Cuntooyinki nabi maxamed SCW jecla
Cuntooyinki nabi maxamed SCW jecla
waxaa idin soo diyaariyay
9 Kamid ah cuuntooyinki nabigeena suuban SCW jeclaa iyo faiidooyinkooda oo kooban
1. TIMIRTA
nabiga SCW wuxuu yiri:(Guri ay timir taalo laguma gaajoodo)
waxaa kaloo suno nabiga ka sugnaatay ah in ilmaha dhasha dhanxanaga loo maryo.(Taxnik)
timirta waxey leedahay faaiidiiyin badan waxaaka mid ah:
Timirta waxay nadiifisa dhiiga,waxay socod siisaa calooda
waxay u fiicantahay cudurada wadnaha iyo caloosha
waxaa ku jira vitamin A , B1,B2.
2 CAANAHA
caana waxay kobciyaan maskaxda xusuusta ,araga
3 QARAHA/XABXABKA
qaraha qiyasti 92%waa biyo waxaa kaloo ku jira Vitamins A,B.C,E
4 BOCORKA
bocorka wuxuu dajiyaa neerfaha
wuxuu keenaa hurdo wuxuu uroonyahay madax xanuunka
5 Tiinka
Ilaahey SW wuxuu quranka ku yiri (WAXAAN KU DHARANAYAA TIINKA IYO SAYTUUNKA)
faaiidooyinka tiinka waxaana ka mid ah waxay hoos u dhigaa dhig karka, waxay ridaa miisaanka ,waxay ka hortagaan kansarka qeba ka mid ah , waxay daaweeyaan qaarka ka mid ah xanuunada caloosha.
6MALABKA
xadiis laga soo wariyay nabiga (csw) (aya waxa uu yidhi waxan idunku ogahay laba dawo quranka iyo malabka )
malabka marka laga soo tago macaankiisa waxuu kaloo leeyahay faaidooyin badan wuxuu daweeya xanuuno badan
xanuunada uu daweeyo waxa kamida xanuunada ku dhaca caloosha gastric, finanka, hargabka iyo xanuunada beerka
7 SALIID SAYTUNTA
saliid saytuunku waxay u fiicantahay maqaarka iyo timaha waxanay dib u dhigta calaamadaha gabawga ,
8 CINABKA
Cinabku wuxu nadiifiya dhiiga ,waxana xoojiya shaqaada kiliyaha.
iyo ugu danbeyn
9 QAMADIGA/sareen
oo eheed cuntada uu nabiga S c w
ugu jeclaa.
No comments