Header Ads

George McLaurin, waa ardaygii ugu horreeyey ee Afrikan ah oo ay aqbasho inuu wax ka barto Jaamacadda Oklahoma ee dalka Mareykanka

George McLaurin, waa ardaygii ugu horreeyey ee Afrikan ah oo ay aqbasho inuu wax ka barto Jaamacadda Oklahoma ee dalka Mareykanka Sannadkii 1948-kii waxaana la fariisiyey meel gees ah si uusan ugu dhawaan ardayda caddaanka ah.

Laakiin George wuxuu dadaal badan kadib ka mid noqday Sadexda arday ee waxbarashada ugu wanaagsan uguna sharafta badan Jaamacadda.

George wuxuu yiri-

"Waxay ii fiirin ama eegi jireen sida inaan ahay xayawaan, ilama hadli jirin, macallimiinta waxay iila dhaqmi jireen sida inaanan ka mid ahayn ardayda su'aalaha aan weydiiyana iigama jawaabi jirin-

Aad baan u dadaalay mana niyad jabin illaa markii dambe ardaydii caddaanka ahaa ay i soo raadiyaan si aan casharrada ugu sharraxo su'aalahana uga jawaabo-

Ugu dambeyn George McLaurin waxuu yiri adiga ayey tahay inaad kala xulato in Liiditaankooda aad ku niyad jabto ama aad iyaga saameyso si ay isku dhiibaan"  

Dulucdu waxa weeyaan marka qofku uu la kulmo wax niyad jebiya inuusan is dhiibin uuna dadaalkiisuna sii laba jibaaro si uu u gaaro hadafkiisa.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: Bashiir Mohamed

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.