QISO CAJIIBA : Gabadha qurux-badan oo gashaanti ah oo u hoyatay qol wiil 20 jira habeen kaamil ah akhri waa qiso qurux badane :
QISO CAJIIBA : jumaa kariim
Gabadha qurux-badan oo gashaanti ah oo u hoyatay qol wiil 20 jira habeen kaamil ah akhri waa qiso qurux badane :
Roob iyo dabaylaa dhacayey jawiguna wuxu ahaa mid aad u xun dabadeedna
waxay garaacday gurigii ugu dhawaa wuu ka furay isagoo yaaban wuxuna waydiiyey tumaad ahayd.
waxay uga jawaabtay waxaan ahay ardayad roob iyo dabaylaa dhacaya mana garanayo dariiqii gurigayga.
wuxu ugu jawaabay :adigu magaalada waad ka soo baxday waxadna joogtaa qaybta woqooyi gurigiinuna wuxu ku yaalaa Qaybta koonfureed ee magaalada, waad soo luntay halkan cidina ma dagana bal ka soo gal qabowga wuxuna u raaciyey qolkayga isaga hoyo caawa barito subixiina anaa ku kaxaynaya dabadeedna wuxu ka codsaday inay sariirtiisa seexato isaguna wuxun goglay Dhuka xadhig buu ku kala xidhay qolka mara yarna wuu saaray si uu daah uga dhigo lkn maahayn mid ku filan .
Gabadhii ways uruurisay si aan waxba uga muuqan cawradeeda iyadoo baqanaysa ayey ilyarada ka eegtay waxayna aragtay wiilkii oo soo jeeda waxa hor yaala shumac buugna gacantuu ku haystaa iaydoo baqaysa ayey hadana eegtay wuxuna si kadis ah isugu laabay buugii wuxuna ku dhaygagay shumicii hortiisa yaalay wuxuna bilaabay inuu dulsaaro suulkiisa ilaa uu ka gubtay kadibna farihiisii buu mid mid uugu dul qabtay gabadhiina waxaasoo dhan way daawanaysay wayna la socotay wuxu samaynayo dabadeedna si hoos hoos ah bay u ooyeysay iyadoo isku leh Malaha caawa mid waalan baad u soo gashay waxbuuna hoos u akhrinayey iyadoo aan habeenkii labadoodaba midna laba indhood isu keenin ayaa waagii galalac ka dul yidhi markii waagii si fiican u baryey ayuu gabadhii kexeeyey isagoo aan juuq u odhan wuxuna gaadhsiiyey gurigoodii gabadhii iyadoo yaaban bay gurigoodii gashay waxayna qisadii xalay uga sheekaysay waalidkeed iyadoo la xanuunsatay (jiratay ) waxay kala kulantay wiilkii lknse aabeheed kama rumaydan hadalkeeda wuxuuna maalinkii labaad aaday wiilka gurigiisa isagoo qof lumay isaga dhigaya wuxuna waydiiyey dariiqa markiiba wuxu arkay aabuhu wiilka gacantiisa wuxu waydiiyey waxa gacanta Kaga dhacay ?
Wuxuna ku warceliyey wiilkii yaraa waxa ii timi shalayto gabadh aad u qurux badan oo soo luntay jawiguna waa xumaa waan so dhaweeyey lkn shaydaan baa i soo weeraray oo iwaswaasiyey markii waswaasku igu batoba waxan gubayey far kamida farahayga si aan u xasuusto cadaabta aakhiro si aan farahayga uga gubo shahwada shaydaanka si aanu ii dhagrin shaydaanka waxana ka doorbiday inaan farahayga gubo intaan gabadhaa martida ii ah ku xadgudbi lahaa .
Aabihii gabadha dhalay ayaa aad ula dhacay arinkii uu ku kacay wiilkan yari aad buuna uga Helay wuxuu u balan qaaday inuu gabadh uu dhalay u guurinayo wuxu ku marti qaaday gurigiisa wuuna ka aqbalay wiilkii yaraa isagoo aan ogayn inay tahay gabadhu gabadhii quruxda badnayd .
HAL HABEEN UU ALLE DARTIIS XAARAAN ISAGA ILALIYEY AYUU ILAAHAY NOLOSHEEDOO DHAN OO XALAALA UGU BADALAY .
Hadaba Qofkii allah dartiis wax uga taga ilaahay wuxu ugu khayr ka badan baa ilaahay ugu badalaa.
Hadaad ka heshay #SHARE_DHEH
No comments