Header Ads

Maarso 5 1900 – Maalin Taariikhiyaha

Maarso 5 1900 – Maalin Taariikhiyaha  


Darwiish1

Hal qarni iyo toban sano ayaa laga joogaa markii ugu horeysay oo ay fooda isdaraan geesiyiintii daraawiishta oo uu hogaaminyo sayid maxamed cabdile xasan iyo cadow soojireenka xabashida.

Dagaalkan oo ay bilaabeen ciidamadii xabashidu kuwaasoo dulaan ku soo qaaday magaalada dhagaxbuur ayaa dhacay maalin isniina bishuna ahayd maarso 5teedii 1900. Ciidankii dulaanka ahaa oo ay dabada ka wadeen gumaystihii ingriisku wuxuu ka koobnaa 3000 oo askari kuwaas oo ka soobaxay magaalada harar si ay duulaan ugu qaadaan dhagaxbuur.

Balse markuu sayidku ka war helay duulaanka ay xabashidu soo wado ayuu diyaariyey ciidan ka hor taga oo gaadhayey 2000 watayna ilaa 300 oo buntukh(qori), una jiheeyey dhinaca dhagaxbuur si ay ugu gurmadaan walaalhooda soomaaliyeed ee duulaanka gardarada ah xabashidu kusoo qaaday. Waxay ciidankii sayidku ka anbabexeen xaruntoodii ‘Harodigeed’, waxayna xabashida ku gaareen magaalada JigJiga, halkaas oo ay fooda isku dareen ciidankii amxaarada. Inkastoo daraawiishtu ka tiro yarayd ciidanka cadowga hadana geesinimadoodii iyo uheelanaantodii difaaca dalkooda ayaa u suurto galisay inay dardaraan kana guulaystaan ciidankii duulaanka soo qaaday ee xabashida.

Daraawiish dagaalkaa waxaa kaga shahiiday 24, iyo 140 kamida dadkii deegaanka ahaa ee hiil iyo hoo ba la garabtaagnaa daraawiishta. Halka ciidankii xabashida laga laayey 230 askari lagana furtay 35 qori, lagana soo riday xoolihii ay reer dhagaxbuur kasoo dheceen. Natiijada ka dhalatay dagaalkan iyo dagaal kale oo gaadmo ahaa oo ingiriisku kusoo qaaday xaruntii daraawiishta ee harodigeed balse daraawiishtii ku hadhay xarunta ay u  babac dhigay dibna u riixeen kana guuleysteen, waxay siisay daraawiishta isku kalsooni iyo niyad ay kusii wadaan dagaaladii ay kala horjeedeen cadowga umada soomaaliyeed waji kastoba ha lahaadee.

Nasiib daro se qarni iyo toban sano kadib dhaxalkii darawiishta waxaa badalay qabiil iyo dagaalo sokeeye kuwaasoo umadii soomaaliyeed aafeeyey sababayna dhimashada maalaayiin soomaali ah halka maalaayiin iyo malaayiin kale ay sabab u noqdeen in ay ka baro kacaan guryihii ay ku dhasheen kuna barbaareen. waxaan EEBE ka rajaynayaa in uu laabeheena isku furo nana garansiiyo wadada toosan, nabad waartana inooga askumiyo wadankeena hooyo ee Soomaaliya AAMIIN…AAMIIN…AAMIIN 

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.