Header Ads

QISO_YAR_OO_CAJIIB_AH

QISO_YAR_OO_CAJIIB_AH.

(Gabar Mushkilad soo Wajahday).

Gabadhan waxey Wacday Nin Sheekh ah, iyadoo u sheegeysa Dhibkeeda, waxeyna hadalkeeda ku Bilowday sidatan:-

Sheekhoow waxaan Jeclaaday Ina Adeerkeey, muddo 4sano Soon iyo Salaad midna kama tegin, weliba anoo ilaahey ka Baryaaya  inuu Wiilkaas Calaf iiga dhigo, ilaa aan ka Maqlo Aabahey inuu Wiilkii Gabar kale Guursaday.

Intaas ka dib Salaadii iyo Soonkii  waan iska Dhaafay, waana Karaahsaday Xaalkeygii iyo Wadcigeyga Dadka Agtooda, ee Sheekhoow waxaan kaa rabaa inaad Xal i siiso aan ku Bedelo Xaalkeyga.

Sheekhii ayaa ugu jawabay hadal yar, misana Macnihiisu aad u weyn yahay, wuxuuna yiri:-

Waxaad Furtaa Kitaabka Quraanka,  waxaadna Fiirisaa Suurada (Al-Xajj) Aayada(11) meeshaas ayaad ka heleysaa Xalka Mushkiladaada.

Aayaduna waxay leedahay sidatan:-

ومِنَ النَّاسِ مَن يَعْبُدُ اللَّهَ عَلَى ( حَرْفٍ ) فَإِنْ أَصَابَهُ خَيْرٌ اطْمَأَنَّ بِهِ وَإِنْ أَصَابَتْهُ فِتْنَةٌ انقَلَبَ عَلَى وَجْهِهِ خَسِرَ الدُّنْيَا وَالآخِرَةَ ذَلِكَ *هُوَ الْخُسْرَانُ الْمُبِينُ
(Dadka waxaa ku jira mid Alalah  ku Caabuday Fiid dusheed ama meel Dhinac oo koono ah, haddii uu Asiibo/helo wax uu jecel yahay Diinta dhexdeeda ka helo wuu Xasili, hadiise ay Asiibto/ku Habsato Imtixaan iyo Balaayo wuu Laabanayaa Wejigiisii hore iyo Gaalnimadii ayuu dib ugu laabanayaa, markaasuu Aduunyo iyo Aakhiroba Khasaarayaa, khasaarahaas ku dhacay ayaa ah mid Cad).

" حَــــرْف " تعنـــي : شـــرط ''
''Xarafkaas oo lagu macneeyay: ''Sharad (Sharuud)''

Walaalka ama  Walaasha Muslimka ahoow iska ilaali Inaad noqoto kuwa ilaahey u Caabuda Sharad ama Sheey dartiisa.

(ALOOW CIBAADADEENA  WANAAJI).

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.