Header Ads

HANTIDII UU SOO TABCAY MAXAY U TARTAY

HANTIDII UU SOO TABCAY MAXAY U TARTAY?
======================================

Bishii Janaayo 27-keedii Sannadkan 2018-ka waxaa Magaalada Smaland ee Dalka Sweden Xanuun ugu geeriyooday Ingvar Kamprad oo Sannado badan kamid ahaa Tobanka qof ee ugu Hantida badan Caalamka, sidoo kalena ahaa qofka ugu Hodansan dalka Sweden.

Mr. Ingvar wuxuu ahaa Milkiilaha Sharikadda Caalamiga ah ee IKEA, iyada ayuu geliyay Waqtigiisii ugu badnaa, wuxuu aas-aasay isagoo 17-Jir ah, wuxuuna dhintay ama geeriyooday isagoo 91-jir ah.

Ingvar wuxuu ka tegay Hanti dhan $73-Bilyan. ha yeeshee kuma raaxeysan oo wuxuu ku noolaa Guri yar oo Fillo ah, wuxuu xiran jiray Dhar kuwa raqiiska ah ee nuuca Hudheey ah, wuxuu raaci jiray Gaadiidka Dadweynaha, iyo Gaari duq ah oo uu heystay in ka badan 20-Sano, sidoo kalena wuxuu Diyaaradda ka raaci jiray Qeybta Shacabka.

Waxaan isweydiiyay micnaha ay u sameeysay Hantidiisu, marba hadduu ku jiray Nolosha nuucaan ah, uusanna rajo ka qabin Raaxo Aakhiro. Nafteyda ayaan weydiiyay, toloow Hantidaan tirada badan oo uu soo tabcayay 75-Sano ma kari waysay inay Hal Maalin, Hal Bil ama Hal Sano ku kordhiso Noloshiisa. balse waxaa Waydiinteyda iiga jawaabay saaxiibkiis Mr. Steve Jobs oo ay Sannado badan iskula jireen Liiska Tobanka qof ee ugu Hantida badan Caalamka.

Steve Jobs oo kamid ah Shakhsiyaadka Hal-Abuurkoodu bedelay Wajiga Qarniga 21-aad, Dunidana u jeediyay Jihada ay maanta u socoto wuxuu ahaa Aas-aasaha iyo Agaasimaha Guud ee Sharikadda Apple ee soo saarta Kumbuyuutarada iyo Moobeelada Gacanta sida iphone, iPad iyo iPod.

Steve Jobs oo Dalka Mareykanka Kansar ugu dhintay Sannadkii 2011-kii wuxuu intuusan naf-bixin isagoo jiifa Isbitaalka qoray Erayo Cibro ugu filan qof kasta oo juhdigiisa isugu geeya inuu dhaqaalo sameeyo. Erayadii ugu dambeeyay ee Steve waxaa kamid ahaa sidan:

Waxaan halka ugu sareeysa ka gaaray Caalamka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha, Nolosheyduna waxay Calaamad Guul iyo Horumar u tahay dad badan.

Hadda oo aan jiifo Sariirta Isbitaalka waxaan soo xusuusanayaa Nolosheydii tagtay, waxaana ogaaday in Guulihii, Hantidii iyo Abaal-marinnadii aan ku faani jiray aysan waxba ka tareynin dhimashadeyda dhow.

Kadib sanado badan oo aan Dhaqaalo aruuris kusoo lumiyay, hadda ayaan fahmay in si kasta oo qofku Hanti u sameeyo, uu soo seexan doono Sariirta aan maanta jiifo. Fadlan haddaad ku joogto wadadeyda, jooji raadinta Hanti badan, waayo waxay kaa dhigeysaa qof Daciif ah oo Liita sideeyda oo kale.

Ma taqaannaa Sariirta Dunida ugu qaalisan?

Anigaa kuu sheegayo, oo waa Sariirta Isbitaalka.
Haddii aad Lacag leedahay waxad kireysan kartaa qof kugu kaxeeyo Gaarigaaga, balse ma ijaaran kartid qof kaala wareega Xanuunka iyo Jirada aad u dhimaneyso.

Haddii aad Hanti leedahay waad heleysaa wax kasta oo Lacag kaaga xiran, balse halka sheey ee aadan dib u heleynin haddaad lumiso, Lacagna aadan ku iibsan karin waa Nolosha!, Nolosha!, Nolosha!!!
قال رسول الله ﷺ: (نِعْمَ الْمَالُ الصَّالِحُ لِلرَّجُلِ الصَّالِحِ).
اللهم لك الحمد علي نعمة الإسلام ما تعاقب الليل والنهار.

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.