Header Ads

GUULAYSTUHU WAX BUU AKHRIYAA

GUULAYSTUHU WAX BUU AKHRIYAA
====================================

Akhriska waxaaa lagu tiriyaaa dariiqooyinka ugu muhiimsan ee cilmiga lagu helo.
akhrisku waa shayga ugu muhiimsan ee umad dhan horumarin kara una furi kara albaabo cusub.

Ahmiyada iyo qiimaha uu akhrisku leeyahy waxaa ka marag kacaya in aayadii ugu horeysay ee qur'aanka lasoo dajiyo ay ahayd:
"إقرأ باسم ربك الذى خلق"
AKHRI MAGACA ALLIHII KU ABUURAY

waxaan aayada ka fahmaynaa in barashada illahay dariiqa loo maraa ay tahay in wax la akhriyo.

waxaaa la sheegaaa in maktabadii ugu horeysay ee faraacinadu ay sameeyeeen ay albaabkeeda ku qoreen: "halkaani waa quudkii ruuxda iyo daaweyntii caqliga"

siirada nabiga markaan u fiirsano waxaan arkaynaaa in akhriska ahmiyad weyn siiyay.
Tusaaale ahaan marka aan u fiirsano dagaaalkii Badar maxaabiistii gaalada ee lasoo qabtay waxaaa shardi laga dhigay in ninkii gaal ah ee bara akhriska toban kamid ah muslimiinta in lasii daynayo.

waan garan karnaaa waqtigaaa dadka muslimiintu sida ay baahi weyn ugu qabeen inay xoolo helaan, lknse waxaaa rasuulka u muuqatay qiimaha uu u leeyahy akhriska bulshada muslimiinta ah iyo sida uu uga qeyb qaadanayo fidinta dacwada iyo ilbaxnimada.

Akhrisku wuxuu cimriga qofka ku darayaa cimri kale oo dheeraada.
Arintaan waxaan ka qaadan karnaa in darajooyinka sare iyo shahaadooyinka la qaato oo kaliya aanay cilmiga ka turjumeyn ee akhrisku albaabka cilmiga laga galo yahay.

Ruuxba ruuxa uu ka akhris badan yahayna wuu ka cilmi badan yahay.

XIGASHO: buuga qisooyinka kuwii guuleesaty

QORAAGA BUUGA: ISMAACIIL TUKAALE

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.