Waa sheeko cajiib ah, waxaana filayaa inaad ka faa'idaysan doontaan
Bismillah,
Waa sheeko cajiib ah, waxaana filayaa inaad ka faa'idaysan doontaan..
Oday waayeel ah oo daganaan jiray gobol ka tirsan wadanka "Aljeeriya" ayaa waxaa ka xanuunsatay gabar yar oo uu dhalay, odaygii waxaa lagula taliyay inuu gabadha geeyo isbitaalka wayn ee caasimadda si loogu sameeyo qalliin aan lagu qaban karin meesha uu joogay.
Odayga weligiis caasimad ma tagin, qaraabane ugama horayso, laakiin wuxuu wataa kaliya warqadihii caafimaad ee lagu soo xawilay gabadha iyo meesha uu isbitaalka ku yaallo, qof kale oo la socdane ma jiro, safar dheer oo dhulka ah ka dib, wuxuu yimid isbitaalkii isagoo daalan, gabadhiina ay sii xanuunsatay.
Isbitaalku wuxuu ahaa mid aad u wayn, qeybo kala duwanne leh, qofkii ku cusubne ku wareerayo, odaygii isagoo daalan, cunugtiina xambaarsan, wax la hadlane la' ayuu iska hoos fadhiistay meel gawaarida la dhigto oo isbitaalka gudihiiisa ah si uun qof u soo ag maro kadibne u hago, halkaas ayuuna Alle bari ka bilaabay "Ilaahayow waad ii jeedaa, xaalkeyga kaama qarsoona ee muraadkayga ii fududeey"!.
Muddo markii uu meesha ku ducaysanayay ayaa wiil dhalinyaro ah oo gaari meesha u yaallay ka kaxaysan raba ayaa arkay odaygii oo meesha fadhiya, gabadh yarne ag jiifto, wuu waraystay, magaalada iyo isbitaalka laga soo xawilay ayuu ogaaday, kadibne warqadihii ayuu akhriyay, isla markiiba wuxuu la soo orday kurisiga cuuryaanka "Wheelchair", gabadhii ayuu ku riday wuuna la dhaqaajiyay, odaygiina wuu ku amray inuusan ka harin.
Siduu u sii waday, qeyb isbitaalka ka mid ah ayuu geeyay, shaqaalihii shaqada ku jiray ayuu heegan galiyay, amarne ku siiyay in si dhakhso ah gabadha xaaladeeda mudnaan loo siiyo, kamana harin illaa ay baaritaannadu ay dhamaanayeen illaa dhakhtarkii ku shaqada lahaa ku wareejiyo, kadibne ku hubsaday liiska saalada qalliinka ee maalintaas in lagu daray.
Qalliinkii ayaa isla habeenkii loo sameeyay, waana lagu guuleystay, laba maalmood ayayne isbitaalka ku jirtay, intaasne odaygii ma uusan arkin wiilkii, laakiin sidii loogu shaqeynayay oo hagar la'aanta ahayd waxne iskama badalin, kadib dhakhtarkii gabadha wuxuu odaygii ku wargeliyay in la fasaxayo yihiin, 7 maalmood kadibne isbitaalka ay ku soo laaban doonaan.
Odaygii waxaa mar kale la soo darsay welwel iyo walbahaar, 7 maalmood halkey sii joogi doonaan? maadaama qaraabo aysan ku ogayn magaalada, isagoo sidaas u fakarayo ayaa wiilkii u soo galay, wuxuuna odaygii ku yiri: Adeer na keen? waa lagu fasaxay 7 maalmood kadib ayaad soo laabanaysaa.
Wiilkii gaari ayuu ku soo qaaday odaygii iyo gabadhii, wuxuuna keenay gurigiisa, wuxuuna yiri: Aniga ayaa marti ii tihiin illaa waqtiga booqashada isbitaalka laga gaarayo, wuxuuna xaaskiisa iyo caruurtiisa faray in martida safiican loogu khidmeeyo.
Odaygii iyo gabadhiisii sidii qof Hotel dagan oo kale ayaa loo maamuusay, markuu wiilkii guriga ku soo laabtay oo cashada loo fadhiistay ayuu odaygii yiri: Wiilkeygiyow cashadaadu waa iga xaaraan haddii aadan ii sheegin kumaad tahay? Maxaadse intaan oo axsaan ah iigu fashay ama ku muteystay?, wiilkii ayaa ku jawaabay: Adeer iskuulka dugsiga sare ee magacaas la dhaho oo magaalada aad ka timid ku yaalla soo hortiisa kuma gadi jirin cunno iyo cabitaano fudud? odaygii wuxuu yiri: "Haa" isagoo yaaban!, wiilkii ayaa sii waydiiyay: Ma xasuusataa mar hadda 10 sano ka badan laga joogo wiil iskuulka dhigan jiray oo loo diiday inuu imtixaanka dugsiga sare galo, kadibne isagoo oyanaya oo banaanka fadhiyo intaad u timid ood ku tiri: Adeer maxaa kugu dhacay?, kadibne wiilkii ku yiri: lacag 5 diinaar ah ayaa iga dhiman, imtixaankiina waa la ii diiday inaan galo? Odaygii wuxuu yiri: "Nacam", waan xasuustaa ardaygaas!.
Wiilkii wuxuu yiri: Ardaygaas waa aniga, maalintaas lacagta aad iga bixisay darteed, imtixaankii waa la ii ogolaaday, darajo fiican ayaan ku qalin jabiyay, fursad waxbarasho ayaan dowladda ka helay, isbitaalka hadda gabadhaada lagu qalay ayaan qeyb maamule ka ahay.
Odaygii oo yaaban ayaa wiilkii waydiiyay: Adeerow aniga kuma xasuustee sidee igu soo xasuusatay? Wiilkii wuxuu yiri: markaad i tiri "magaalo hebel ayaan ka imid, magacaagane aan arkay isla markiiba waan ku soo xasuustay, waxaana dareemay maalintii aan kuu abaal gudi lahaa in la joogo" kadib waxay ka sheekeesteen taarikhdii iskuulka iyo naaneystii odayga ay ugu yeeri jireen xilligii iskuulka ay dhigan jireen. odaygiina halkii ayuu oohin isku celin waayay.
Soomaalidu waxay tiraahdaa: "La Yeelaa Ma Hilmaamo, Laakiin Yeela Wuu Hilmaama", Akhristow oraahdaan maxaa loola jeedaa? Sheekadaanne maxaad ka faa'idaysatay? Fadlan #Like & #Share si bulshada ugu cibro qaadato.
X/Q:somalidoc
No comments