Kumuu ahaa qofkii ugu saameynta badnaa ee aduunka soo mara
Michael H. Hart oo ah qoraa weyn iyo cilmi baare u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxa Ay Ku Qaadatay mudo 28 Sannadood ah Inuu Alifo Buugiisii Uu Ugu Magac Daray Boqolka Qof Ee Aduunka Ugu Saamaynta Badnaa (‘100 most influential people in the world‘), Kadib Markuu Dhamaystiray Alifaadii Buuga, Ayuu Muxaadiro Ku Qabtay Magaalada London Waxaanu Kaga Hadlay Shaqsiyadii Aduunka Ugu Waynayd Ee Soo Marta, Dad badan Ayaa Goobta Soo Buuxiyay Si Ay Xiiso Badan Ka Muuqatana Waa U Dhagaysanayeen Hadalkan Uu Jeedinayo Ninkan Qoraaga Iyo Cilmi Baaraha Ah Kadib Waxa Uu Hadalkiisii Ku Bilaabay:-
Nin Ayaa Ka Soo Baxay Tuulo Yar Oo Maka La Yiraa, Dabadeed Dadkii Ku Noolaa Tuulada Waxa Uu Ku Yiri:
Dadyow Waxaan Ahay Rasuul Ilaahay U Idiin Soo Diray, Waxa La Ii Soo Diray Inaan Idiin Dhamaystiro Dhaqamada Kuwooda Wanaagsan, Dabadeed Waxaa Rumeeyey 4 Qof (Xaaskiisii, Saxiibkii Iyo Laba Caruura) Imika Oo Laga Joogo Taariikh Ku Aadan 1400 iyo Wax La Jira Oo Sannadood Tirada Dadka Islaamka Waxay Ka Badantahay 1.5(Hal iyo Bar Milyaar), Maalin Walbana Waa Sii Siyaadaysaa.
Suurto Gal Maaha Inuu Ahaa Nin Aan Run Sheegayn, Waayo Aduunyada Ma Jirto Been Noolaan Karta 1400 Sanadood, Sidoo Kale Waxaan Suuro Gal Ahayn In Tirada Dadka Ee Inta Le'egi Inaanay Ku Kadsoomeen Beenta Qof Kaliyi U Sheegay.
Arinta Kale Ee Cajiibka Ahi Waxa Weeye: Iyadoo Waqtigaa Aadka U Dheer Ka Soo Wareegay, Hadana waxaa Jira Malaayiin Muslimiina Oo Diyaar U Ah Inay Difaacaan Kuna Furtaan Naftooda Hadii Kalmad Aan Haboonayn Laga Sheego Nabigooda.
Waxa Uu Ahaa Shaqsiyadii Ugu Saamaynta Badnayd Ee Dunida Guudkeeda Soo Marta Nabi Muxamed (NNKH).
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Amiir Khadar Suldaan Adam
No comments