Dowladu dhexdhexaadnimadii ka baxdey si dib loogu firiyo go'aanka ugu haboon ee arrimaha Khaliijka , Kheyre iyo Farmaajo waa ka madax adaygayaan wali ayada oo uu Fahad yaasiin isla maanta u duulayo Dooxa Qatar oo aysan macquul noqon karin in go'aankii hore laga laabto
#- Shirka Baydhabo ayaa u muuqdaa shirkii loogu kala aragtida duwanaa ee u dhexeeya Dowladda iyo Maamulada maadaama aysan jirin illaa hadda hal qodob oo la isla meel dhigan maantana lagu wado inuu soo idlaado.
#-Axmed madoobe iyo Farmaajo ayaan wali is arkin wada hadalna dhexmarin gaar ah oo wali loo kala dabqaadayaa.
No comments