Dhibbanah aan dhalan
Sheekadan waxaa qoray Qoraaga Caanka ah ee Faarax Maxamed Jaamac (CAWL) isagoo xus uga dhigay sheekadan 37 dii ardey iyo 4 macalin ee sida arxan darada ah ay ugu xasuuqeen magaalad boorama diyaaradihii xabashidu iyo kuwii kale ee ay nolosha ku naafeeyeen sodonkii janaayo 1984tii
Hordhac
Dhibanaha aan dhalan waa sheeko xaqiiqda dhabta aha ka muujinaysa darxumada iyo dhibaatada cadowgu gaar ahaan kan amxaaradu ku hayeen umada soomaaliyeed ee degta galbeedka soomaaliya ee uu cadowgu maanta haysto. waa sheeko isugu jirta jaceyl iyo naxdin taas oo lasoo darsaysa wiil iyo gabadh isjeclaaday islamarkaana cadowgu kala dhexgalay jecaylkoodii iyagoo waliba gabadha reerkii ay ka dhalatay dhamaantood, iyada mooyee, xasuuqey.Willka magaciisu waa DALAL gabadhana BILAN. bal aan uga hadho qoraaga hanoosoo bandhigee sheekadan layaabka leh ee cajiibka ah.
Qeybta Koowaad
“Dunideenu waa yaab badan tahay, waxaana dhacdey in gabadh labaatan sano jirta oo Bilan aw Jaamac layidhaahdo, inay maalin maalmaha kamid ah sanadkii todobaatan iyo sideedii ari ku ilaalinaysay goor barqo ah deegaanka u dhexeeya magaalooyinka Jigjiga iyo Wardheer.
Bilan sidey arigii ula joogtay, bey waxay dul joogsatey haro xareed qabow ah, wax kale masameyne intay hareeraha iska eegtay, ayey dharkii iska dhigtay oo haradii ku gashay gabasaarteedii khafiifka aheyd ooy guntatay kaliya, halkaasey intay biyihii harada ku laba legdeysay sidii aaney waxba ka maqneeyn hadba hees qaaddey oo marba si isu rogrogtey.
Bilan ma aheyn nafleeyda keliya ee harada ku raaxeysaneysay , ee shimbiruhuna farxad iyo ladnaan ayey hadba codad kala geddisan la waq-waq-wis-wiis lahaayeen. Rahuna dhaqan haka ahaatee, markuu dhergo reynreyn ayuu la dhaa-dhaa lahaa.
Gidigood nafleydaas harada joogey, ha ahaato mid qadhaab kasoo dhergey, ama mid sidiisa u faraxsan, nolol aduunyo iney u dhaltahay ayey u aheyd, khaas ahaan Bilan sidey dunida kaligeed leedahay ayey cabsi iyo werwer la’aan marba si u dabbaalatey, mar ay jirjirka u dabbaalato, iyo marey hadba dhinacyeyso, iyo marey hadba hoos u muquurato.
Bilan, waxay ka dhalatay qows reer guura ah, oo Soomaali ah, aabaheed iyo hooyadeed waa ay noolaayeen, waxyna walaalo ahaayeen Bilan gabar ka weyn oo baryahaas la aroosay iyo labo wiil oo kan ugu yar qowska yahay saddex sano.
Aw Jaamac, Bilan aabaheed wuxuu ahaa wadaadka beelaha meesha dega, oo aad looga danbeeyo , cruurtiisana diinta islaamka si fiican u baray, khaas ahaan Bilan sodonka jis ee qur’aanka xaafid ayey ku aheyd, edebteeda iyo hab dhaqankeeda beesha aadba looga kuunyi jirey, aabaheedna waa adeeci jirtay wuxuuna had iyo jeer ugu duceyn jiray, “Ilaahoow Bilan meel roon mari, oo rug wanaagsan deji, qeyrkeedna dhaafi.”
Maalintaas ay harada ku dabbaalaneysay, malaa’igta iyo lama arkaanka nololeed ka sokow, waxaa muuqaalkeeda iyo jidhkeeda qurxoon nasiibsaday inuu si buuxda u daawado, inan Dalal Cumar layidhaahdo oo isna Soomaali ah oo si kedis ah harada u soo dul joogsaday iyadoo aan arkeyn.
