Header Ads

Waxaa lagu jiraa bil barakeysan oo ay dadka soomanyihin waa bil cibaado oo ay la xariirto gaajada

Waxaa lagu jiraa bil barakeysan oo ay dadka soomanyihin waa bil cibaado  oo ay la xariirto gaajada  adigoo u dhawanaya Allaha ku abuuray si aad u heshid ajar iyo acmaal wanaagsan.

Marka aad sooman tahay 12 sacadood iyo kabadan waxaad u bahantahay cunooyin isku dheeli tirsan una fiican caloosha si jirka u helo tamar iyo awood,waxaas u bahan tahay In aad iska ilaalisid cunooyin wax yaleen kara uur ku jirka, sababtoo ah calooshada waxay marneed 12 sac iyo kabadan.

Jirka aadmaaha waa isku xiran yahay waa system isla shaqeya midba mid ayuu ku xiran yahay hadii uu xubin yar kamid ah jirado  kan kalana waa bukoonayaan.

Anagoo og intaas hadana waxaan cunaa waxkasta oo wax yeelanaya caloosha waxaan u bahanay in aan isku dheeli tirno cunooyinka u wanaagsan caloosha.

Hadaba cunooyinka iyo afurka ?

-Ku bilaaw biyo cad iyo timir waa suno ka sugnatay Nabi Maxamed SCW, markii cilmi baaris lagu sameyey waxaa la ogaaday timirta iyo biyaha cad in jirka isla markiii ay siinayaam tamar iyo awood.
-Kadib cab maraq ama Mushaari qafiif ah adigoo iska badanin

Markii aad intaas ku afurto waxaad u bahan tahay in aad sugtid ilaa 30 daqiiqo si ay caloosha u qoydo.Oo aad u heshid fursada aad ku cuni karto cunooyin isku dheeli tirsan sida  qudaar,suqaar fudud,malawaxa aan saliid badan laheen,bariis iyo maley.

Intaaas markii aad ku afurtid waxaad u bahan tahay in aad ku saxuuratid cuntooyinka ay ka buuxan badarka sida masirta,kaleyda,mushaarida,qamadid iyo cunooyinka asalka ah adigoo iska ilaalinaya cunooyinka ay salaiida leh.

-cunooyinka badarka waxaa laga helaa faiidoyin aad u badan kuwaas oo kamid ah in aysan caloosha ku fadhiisan iyo in aad dareerntid calool xanuun.

-sidoo kale badarka wuxuu hoos u dhigaa xanuunada ay keenan beerka iyo wadnaha Sida cholesterol.

-cunooyinka badarka ah waxay dawo u yihin macaanka/sonkorta aygoo hoos u dhigaya inusan dhiiga ku badan sonkorta.

Afurka kadib waxad cuntaa 
-lowska
-qudaarta
-musharada
-digirta Kuwaas oo caloosha ku jilicinaya
Sidoo kale waxaa muhiim ah in aad iskana ilaalisid cabitaanada laga sameyey ashitada sida
-coccolada
-fantada
-Spritka iyo dhaan waxyabaha ashitada ku jiraan.

W/Q Cadceed buneyste

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.