Header Ads

faa´iidoyinka uu kalluunku u leeyahay jidhkeen.

Dhamaan waxaynu wadda ognahay sida xaqiiqda ah in wax kasta uu Allah (swc) uu abuuray ay xikmad iyo fa´iidooyin ay ku jiraan. Taas oo la rabo inaan si fiican uuga faa´iidaysano.

Kadibna aanu Allah (swc) aanu uga shukrino nimcooyinka dusheena uu ku manaystay.

Waxaynu  sla eegi  faa´iidada uu kalluunku u leeyahay jidhkeen.

1. Nafaqo:

Kalluunka / Malaayga waxaa laga helaa nafaqo jirka uusan ka maarmin sida borotiin tayo leh, maadada "Iodine" oo muhiim u ah dadka qaba bararka thyroid-ka "Goiter" iyo fitamiino kala duwan.

Malaayga wuu kala fiican yahay, waxaana la isku raacay kuwa buurbuuran inay ka caafimaad badan yahay kuwa dhuudhuuban, sababtuna waa nooc ka mid ah fitamiin D-ga oo aad muhiim ah lagana sameeyo hormoonada jirka iyo saliida caafimaadka u roon ee "Omega 3" waxay muhiim u tahay shaqada maskaxda.

waxayna yaraysaa xanuuno badan oo maskaxda saameyo, waxayna dhakhaatiirta ku taliyaan si faa'idadaas jirka u helo in usbuuciiba hal mar ama laba jeer la cuno malaay / kalluun.

2. Caafimaadka Wadnaha:

Kalluunka / Malaayga wuxuu yareeyaa halista wadna qabadka iyo faaliga, waana labada sabab ee ugu badan ee dunida loogu la'do, dhowr cilmibaaris oo lagu sameeyay dadka joogteeyo cunista malaayga waxaa la arkay inay aad ugu yar tahay wadna qabadka iyo faaliga, sababtuan waxaa loo aanaynayaa saliida kalluunka Omega 3 oo caafimaad u leh xididada wadnaha iyo maskaxda.

3.  Korriimada Jirka:

Kalluunka / malaayga wuxuu muhiim u yahay korriimada iyo kobcinta unguyada jirka khaasatan aragga iyo maskaxda, waana sababta loogu dardaarmo in caruurta iyo ardaydaba ay ku dadaalaan si ay uga helaan xasuus fiican iyo arag wanaagsan, inkastoo faa'ido u leeyahay uurjiifka laakiin hooyooyinka uurka leh lagu lama taliyo inay malaay badan cunaan iyadoo laga cabsanayo in maadada sunta ah ee loo yaqaano "Mercury" oo kalluunka qaar laga heli karo ay dhibaato u geysan karaan uurjiifka. kalluunka ay ku badan tahay maadada "Mercury" waxaa badanaa laga helaa xeebaha ay adeegsadaan maraakiibta laakiin kalluunka laga helo webiyada way ku yar tahay.

4. Xasuusta:

Kalluunka / Malaayga wuxuu yareeyaa doqoobidda ama baaba'a unugyada xasuusta, sidaas daraadeed hilmaanka iyo laleemada la xiriirta duqnimada waa looga hortagaa, diraasad lagu sameeyay arintaan waxaa la arkay in dadka xasuustooda ay aad u fiican yahay iyagoo da' ah in la arkay in kalluunka uu kobciyay qeyb ka mid ah maskaxda oo loo yaqaano "Grey matter", dadka dhaxalka u leh xanuunka laleemada iyo xasuus la'aanta waxaa lagula taliyaa in usbuuc kasta cunaan kalluunka si ay uga badbaadaan xanuunka "Parkinson" iyo "Alzheimer's"

5. Caafimaadka Lafaha:

Malaayga waa cunanda ugu fiican ee laga helo fitamiin D-ga, kanoo muhiim u ah hormoonada kala duwan ee jirka lagu sameeyo, sidaas awgeed waxaa looga hortagaa hormoonada dhacsan ama kacsan tanoo astaan u ah cudurro dhowr ah oo ku dahca ragga iyo dumarka, dhowr diraasad oo lagu sameeyay arrintaan ayaa cadaysay inuu daawo u yahay cilladaha hormoonada ku dhaca.

6. Difaaca jirka:

Kalluunka wuxuu u fiican yahay cilladaha isdifaaca jirka ku dhaca, kuwaanoo asal u ah xanuuno badan oo ay ugu horayso macaanka noociisa 1-aad, roomaatiisamka iyo xanuuno kale, joogteynta cunista kalluunka wuxuu yareeyaa halista macaanka type 1 sida dhowr diraasad ay sheegtay.
Neefta: Isticmaalka kalluunka waxaa la arkay inuu yareeyo halista neefta ama xiiqda boqolkiiba 24%, waa diraasad lagu sameeyay caruur badan, waxaa kaloo diraasada ay sheegtay in caruurta markay yaryihiin la siiyo kalluunka inay ku yar tahay samboorka iyo neefta.

7. Caafimaadka Aragga:

Xanuun ku dhaca aragga oo loo yaqaano "Macular degeneration" oo badanaa duqnimada iyo xanuuno kalaba ay keenaan, waxaa la arkay in ka hortaggiisu ay tahay cunista kalluunka / Malayga. halista xanuunkaan wuxuu yaraadaa boqolkiiba 42%

8. Caafimaadka Lafaha:

Malaayga waa cunanda ugu fiican ee laga helo fitamiin D-ga, kanoo muhiim u ah hormoonada kala duwan ee jirka lagu sameeyo, sidaas awgeed waxaa looga hortagaa hormoonada dhacsan ama kacsan tanoo astaan u ah cudurro dhowr ah oo ku dahca ragga iyo dumarka, dhowr diraasad oo lagu sameeyay arrintaan ayaa cadaysay inuu daawo u yahay cilladaha hormoonada ku dhaca.

like page. SOMWEC
la wadaag asxaabta ( share )

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.