Header Ads

Waa sheeko kale oo dhiiragalin ah kuna tusinaysa awoodda alle ku abuuray bini'aadanka,

Bsimillahi...

Waa sheeko kale oo dhiiragalin ah kuna tusinaysa awoodda alle ku abuuray bini'aadanka, waxay ku saabsan tahay ninkii gacmaha iyo lugo la'aanta dhashay, hadane waxbarashada heer ka gaaray, Magaciisu waa Nick, wuxuu jiraa 33 sano, asalkiisu waa wadanka Serbia, laakin dhalasho Australia ayuu heestaa, wuxuu ku dhashay xanuunka loo yaqaano "Phocomelia" oo ah in qofku ku dhasho gacmo iyo lugo la'aan.

Markii waalidiintiisa loo sheegay xaaladda uu cunugooda ku dhashay, way diideen in ay arkaan ama ay qaataan oo ay korsadaan, maadaama ay aad uga walwaleen siday u korin lahaayeen cunug cuuryaan ah oo lugo iyo gacmo aan lahayn, laakiin usbuucyo ka dib way kaxaysteen.

Inkastoo qoyskiisa iyo qaraabadiisu ay aaminsanaayeen inuu weligiis qof ku tiirsanaan doono, laakiin alle ayaa siiyay awood isku filnaansho intuu yaraa, wuxuu bartay sida loo istaago isagoo wajigiisa cuskan jiray, wuxuu hadane bilaabay inuu qeybtiisa hoose ku xamaaran karo sidii qof socon kara oo kale, hadane wuxuu bilaabay inuu meeshii lugaha ka maqnaayeen inuu gacmo ahaan u isticmaalo, intaas markay qoyskiisa arkeen iyo maskaxda uu alle siiyay, ayaa waxay go'aansadeen inay iskuul geeyaan.

Ardaydii iskuulka isla dhigan jireen, wuu ka maskax badnaa oo si dhakhso ah ayuu uga baxay iskuulkii, kadib wuxuu galay jaamacadda "Griffith University" isagoo 21 sano jir ah, wuxuuna ka qaatay laba shahaado jaamacadeed, wuxuuna ku takhassusay cilmiga "Accountancy" iyo "Financial Planning" oo ah laba takhassus oo dunida qaali ka ah.

Waa nin dunida safiican looga yaqaano oo aad u safar badan, kana jeediyo casharro dhiiragalin ah jaamacado kala duwan, waana nin casuumaad ka helay madaxda aduunka qaar ka mid ah sida madaxwaynada dalka Singapore, madaxwaynaha dalka Uruguay iyo Madaxwanaha dalka Taiwan.

Wuxuu aad uga sheekeeyaa dhibaatooyinkii yaraantiisa soo maray iyo xilligii ardayga uu ahaa iyo siduu uga mira dhaliyay dadaalkiisii uu rabay inuu ku xaqiijiyo inuusan faciisa waxba ka hoosayn.

Nick, waa nin xaas leh waxaana u joogta laba caruura, wuxuu illaa iyo hadda ku guulaystay dhowr billado sharafeed oo ku muteestay buugaag uu qoray, filimaan uu jilay iyo casharro uu ka jeediyay jaamacado dhowr ah.

Illaa iyo hadda wuxuu qoray 7 buug oo dhiiragalin oo dhiiragelin u badan, kuna saabsan in noloshu qofka aysan xad lahayn, in qofka ay ku jirto awood u baahan inuu iska raadiyo kadibne banaanka u soo saaro iyo in aad saameyn ku reebi kartid jiilkaaga adigoo lagaa filanaynin iyo kuwa kalaba.

DHAMMAAD.

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.