Dalal Cumar, oo sideed iyo labaatan jir ah, wuxuu ka tirsanaa isla beelaha meesha deggan, wuxuuna ahaa inan madi ah, gabdho walaalo ahna aan lahayn, hooyadii iyo aabihiina dhinteen isagoo yar, hase ahaatee, wuxuu la joogay adeerkiis oo xoolobadan leh soona koriyey.
Dalal intuu ka il horreeyey Bilan, ayuu dhrkeedii ka hoos qaaday geedkay hoos dhigtey, oo meel ku qariyey. Dabadeedna intuu dib u soo beerdhigaaleeyey ayuu hoos jiifsadey geedkii uu dharkeeda ka qaaday, si uu riwaayadda ay dhigeyso uga daawado.
Dalal meelaan ka fogeyn harad ayaa geeloodii u daaqayey, si fiicanna uma garan gabrta meesha ku dabbaalaneysa, hase ahaatee tilmaamaha uu quruxdeeda ka heystay, iyo sheekooyinka uu ka maqlay cidaha, wuxuu malihiisii siiyay inay tahay Bilan Aw Jaamac.
Mar waxaaba ku soo dhacday inuu dharka intuu iska dhigo harada la galo, haddana intuu is qabtay ayuu isku yidhi “bal sii ayara daawo’ sidaaney ku macaan tahay.
Bilan, waxay hadba hab u dabbaalato, oo meel walac ka siiso, maruun bay daniday in la weheliyo, markaasay intey xaggiisa u soo dabbaalatay ku soo dhowaatay oo wax eeg eegtay. Wax-base mey arag, maxaa yeelay beerkuu dhulka ku dhejiyey. Halkaasey halkeedii dabaashii ka wadday iyadoo marba doc isu rogrogeysa, marna xagal isu teegeysa , oo muujineysa mudanayaasheeda oo caaradooda af bakeyle la moodo.
In cabaar ah markay sidaas u dabbaalaneysay, ayey haradii kasoo baxday, soona beegtay xagiisii oy dharkeediii ku ogeyd, iyadoo biyihii ka da’ayaan, caado ha ka ahaatee qunyar socodku ama markaas heys yeelyeeleysee, waxay xaggiisii soo beegtay iyadoo tallaabo talantaali ah, oo hab iyo xarrago leh, si habsami ah u dhigeysa, timaheedii dheeraana hadba intey madaxa weyraamiso biyaha ka shax shax siineysa.
Waxay marba soo dhugdhugato oo gacmaheeda dhaadheer ee garaaraha lahaa soo weydhaamiso, maruun bey si lama filaan ah , u dareentay dhaadkeeda oo gacan dad kaga dhegan tahay.
Intey cirkaas ka qeylisay oo tiri ‘hayaay’! bay hoos wax u eegtay, mise yaabkeeda waa nin dhallinyar oo beerka u jiifa gacantiisii. Malaha geesinimo ay u dhalatay sabab ha u ahaatee, intey gacmaheedii ku nabsisirtay, bey si qumaati isu taagtay, oo ku tiri, ‘war hoy i siidaa, Ilaaha ma taqaan? Maxaa dhaadka ii heysataa? Waan ku baryayaa, waxbana kama sitee, iska key daa, oo iska key daa’ ayey haddana ku celcelisay.
Erey ma celine, isagoo u maleynaaya inuu riyoonaayo buu hadba meeluu uga bogey jidhkeedii qurxoonaa, oo midabka dahabiga ah yeeshay, markii cadceedii barqo qabatay dhaayaha marba meel ku nasiyey.
Mar danbe buu yiri, ‘Wegerey, weger, waxba igama sidatid miyaa? Wahey wah, ma saasaa kaa dhab ah? wax wacan ayaa iga sidataa, waligeyna gabadh aan dhaadkeeda haleeley sahal uma sii deyn, waabase adoo sidan wacan ah’ buu ugu jawaabey! isagoo aad mooddid aar raq helay, oo ku haliilaaya baahi heysa darteed.
“Horta miyaa leys gaadayaa? ayey tiri.
“Maya bareerna waa aqaan, buu ugu jawaabay.
“Haddee isiiddaa, sidani waa gaadmo’e.
