Dunida maxaa dhacay maanta oo kale 104 sano ka hor
Dunida maxaa dhacay maanta oo kale 104 sano ka hor?
28 June, 1914, ayaa wiil dhalinyaro ah oo 19 jir ah oo la oran jiray Gavrilo Princip kana soo jeeday Bosniyiinta Serbiya wuxuu Magaalada Sarajevo, ku dilay dhaxal sugahii boqortadii Austria-Hungary oo la oran jiray Archduke Franz Ferdinand iyo xaaskiisa Sophie. Wiilkan dhalinyrada ah ayaa kasoo horjeeday xukunka ay Austria Hungry xukumaysay Bosnia iyo Herzegovina.
Sawrika idiin muuqda waa sida uu dhacdadaas uga hadlay wargeyska Newyork Times ee soo baxay maalinti xigtay ee June 29, 2014.
Dhimashadii lamaanahan ayaa ahayd arintii ugu weyned ee sababtay dagaalkii koowaad ee duinda oo ay ku dhinteen dad gaaraya 14 milyan.
Dhacdadan ayaa isu rogtay dagaal ay kulugyeesheen 32 wadan. Dilka kadib Austria dagaal ayeey u iclaamisay Serbia bil kadib oo ahayd July 28. Maalmo kadib. Gemany oo xulufo la ahaa Autsria, wuxuu dagaal u iclaamiyay Russia, kadibna France. Inta uu dagaalka socday wadamda dhincayda ayeey kala raacayeen ilaa ugu dambayn Maraykanka uu dagaal ku bilaabay Germany April 6, 1917.
Waxaa isku dhinaca haa Britain, France, Russia, Italy iyo Maraykanka . Wadamadn waxay la dagaalamyeen dhinaca kale oo ay kasoo jeedeen Germany, Austria-Hungary, Boqorttoyada Cusmaaniyiinta (Turkey), Bulgaria iyo wadamo kale.
Ninka dilka geeystay ee Gavrilo Princip waxaa Sarajevo looga dhisay taalo maadamaa loo arkayay xornimo u dirir iyo geesi Bosnian ah, halka dunida inteeda kale loo arkayay argagixiye.
Lix wiil oo uu ku jiray Gavrilo Princip ayaa qorsheeyay dilka. Halka shanta kale ay guuldareesteen inay dilaan dhaxal sugaha iyagoo xitaa turay bambo ayaa darawalkii waday Archduke Ferdinand uu qaaday wada qaldan . wuxuna siduu usoo socday u soo horistaagay Gavrilo Princip kaasoo ku furay laba xababadood, taasoo labadoobaba dishay.
Markuu dilka dhacayba Princip waa la qabtay . Waxaan lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah maadamaa u da’yaraa. Wuxuu jiray 19 sano iyo 11 bilood. Hadii 27 beri ugu darsaanaan lahayd, dil ayaa lagu xukumi lahaa. Princip xasbiga dhexdiisa ayuu ku qaaday cudurka TB (tuberculosis), iyada ayuuna u dhintay bishii April 1918.
No comments