Abuu Mansuur oo si deg deg ah dib ugu laabtay Magaalada Xudur
Abuu Mansuur oo si deg deg ah dib ugu laabtay Magaalada Xudur.
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii ku laabtay Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, ka dib markii duleedka magaaladaasi lagu dilay wiil uu dhalay.
Wiilka Abuu Mansuur oo lagu magacaabi jiray C/laahi Mukhtaar Roobow Cali, ayaa wuxuu Jimcihii ku dhintay dagaal xoogan oo ay Ururka Al Shabaab kula galeen deegaanka Abal oo 18km u jirta Magaalada Xudur.
Abuu Mansuur oo maalmahaanba ku sugnaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa shalay ka raacay diyaaraddii uu ku tagey Magaalada Xudur.
Wararka, ayaa sheegaya in Abuu Mansuur uu Magaalada Xudur ugu laabtay, sidii uu u qaban qaabin lahaa guluf ka dhan ah maleeshiyada Shabaabka ee ku sugan deegaanka Abal.
Shabaabka, ayaa dhammaadkii bishii June dhinac ka soo degay buuraha Abal, ka dib markii Dowladda Mareykanka ay Abuu Mansuur ka saartay liiska argagixisada.
Abuu Mansuur, ayaa in ka badan afar sano uu saldhigiisu ahaa Abal, markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Amiirkii hore ee Ururka Al Shabaab, Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane). Bishii August ayuuna isu soo dhiibay Dowladda Somaliya.
X/Q:Universal TV
No comments