5Tilmaamood oo ay Haweenku ragga Ku Doortaan,Gabadh Kastana Jeceshahay.
5Tilmaamood oo ay Haweenku ragga Ku Doortaan,Gabadh Kastana Jeceshahay.
Rag iyo dumarba Waxaa Jira Sifoyin ama
Tilmaamo Midiba Kan kale la Jeclaanlaha
in uu ku arko Waxaa Jira Sifooyin Badan oo ay Haweenku Ku Qiimeeyaan ragga ay Jecelyihiin in ay Nolosha la Wadaagaan
Ragguna Waa Sidaasi oo Kale Waxaanay
Jecelyihiin ama Jeebadda Ku Haystaan
Liis dhan oo Tilmaame ah oo Haweenku
Qaar ay leeyihiin,isla markaana ay Jeclan
Lahaayeen in ay Yeelato Haweenayda ay rabaan inay Nolol la Qeybsadaan.
Waakee Ninka ay Haweenku aad u Jecel Yihiin ee Soojiidashada Badani?
Waa Su,aal in badan la is Waydiiyo Xataa
Ragg badan ayaa is Waydiiya Waa kee
Tilmaamaha ragga Qaar leeyihiin ee
Haweenku Jecelyihiin?
Qormadan Kooban oo aan Kaaso Turjumay Shabakad Ka Faaloota arimaha
Qoyska iyo Jaceylka oo laga leeyahay
Wadanka Masar,Waxaa Jira 5 Sifo ama
Tilmaamood oo ragga Qaarkood leeyihiin
Haweenkuna Si Weyn u Jecel Yihiin kuna Raacaan,Kuwaasi oo kale ah.
1:Ninka Eegmada Deggan:indhuhu Waxay ka mid Yihiin aaladaha ugusoo Jiidashada badan ee ilaahay SWT addoomadiisa Ku Galaday indhaha iyo Daymadoodu Waxa ay Saamayn Weyn Ku leeyihiin dareenka Soo Jiidashada Waana astaanta ama Halka ugu Horaysa ee Qofka laga dheehdo marka aad la Kulanto Daymada Qofka ee aragiisu Waxa ay Muujisaa Dareenkiisa akhlaqeed
Hab-dhaqan iyo Sifo ee Qofka u gaarka ah indhuhu Waxa ay u hadlaan Sida Carabka oo Kale umana baahna Turjumaan raggu Waxa ay Ka Hadlaan
indhaha Waana Dareenka ugu Sarreeya
Ee ay Wax Ku Cabiraan Sidaa Darteed ragga Daymada Deggan ee Naxariista leh
Gabdhuhu kama Xiiso Gooyaan.
Haweenku Waxa ay Ka diidaan oo Neceb Yihiin ragga ama Eegmada Kulul.
2:Ninka Kalsoonida badan oo Nolosha
Waajaha:Noloshu Waxa ay u baahan Tahay in lagu Qaabilo Kalsooni iyo
Ad,adkaan ragannimo Waxaa Jira dad Badan oo nolosha inay Wajahaan Ku Fashilma ama ka baqa ragga Dhiiran ee inta badan noloshooda Ku Qaabila Dhiiranaan iyo Hayaan Nololeed oo Dadal ahi Waxa ay Noqdeen Kuwo Qalbiyada
Haweenka Ku Weyn kalsoonida Naftu Waa astaan Xaqiijisa Gaadhiga Himilada
Guusha marka Ninku Noqdo Mid isku Kalsoon ayey Haweenaydu iyo dadka Kalena ku kalsoonaanayaan.
3:Ninka Joogga Deer leh:
Qaab-dhismeedka Dherer ee raggu Waxaa ay Ka Mid Tahay astaamaha Sida Wayn Haweenku u Qiimeeyaan ragga leh Joog iyo Qaab Dhismeed dheer,aad ayey Haweenku u Jecelyihiin Waxaana la Sheegay in ragga Dhaadheeri Noqdeen Kuwa ugu Saamaynta Badan Soo jiidashada Haweenka iyo Soo jiidashada Marka la barbar dhigo ragga Gaagaaban
Haween badan oo Dookhooda ragga la Waydiiyey Waxa ay u bateen in ay Jecel Yihiin ragga dhaadheer ahaan dhaadheer
4:Ragga Jidh-ahaan Xooggan Muruqyada
Duuban:Waa astaan Casrigan Si Wayn u Caam yeeshay Haween badan oo Wax laga Waydiiyey Dookhooda ragga ayaa Si Dhibyar uga Jawaabay in ay Jecelyihiin ragga Muruqyada Waaweyn ama Jidh ahaan Dhisan muruqyada Caloosha, Garbihiisuna Duubanyihiin Haweenka
Casrigan Ma Jecla ragga buuran/Cayilan ee aan Muruqyadoodu Duubnayn Waxayna Si siman u Necebyihiin ragga Caloosha leh.
5:Ragga Kaftanka Badan:Haweenku Waxa ay Si ba,an u Jecelyihiin ragga Maadayska badan ee inta Badan dadka u Sheekeeya,Kaftanka Badan ee ka Qosliya
Waxa ay Necebyihiin ragga aamuska Badan ee Hadalka Yar
Ragga Dabacsan oo ee Degdega Haday Xanaaqaan u Cadha Burura ama aan Sida Qaalibkaa Cadhoon ayey Haweenku Jecel Yihiin ee Sida Dhakhsa ah u cara Burbura Hadiiba uu Cadhoodo Waxa ay Necebyihiin ragga Carada Dhow ama aan Hore u Cafin Dadka.
Hadaba Waa Su,aale Hadii aad Wiil Tahay
Tilmaamahan Ma leedahay?
Haa Haday Tahay Jawaabtaadu Wiilow
Gabdho Badan Baa Ku jecel ama Ku Jeclaan Doona{Nasiib Wacanidaa}
Qormadan Waxaa Habeeyey oo Qurxiyey
Anigoo ah Qoraa Anfac Mohamed Ahmed
No comments