“haba sheegin siideyn”, dabadeedna intuu gacantiisii kale lugteeda kor ugu tafay ilaa bowdadeeda ayuu yiri ‘Ayaankee, ayaankee, ma anaa gabar qaawan talo weydiiya? Sow wax keliya oo ii harsan leged ma aha?’
Bilan, waxa u caddaatay iney dabin gashay, weliba midaanay ka bixi kareyn, baryona aanay waxba tareyne ay isdaafacdo. Sidaas awgeed, intey indhaha isku qabatay ayyey dhaqdhaqaaq bilowday iyadoo leh, ‘war hoy waan ku tuugayaaye iska key daa, oo iga xishoo yaan xaal ku raacinee’.
Dalal, markuu dareemay is dhifdhifadkeeda, ayuu qumaati isugu taagey, ayuu labada gacmood ka buuxsaday, waxaana bilaabmay legdin iyo laacdan hor leh oo leysku naxayn, bacdamaa Bilan qoyaneyd, garbasaar keliyana xirneyd, hadba markuu isyiraahdo haddaad taabatey ayey ka muruxsaneysay.
In cabaar ah wax leys ligligaba, leyslana xiiqay ayuu mar keliya tabco gudeed la helay oo jirjirka u ridey. Halakaasaa la isla galgashay oo hadba leysla dhinacayey.
Haddeyse aragtay, in laga xoog roonaaday beylahna ay u tahay baahidiisa ayey, halkaas shafka ah qaniinyo kaga dhejisay, markaasuu doc intuu iskaga dhiftay dharbaaxo aan kululeyn iskaga furfuray.
Waxay isla galgalashadii socotaba, aakhirkii ayuu garbasaartii ka tuurey, oo si fiican labada gacmood ugu taabey. Hase ahaatee, jidhka meel waliba meel lehe, markuu culeyskiisii iyo canbuskiisii ku dareensiiyey abuurkeedii dhedignimo, ayna si oggol diid ah u jidh debcisey oo uu haahaabasho galay ayey mar kaliya si lama filaan ah intey caloosha ku qaaday doc isaga tuurtay oo in il biriqsi ka yar toban talaabo meel u jirta u booday, markay xiratay dharkeedii ayey xaggiisii ka maqashay, taah iyo qeylo uu ku leeyahay, ‘aah aah! naa qoriga iga bixi!.
Ugu horreyntii waxay u qaadatay iney khayaamo ka tahay. Goortaasey intey isa soo dul taagtay, intey yare qososhay ku tiri, ‘maanaa mar kale i dagi kartaa? Taahii iyo qeyladii ayuu sii kordhiyey intuu u muujiyey meeshuu qorigu kaga taagnaa oo ahayd gosha. Markaasey aragtay inaaney khayaamo ka aheyne arrintu dhab tahay, oo ku soo dhaqaaqday, oo qoriga ka soo siibtay. Isla markaasna waxay ka joojisay meeshii uu dhiigu kasoo daatay intey xuf yar maradeedii ka soo jeexday. Kaddibna inyet kicisay ayey ilaa xagii haradii u garab gashay, halkaasoo ay gacmaheedii ku waraabisay, uguna weji dhaqday si uu u nafiso.
In cabaar ah markuu nasanaayey iyana ag fadhido ayuu yiri, ‘Waad mahadsan tahaye, sow gabarta Bilan la yidhaahdo ma tihid’.
‘Ma-ahiye maxaad ku tiri, mise horaa ii aragtay?’
“Maya hore kuuma arag, laakiin dhalinta beeluhu gabar walba sheeko iyo tilmaan ayey ka heystaan.’
‘Maxay iga haystaan?’ ood igu aragtaa?
‘Waxaan kugu arakaa qurux aan la maleyn karin, iyo raxiimnimo’.
Dumar waa ammaane, iyadoo sii jeclaysanaysa hadalkiisii bay intey yara xishootay hoos eegtay oo tiri, ‘illeyn ficilka xun ood isku dayday waxaa kuu dheer hadalka beer laxawsiga degdegga ah iyo qaraaxadda’.
‘Xaasha, an meelaan kugu saluugo ma lihid, haba kuu dheeraatee, hadal macaankaaga iyo haasaawe helkaaga’. Inta malaha meeshii damqatay ayuu yara taahay oo yiri ‘waxbaa iga raacay’.
