Header Ads

HOGAAMIYE HORE OO REER TURKI AHAA OO BALAN UU ILLAAHAY (SWT) LA GALAY FULIYEY.

HOGAAMIYE HORE OO REER TURKI AHAA OO BALAN UU ILLAAHAY (SWT) LA GALAY FULIYEY.
============================================================
Bishii March Sannadkii 1924-kii ayey aheyd xiligii Inqilaab lagu sameeyay dawladii islaamiga ahayd ee Turkiga mudada dheer ka talinaysay, waxaana waqtigaa lagu dhawaaqay oo la cadeeyay fikrada maanta loo yaqaano Jamhuuriyada Turkiga. Figrada Jamhuuriga ah maalintaas baa la bilaabay waana waqti haatan 80 sano ka badan laga joogo waxaana Inqilaabkaas xukunka dalkaas lagula wareegay hor kacayey hogaamiyahii turkiga ee la oran jirey Mustafa Kemal Atatürk.

Madaxweyne Atatürk mudadii uu xukunka hayey waxuu si xoog leh ula dagaalamay diinta Islaamka waxuuna marba marka ka dambaysa uu soo saari jirey qanuuno Mamnuucaaya dhaqanka islaamka dhamaantii sida: Gabadhu in ay xijaab qaadato, ninku inuu koofiyada, Cumaamada islaamka xirto iyo wixii dadka islaamka dhaqan u ahaa oo dhan.

Hadaba waxaa dhacday in markii uu ninkaasi dalka Turkiga maamulayey mudo 15 sannadood ah ayuu dhintay sanadkii 1938-kii oo waliba si fool xun u dhintay iyadoo dhawr sannadood ka dib geerida Madaxweyne Mustafa Kemal Atatürk gaar ahaan horaantii sannadihii 1950-meyadii Turkiga loo ogolaaday in Salaadda si caadiya loo tukado ka dib markii uu u soo baxay Dadka,Diinta iyo Dalka Turkiga nin siyaasi ahaa oo la oran jirey Adnan Menderes oo mar Ra'iisal wasaare ka noqday wadankaasi.

Ninkani siyaasiga ahaa ayaa intii uu noolaa waxaa dhacdey in isagoo saaran Diyaarad hawada sare ku jirta ayaa waxaa ku timid cilad iyadoo shaqaalihii dayuurada ka shaqeynayey ay rakaabkii u sheegeen in diyaaradu halis ku jirto oo ay bur bureyso ama dhaceyso waxaana rakaabka dayuurada ay ka dalbadeen in ay xirtaan ama gashadaan qalabka marka diyaaradu halis ay ku timaado la xirto, dhimashana ay u diyaar garoobaan. Adnan Menderes oo dhacdadaas qabsatey ka sheekeynayey ayaa wuxuu yiri sidan:

Markii aan arkay in xaaladu ay faraha kasii baxayso ayaan nadray oo aan ILLAAHAY baryay irina: “Alloow hadaad maanta shilkaan iga badbaadiso oo Turkiga mar uun madaxnimadeedu ay gacanteyda soo gasho waxaad igu ogaataa inaan Islaam ku celiyo.” dabeedna waxaa dhacday in Diyaaradii ay halaagsantay wax alle wixii dad saarnaana qof kamuu baxsan ee way dhinteen, keliya Alle wuxuu nabad galiyey Adnan Menderes. Kaligii ayuuna Allaah SWT uu si khaasa shilkii uga nabad galiyey.

Markuu nabad galay ayuu wuxu isku dayey inuu balankii uu Ilaahay la galay uu fuliyo dabadeedna dadweynihii Turkishka ee balaayadu ku habsatay ayaa wuxuu ku leeyahay oo u balanqaaday: Hadii aan meesha qabsado oo xukunka ku guuleysto waxaan ogalaan doonaa in afka carabiga lagu adimo salaada, waxaan ogalaan doonaa in malcaamadihii ama dugsiyadii Qur’aanka dib loo furo, Masaajidkii weynaa ee "Museums" muusiyamka laga dhigay ayaan Masaajidkiisii ku celin doonaa. Bal u fiirso dadkan halka xaalku ka gaaray ee uu ninkani uga bilaabay.

Shacbiga reer Turki sida ay ugu heelanaayen wax mar’uun Islaamnimo dhagaha ugu rida isaga ayey markiiba ugu wada rideen codkoodii isna wuu ku guulaystay arrintii fiicnayd ee uu Ilaahay kula balamay.

dabeedna wuxuu noqday Ra'iisal wasaarihii wadanka ka dibna Rammadaankii koowaad ayuu dadka ugu bushaareeyey oo u ogolaaday in afka Carabiga lagu adimo Salaadda. Markii bishii bilatay ayaa mar kaliya waxaa bilaabantay “ Allaahu Akbar, Allaahu Akabar”. Waxaa la yiraahdaa sida dadka reer Istaanbuul u farxeen maalintaas markii ay Aadaankii maqaleen faraxoodu wuxuu la mid ahaa kii maalintii Istaanbuul la furtay oo kale.

Ra'iisal wasaare Adnan Menderes waxa uu dalka turkiga maamulayey oo uu xafiiska fadhiyey Bishii May 22-kedii Sannadkii 1950-kii Ilaa Bishii May 27-kedii Sannadkii 1960-kii. Laakiin madaxdii nidaamka cilmaaniga ku dhaqmayey oo dalka turkiga ku xooganaa arrintaas aad bay uga xumaadeen oo u dhibtay, maxaa yeelay; wadanka ay Cilmaaniyada la rabeen ayuu Islaamkii ku soo celiyey Ra'iisal wasaare Menderes, iyaga oo rabay inuu sidaas ku socdo inta kalana hormuud ugu ahaado cilmaanimadaas. Islamarkiiba rag u badan kuwa ciidamada iyo qaar madax ah oo xiriir la lahaa dalalka reer galbeedka ayaa waxay dhigeen shirqool ay ku inqilaabayaan dawladii uu Ra'iisal wasaaraha ka ahaa Adnan Menderes si ay u dumiyaan, iyagoo ku guuleysatay Inqilaabkii waxaana la qabtay oo la xirey Ra'iisal wasaare Adnan Menderes. dabeedna waxa ay saareen maxakamad iyaga oo ragii xukunka Inqilaabka talada kula wareegay ay ku eedaynayaan inuu khiyaano weyn galay iyo weliba inuu dastuurkii ummadda uu khilaafay kadibna waxaa lagu qaaday xukun dil ah, waayo! wuxuu ka hor yimid arragtidii cilmaaniga iyo iyo dhanka ay u socotay.fadlan walaal hadaad akhrisay like saar soona qor mnsha Allah

(FADLAN WALAAL ADIGOO MAHADSAN SHARE DHEH OO LAWADAAG WALAALAHA KALE SI AY UAKHRISTAAN TAARIIKHDAN)

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.