Header Ads

Mid ka mid Maraakiibka Qiyaasaha ka baxasan- USS Gerald R. ford

Mid ka mid Maraakiibka Qiyaasaha ka baxasan- USS Gerald R. ford.

Dowladaha quwadaha wayn ee caalamka waxa ay tartan ugu jireen sidii ay ku soo saari lahaayeen Mar uun Markab ay adag tahay in laga hor tago ama waxyeelo loo geyso laakiin nasiib daro dhamaan maraakiibtii hora loo farsameeyey waa ay ku fashilmeen.

kani USS Gerald R. ford waana markabka ay dushiisa nolosha ay suurtagalka ka tahay hadii uu ka bad-baado dagaal nuclear oo dunida saameyn ku yeesha, Qiimahiisu waxa uu ku kacay  13 Bilion oo dollar dhererkiisuna 340 Mitir culeyskiisuna 1000,0000 Tone

Waxyaabaha xiisaha leh ee uu leeyahay markabkan dagaal ayaa ah in dushiisa ay ka dhisan tahay 25 Dabaq oo is dul saaran ilaa 2600 oo qof ayaa ka shaqeesa oo isagu jira rag iyo dumar kuwaas oo Shaqaale ka ah tirada  diyaaradaha  ee markabka dushiisa saaran.

Mid ka mid ah Awoodaha u gaar ah USS Gerald R. ford - waa labada quwad ee dabdhaliye ee ku shaqeeya awooda nuklearka A1B kuwaas oo soo saari kara dab awoodiisa gaareyso 600 mb.!! Iftiinka (ileyska) ka soo baxa Markabkan waxaa la sheegaa inuu ifin karo magaalada Pasadena golobka celefornia ee dalka mareykanka taas oo ay ku nool yihiin qiyaastii 140,000 ee qof.

Qaybaha agabka military ee uu leeyahay waxaa ka mid 90 diyaaradood kuwaas oo si raxan raxan ah u duuli kara taas oo midiiba ku kaceyso qiima dhan 120M

Waxaa kaloo ku xiran Gantaalada RIN120 kuwaas oo burburin kara difaacyada kuwa ka soo horjeeda iyo Madaafiicada kale ee dhuuntooda tahay 122 mitir  kuwaas oo la shaqeeya raadaarada bixiya digniinaha dag-daga waxaana ilbiriqsigiiba dhuuntiisa ka bixi karta 50 xabadood oo rasaasta madaafiicda ah.

Waxaa kaloo ku xiran markabkan qoryaha boobayaasha kuwaas oo Nuucoodu yahay M250 waxaana loogu tala galay Maraakiibta sida qarsoodiga ah ama kuwa quusa ee mara bada gunteeda hoose in aysan si sahlan ku soo weerarin waxaana sidoo kale dushiisa saaran Hilikebtero ay ku xiran yihiin gantoolo bada hoosteeda wax ka duqeeya kuwaas oo loogu tala galay inay markabkan ka difaacaan maraakiibka quusata.

Marabkan ayaa la isku raacsan yahay in kaliya lagu bur-burin karo Madaxayada Nuclear-ka xambaarsn, Taas oo ay dowlad hada ku dhici karta aysan jirin.

WQ:Anwar Isaac Ahmed

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.