Gobol aad muhim ugu ah wadanka Ruushka oo kabaxsan dhul waynaha Ruushka
Gobol aad muhim ugu ah wadanka Ruushka oo kabaxsan dhul waynaha Ruushka...!
Kaliningard Oblast waa maamul goboleed katirsan Ruushka oo kuyaal bartamaha qaaradda Europe, waxa uu kabaxsan yahay dhulwaynaha ruushka, baaxaddiisu waa illaa 15kun km oo wareeg ah waxa uu xuduud laleeyahay wadamada Poland iyo Lithuania, Kaliningard waxay katirsanayd maamulkii dhacay ee East Prussia kadibna waxay katirsanayd dhulwaynihii German Naziga sanadkii 1945 ayuu midawgii Soviet qabsaday intii lagu jiray dagaalkii labaad ee dunida, gobolkan waxaa daganaa dad ruush ah iyo dad german ah laakinse hadda waxa dagan dad Ruush ah kaliya Germankii dagana waxay u guureen gudaha Poland iyo Germany..!
Gobolkan aad buu muhim ugu yahay Ruushka waxa uu kuyaal bartamaha qaaradda waxa uu bad lawadaaga wadamada Baltica dhaca sida Sweden, waana mid uu kala socdo dhaqdhaqaaq walba oo Midowga yurub ah waxaa jooga ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee Ruushka oo gaaraya illaa 20kun oo askari iyo maraakiib badan..!
Kaliningard waa caasimadda maamulkan waxay qayb katahay magaalooyinka cajiibka ah ee marti galinaya koobka aduunka kulankii ugu danbeeyay ee lagu ciyaaro magaaladan waxa uu ahaa ciyaartii England iyo Belgium ee khamiistii la ciyaaray...!
No comments