Header Ads

Faaidada #Sabarka ( #Qissa)

Faaidada #Sabarka ( #Qissa)

Aabe ayaa waxaa ka geeriyootay Hooyadii reeka dhashay, waxaa eyna ka tagtay 5 gabdhood isla markaana aabuhu isagaa hooyo iyo aababa u ahaa.

Gabdhihii ayaa waxaa soo doontay 4nin, aabihii wuxuu go'aansaday inuu u kala guuriyo gabdhaha sida ay ukala wenyihiin balse gabadhii ugu weyneed ee curudka reerka eheed ayaa diiday arinkaas, waxaa eyna tiri ma guursanayo aabahay oo waayeel ah holyadeyna dhimatay ilaa reerkan aan maamo ugu noqdo yacnii cidda anigaa u weyn waxaana waajib isaaran ah inaan aabahay meel ku ogaado.

Gabdhihii kale ayaa loo guuriyay nimankii soo doontay halka gabadhii weyneyd ey ku hartay aabaheed oo u baahnaa xanaano iyo qof ogaada.
Muddo ka dib aabihii waxaa soo wajahay xanuunkii geerida waxa uu bilaabay inuu isugu yeero gabdhihii kale oo niman qabaan inay ka yimaadaan reerahooda si uu ugu dardaarmo, odaygu waxaa uu ku dardaarmay sidatan

" yaan la iibinin girigan ilaa walaashiin idinka weyn ey hesho meel ey u dhaxdo bimacnaa ey guursato"

Aabihii markuu geeriyoday gabdhii wexey goaan ku gaareen inaanay hadalka dardaaranka aabuhu qaadan ee guriga ey iibsadaan iyagoo aanan dan iyo muraad toona ka lehen gabdhan walaashood oh oo aabaha dartii iyo ricaayada guriga u diiday iney guursato oo ka dhex baxdo reerka iyagoo aanan u aabo yeelin meesh ay walaashood ku hoyan doonto maadaama vurigan qof kale iibsanaayo iyaguna mid walbaahi gurigeeda aaddo kadib markii ay qaadato qeybtii dhaxal ahaan u soo gaartay.

gabdhii dulmaneed ayaa wexey la xiriirtay ninkii guriga laga iibinaayay wexeyna ugu sheekeysay qisada iyada iyo reerkooda dhex martay wuxuuna ku yiri  " korkaaga dhib ma ahaan doono insha Allah"

Wxaa la iibiyay gurigii dhaxalkiina waa la qeybsaday balse xageey ku dambey doon taa miskiintii ilaahay mooyaanay cidkale u wehel ehen?.

Muddi yar ka dib waxaa gabadhii soo wacay ninkii taajirka ahaa ee guriga iibsaday iyadoo awal ka dalbatay inuu wax guriga u daayo intey hoy ka heleyso, gabadhii markey aragtay wicitaanka ninka aad ayey u cabsatay iyadoo moodday in guriga la kicinayo wexey ku tiri" iga raalli noqo walal ii cudur daar wali ma helin meel aan hoy ka dhigto"
Wuxuu ku yiri" dhib malahan aniga arinkaas kuuguma wicin lkn waxaan kuugu wacay inaan ku gudoonsiiyo sabarloogada guriga si aan meher kaaga dhigo, hadaad doontid waad aqbali kartaa inaan noqdo zowjkaaga, hadii aad doontidna gurigaaga waad isaga laaban kartaa labada xaaladba guriga adigaa iska leh adigaana xaq u leh"

Gabadhii wey oysay wexeyna ogaatay in ilaahay uusan dayaceynin camalka muxsiniinta
Wexey ka aqbashy gurkii wexena kula noolaatay ninkii taajirka ahaa nolol xayaati leh oo qurux badan
#Nin_wanaagsan  iyo
#Gurigii_Aabeheed

Qeyr walbaa oo aad sameyso ilaahay camalkaaga ma dayacayo, kawaran baarrinimada waalidka?

Wanaaggu ma gaboobo
Dambigana lama illoobo
Deymuhuna ma dhintaan
Sidaad u dhaqantidna waalaguula dhaqmayaa

Qasab maahan inaad #share dhahdo lkn waa codso si walalkaa uu uga faaideysto

W/Q Abdiaziz Omar Da'ud

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.