Header Ads

QISO DHAB AH OO DALKA SUCUUDIGA KADHACDAY (fadlan walaal akhri)

QISO DHAB AH OO DALKA SUCUUDIGA KADHACDAY (fadlan walaal akhri)
=================================================================
Gabar u dhalatay dalka Indoniisiya oo ka mid aheyd haweenka ka shaqeeya guryaha ay leeyihiin qoysaska dalka Sacuudiga ayaa waxaa dhacday in mar kasta oo ay gasho suuliga ama musqusha lagu mayrto ama lagu qubeysto ayey aad ugu raagi jirtay ama ugu daahi jirtey. dabeedna haweenaydii ay u shaqeynaysay ee guriga lahayd ayaa markii ay aad uga yaabtay weydiisay sababta ay ugu raagto musqusha ama suuliga?

Gabadhii shaqaalaha ahayd ayaa bilowday oohin muddo ayeyna kala joojin weyday. markaasaa haweenaydii qoyska weydiisay sababta ay la ooyayso. dabeedna gabadhii Jaariyada ama shaqaalaha aheyd ayaa ku jawaabtay sidan:

“Labaatan maalmood ka hor ayaan wiil umulay, ka dibna xafiiska dalkayga hooyo ee Indoniisiya ee shaqo geynta oo aan hore codsi u geystay ayaa ila soo xiriirey in ay shaqo iiga hayaan Sacuudiga, sidaasina ayaa halkan ku imi, markaa naasahayga caanihii ka buuxay ayaan ka khafiifiya.

Haweenaydii aqalka ama guriga laheyd ayaa aad uga danqatay una naxday waxayna markiiba ku tiri “ku noqo dalkaagii waxaan ku siinaya lacagta tikidhka aad ku dhoofayso iyo mushaarkaaga iyo weliba labada sanadood ee aad naaska nuujinayso wiilka yar ee aad dhashay, marka ay hawshaas kuusoo dhamaato nagu soo noqo aniga ayaa shaqada ku haynayee, telefoonkii ayayna u qortay” . Sidaas ayeyna ku fasaxday.

Waxaa hadaba dhacday in haweenaydii sacuudiga u dhalatay ay maalmo ka dib aadey ama tagtay balan ay la lahayd nin dhakhtar ah si uu eego heerka uu marayo cudurka Kansarka oo hayay. Laakiin baaritaan uu sameeyey dhakhtarku waxba wuu ka waayay, markaasi ayuu misana ku celiyay waxaana uu ogaaday in heerka kansarka haweenayda uu taagan yahay 0%, isagoo saaray dhamaan qalabkii lagu eegayay.

Markii uu ogaaday isaga iyo dhakhaatiirta kaleba in ay bogsatay ayuu weydiiyay dawada ay qaadatay waxaana ay ugu jawaabtay ayada oo ooyaysa  😭 xadiiska Rasuulka (scw) ee ah “ Bukaankiina ku bogsiiya sadaqo”.waxay tiri illaahow awoodaada hanaka qaadin

Hadaba walaal dhacdadan waxa ay ina tusaysaa in ay muhiim tahay in aanu isu naxariisano,is kaalmeyno oo is caawino si aad u weyna aan ugu dadaalno Sadaqada.fadlan walaal hadaad akhrisay like saar soona qor mnsha Allah

(FADLAN WALAAL ADIGOO MAHADSAN SHARE DHEH OO LAWADAAG WALAALAHA KALE SI AY UOGAADAAN FAA'IDADA SADAQADA )

X/Q: Cabdiraxmaan Ciro

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.