Header Ads

Danta Dalkeena haka saro marto wadan kale dantiisa!!!!

Danta Dalkeena haka saro marto wadan kale dantiisa!!!!
==============================================
Dalka Philippines oo ku yaala koonfurta bari ee qaarada aasiya ayaa dadka wadankaasi u dhashay mid ka mid ah nuucyada kala duwan ee ciyaaraha ay aadka u xiiseeyaan waxaa ka mid ah mid inta laba diiq garoon la isugu keeno la isku diro kadibna ay wada hirdamaan iyadoo dad fara badan ay garoonka soo camiraan kuwaas oo daawanaya.

Xanuunka cida dareemeyso misana dhiiga uu ka daadanayo waa Diiqyada kuwa qoslaya ama murugoonayana waa labada milkiile ee kala leh labada diiq ee la isku direy Balse Ninka garoonka leh Ayaa intoodaba ka faa'iido iyo Farxad badan oo lacag ay soo galaysaa.

Dulucda waxa ay tahay:

Markaad u fiirsato Khilaafka u dhaxeeya wadamada khaliijka sida laba diiq oo la isku diray oo kale ayey isu rifayaan caqli kala celiyana ma leh waxaana dadka siyaasada u dhuun daloola ee ka faalooda ay sheegeen in waxa khilaafka dhaliyay uu yahay wadanka Mareykanka isagoo ka fa'ii'deeysanaya qalalaasaha halkaas ka jira danahiisana ka qunsanaya.

Hadaba Soomaaliyeey dalalka khaliijka markii sidaa la isugu diray halkii ay aheyd in si caqli ku jiro ay arimahooda u xaliyaan ayey iyaguna doonayaan in sida dadka reer Philippines ay labada diiq isugu diraan oo kale in ay soomaalida isku diraan ka dibna ku qoslaan danahoodana ay ka dhex fushadaan.
Dadka soomaaliyeed waa in ay noqdaan dad Nool oo caqli iyo damiir leh isla markaana eega oo dhawra sharafta iyo mustaqbalka ubadka soomaaliyeed.

#Fadlan Siyaasiyiinta Somaaliyeedoow labada dhinac ayaan la hadlayaa dawladda iyo mucaaradka "intaad runta isku sheegtaan oo shirtaan bal ku heshiiya dalkeena sharaftiisa iyo mustaqbalkiisa inuu ka saro maro wadan kale siyaasadiisa iyo dani-hiisa". 

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Abdighani Abdikarim Ahmed

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.