Header Ads

Soomaaliya waa tee

Baro dalkaada iyo dadkaad.
----------------------------------------

Soomaaliya waa tee?

Soomaaliya waa dal loogu yeero jamhuuriyada federaalka ee soomaaliya, marna loogu yeeri jiray jamhuuriyada dimuqoraadiga ee soomaaliya, dhacane geeska Afrika.

Waxaa lasheegaa in aay soomaaliya aheeyd dhul ladaganaay ilaa iyo xiligii paliolethic (2.4 million sano ka hor).

Soomaaliya waxa aay aheeyd xudun isku xirta ganacsigii hore ee caalamka, sababta keentane aay aheeyd goobta istaraatiijiga ah ee aay soomaaliya dhacdo. Marka le eego qoraallada taariikhyahanada iyo raadadka taariikheed ee soomaaliya laga helay, soomaaliya waxa aay aheeyd xaruntii boqortooyadii ‘’Punt’’.

İntii lagu guda jiray qarniyadii dhexe, ganacsiga geeska Afrika waxa haaysan jiray boqortooyin ama imaarado soomaaliyeed sida; Saldanadii Ajuuraan, Saldanadii Cadal(awdal), Saldanadii Warsangeli, Saldanadii Geledi iyo Saldanadii majeerteeniya.

Afka soomaaliya looga hadlo waa Af-soomaali, waxaana loo arkaa Afka kaliya ee cilmi ahaan u qoran ee cushitics-ka, waxa uu kamidyahy qooys luqadeedka Afrika-Aasiyeedka( Afro-Asiatic), waxa uu Af-soomaaligu xigaalo lawadaagaa afafka Oromada, Carabiga, Amxaariga, luqada cibriga(luqada israel), iwm......

Soomaaliya waxa aay kamid tahay wadamada fara kutiriska ah ee shucuubtoodu 100% muslimiin yihiin. Waxa aay ummada soomaaliyeed diinta islaamka haaysteen in kabadan 1,400 oo sano. Sida loo badaniyo diintu waxa aay soo gaartay soomaaliya xilligii lagu guda jiray hijrooyinka Asxaabta ee geeska Afrika, waxaana sii xoojiyay ganacsigii aay soomaaliya laleheed jasiirad lamoodka carbeed iyo hijrooyinkii kadambeeyay ee aay carabtu ku imaadeen gayiga soomaaliyeed.

W/Q; Cumar Cabdi Jimcaale

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.