‘ha,ha! intey si tiiqtiiqsi ah u tiri, bay waxay tiri, runtii wadhi baa kaa raacday, gabar qaawan ood labadeeda dhaad haleeshay, haddana aadan calfan, sow dhallinta beeshu hadday ogaato kugu qoysli meyso.’
‘Taasi waa guubaabo’
‘Waxay tahayba kaa badbaaday’ Ogowna waxaad tahay ninkii u horeeyey oo cududeyda qabtay’.
Isagii baa hadalkii qaatoo yiri, ‘goorey ahaataba waa inoo ballan, waana inoo xiran yahay ballankaasi, hortase Bilan Aw Jaamac ma tahay illeyn hadal baad na jeexsiisay?
waan ahay Bilan Aw Jaamac adna isku key sheeg’.
Waxaa ley yiraahdaa Dalal Cumar’.
‘Ma Dalal Cumar baa tiri,alley lehe bahal Cumar baad tahay’
‘Intuu qoslay buu yiri, ‘gacalow tilmaan kale aan bahal ahayn miyaad ii weyday’.
Waxay ku jawaabtay Dalaloow ‘ma ahayn inaan qorigii gosha kaa galay kaa siibo, ee waxaa abaalkaagu ahaa inaan meesha kaaga tago, laakiinse qofkii ku xumeeyaa waa la xurmeeyaa, dadnimadaa sidaas ah’.
Markuu arkay habdhicii haasaawaha meeshay ka qabatay iney ka heshay buu yiri, horta xaal baan ku siiyey iga aqbal, hibashadana halkaas ku dhaaf, ballan dambena inoo xir xiisaa inoo kala kordhayee.
Waxba mey oran, ineyse oggol diid tahay ayuu dareemay, halkaasuu ku noqdoo yiri, habeen dambe ayaanu cayaargud idiinku imaanaynaa ee maxaad ka qabtaa?
‘Waxba kama qabo, ee sidaas ha inoo ahaato’
‘waa tahaye nabadgelyo Bilaney.
‘Waa inoo sidaas iyo noolikulantee’ bay tiri.
Inkastoo Bilan tirsaneysay meel ka dhac misana markuu xaal siiyey haasaawihiisiina u bogtay oo uga dhadhantay inuu aad uga xun yahay falkiisii, garyigilna yahay raalli bey noqotay. Markaas iyadoo xiiso leysu qabo ayuu Dalalna geeliisii aaday, iyana arigeedii oo ka yara durkay ka daba tagtay. Nasiib darro markay arigii u tagtay waxay la kulantahay arigii oo dawacooyin labo neef ka bakhtiisteen. Aalaaba sida dhacda reer miyiga aad bey u qiimeeyaan xoolahooda nool, qofka beylihiyana sida Bilan ku dhacday, waa la dilaa, ama la canaantaa, kolleyba tallaabo ciqaabeed ayaa laga qaadaa.
Sidaas darteed, markey arigii guryo geysay oo warkii la helay in dawaco arigii wax ka cuntay baa hooyadeed Cawo Nuur canaan kulul dusha uga tuurtay, oo waxay ku tiri ‘naa yaa, xaalkaaga waa la socdaa, mee arigii lagu raaciyey? Mise beryahan dambe shafkaaga buuxsamay baa kuu been sheegay, oo haasaawe iyo qooq baad meherad ka dhigatay’. Iyadoo sii wada bey hadana tiri, ‘wallaadan reeka caawa iigu soo hoyaneyn, haahey’. Bilan waa ka naxday hadalkii hooyadeed haasawaheeda wax kaga sheegtay, waxayna danniday dhagar qabe dhulkow dhaqdhaqaaqee, iney si uun laacdankeedii maanta wax ka tuhuntay.
Canaantaas keliya loogama harine intey hooyadeed labo ulood ku dhifatay ayey weliba kaga dhaaratay ineyan caawa guriga u soo hoyanin. Inkastoo aabaheed isku dayey inuu dhexdhexaadiyo, hooyadeed oo qof kulul u dhalatay, ayaa ku adkaatay ra’yigeedii ..
Wey sii socotaa …….
No comments