Header Ads

Hani maxaa la gudboon hada sheeko xanuun badan

Wuxuu ka bixin jiray Iskoolka, waxey ku balameen iney is guursadaan markii ay iskoolka dhameyso. Waxey aheyd gabar cad, oo dhuuban, oo dhoola cadeyn badan. Ma jirin qof awooda inuu ogolaado iney waqti dheer ka maqnaato.

Hani waa gabar ka dhalatay qoys sabool ah.

Maxamed Carab saddex bilood ka hor intii aaney iskuulka dhameynin Hani ayuu u laabtay Yurub, markii ay gabadhii dhameysay Iskoolkii wuxuu ku war galiyay in la gaaray xilligii ay ku balameen guurka, laakiin waxey xujo uga dhigtay iney rabto iney jaamacad bilaawdo uuna guurkooda dhici doono markii ay jamaacada dhameyso ayna hada u baahan tahay inuu jaamacada ka bixiyo.

Maxamed kuma farxin hadalkaas, wuxuu dareemayay inuusan waqti intaas ka badan lumin karin, wuxuu ku yiri Jaamacada dhigo anoo ku qaba laakiin waa ka dhago adeegtay. Waxey Hani ogeyd inuu si xad dhaaf ah u jecel yahay. Wuxuu fakaraba waxaa usoo baxday inuusan 4 sano oo kale iskaabulo sii ahaan karin. Wuxuu ku yiri "Wax walba oo wanaag iyo garab ah waxaan kugu sameeyay jaceyl, wali waan ku jeclahay laakiin intaan ka badan kuma sugi karo. Nasiib wanaagsan ayaan kuu rajeeyay.

Hani ma fileyn inuu go'aankaas qaadan karo Maxamed, laakiin nafteedu waxey u sheegtay inuu usoo laaban doono oo uusan ka maarmi karin. Laakiin waxey ilowday in Raga qaar ay adag tahay iney go'aan qaatan balse hadii ay qaatan ay adag tahay iney soo laabtan. Maxamed 4 bilood kadib wuxuu guursaday gabar heysata 1 wiil oo degan Sweden.

Hani waxaa ay heli weysay nin ugu nugul sida Maxamed. 8 bilood kadib markii uu xiriirkeedii hore bur buray ayey heshay nin macalin jaamacadeed ah waxeyna ku heshiiyeen maher qarsoodi ah iyo inuu jaamacada free kaga dhigo uuna bishii siiyo qidmad yar. Sagaal bilood markii ay is qabeen ayaa waxaa kusoo baxay uur, hal bil kadibna macalinkii ayaa laga eryay shaqadii jaamacada.

Hani waa ay ka hartay jaamacadii, waxaana u bilaawday maalmo madow markii ay wax taageero ah ka weysay ninkeedii cusbaa oo isna ay maalmo baaga muudo ah u bilaawdeen. Isjiid jiid iyo maalmo muran ah kadib wuu furay macalin Yuusuf. Ileen qudbo siro ma qaan gaartee.

Waxey qaadatay go'aan adag oo ah iney iska soo xaaqdo cunuga caloosheeda ku jira, waxey u tagtay dhaqtar lacag ku qaata inuu howl galada nuucan ah fuliyo. Markii ilmihii laga soo xaaqay ayaa waxaa ku dhacay dhiig bax daran. Waxaa la dhigay isbitaal ku yaala Muqdisho waxaana arrinta ogaatay walaasheed ka weyn oo isbitaalka la gashay. Hani iyo walaasheed waxey awoodi waayeen Qarashkii isbitaalka, waxaana la raadiyay macalinkii balse kama jawaabin teleefoonka.

Hani walaasheed ayaa wacday Maxamed oo ahaa ninkii ay horey u xujeysay, waxaana ay u sheegtay xaalka Hani ay ku sugan tahay iyo sida ay wax u dhaceen. Aad ayuu u calool xumaaday wuxuuna usoo diray lacag $300 (saddex boqol) oo dollar ah. 8 maalmood oo ay isbitaal ku jirtay kadib ,hadda waa ay fiican tahay Hani.

Gabar walba waxaa hal mar soo mara ninkii saxda ahaa ee mudnaa nolosheeda laakiin yaa u sheegaya ????.

Hani maxaa la gudboon hada ????

Xigasho:abdullahi osman Farah

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.