Tuuladii Isu Beddeshay Jeegaanta (Qaanso roobaad).Waa Mucjiso Uu Macallin Dugsi Fekerkeedu Lahaa
Tuuladii Isu Beddeshay Jeegaanta (Qaanso roobaad).Waa Mucjiso Uu Macallin Dugsi Fekerkeedu Lahaa.
=========================================================
Waa tuulo ku taala waddanka Indonesia, waxaana lagu magacaabaa "Kampung Pelangi".
Waxa ay ahaan jirtay tuulo lagu tiriyo deegaamada danyarta ah, ma aysan lahayn nadaafad buuxda, xataa dawladdu ma aysan danayn jirin, dayac iyo darxumo wayn baa ka muuqatay, balse maalin maalmaha ka mid ah ayaa macallin dugsi haysta waxa uu soo jeediyay in guryaha la mariyo midabbo (rinji) kala nooc ah, halkii aqalba ugu yaraan seddex midab oo kala duwan lagu dahaaro.
Dadkii tuulada deggenaa waa ay aqbaleen fekerkaas waa ayna bilaabeen, isla maalmo gudohoodba waxaa la rinjiyeeyay 223 aqal, meeshiina waxay isu beddeshay goob indhaha soo jiidata oo aad u qurxoon, waxaa bilaabantay in loo soo dalxiis tago oo sawirro la isaga qaado, waxaa kordhay dakhligii soo galayay tuulada, waxa ay soo jeedisay indhihii xukuumadda, oo iyana bilowday inay tuuladaas ugu deeqdo lacag dhan 300 oo Million oo Rupiahs.
Waxaa la sii kordhiyay aqalladii la midabeenayay ilaa ay gaareen 390 guri, waxaa kaloo lagu daray waddooyinkii, buundooyinkii, kuraastii fadhiyada, goobaha nasashada, iwm.
waxaa sii batay dalxiisayaashii, lacagihii ka soo xeroonayayna hawada ayay isku shareertay, waxay noqotay meel ay Sawir-qaadayaashu isugu yimaadaan, waxay isu rogtay tuuladii yarayd ee aan la magac dhabi jirin mid ka mid ah goobaha ugu caansan dalkaas, meel nadaafadeedu ay ka soo rayso, oo dhalaasha oo noocba nooc noqota, ilaa ay dadku ugu naanayseen "Tuuladii Jeegaanta" midabbadeeda kala duwan awgeed.
Dadka degaankaas deggen ayaa ku tilmaamay arrintaas inay tahay guul wada jir ah oo ay gaareen bulshadooda.
Dawladda ayaa u qorsheesay miisaaniyad gaar ah oo dhan 2 Billion oo Rubbi (IDR).
Miisaaniyadaas ayaa noqonaysa mid lagu kordhinayo khadamaadka dalxiisayaasha loo qabto, laguna hagaajinayo oo lagu qurxinayo jidadka iyo buundooyinka, waxaa kaloo lagu nadiifinayaa oo qashinka lagaga gurayaa biyaha webbiga mara tuuladaas si ay meeshu u noqoto goob caafimaad ahaanna u wacan dalxiiska, loogana yimaado daafaha caalamka.
Tuuladaas sida sawirka kaaga muuqandoona waxay ahayd mid kuweena oo kale ah oo aan indhaha u roonayn, balse biliooyin gudahooda waxa ay noqotay goob caalami ah oo loo soo daawasho tago, waxaana sidaa u beddelay waa macallin aan xukuumad iyo hay'ado waxba ka sugin oo maskaxdiisa maalay, kumana uusan calaacalin madaxdeenu waxba nooma qabtaan, xukuumadduhu nama daneeyaan, canbaareen joogta ahna dusha kamuu saari jirin cid kale, ee isaga ayaa go'aansaday in uu tuuladiisa ka soo saaro hogga faqriga geeyana sagxadda hodantinimada idimka alle dabadii.
Haddaba Ma dhici doontaa walaalkayga soomaaliga ahow inaad guntiga dhiisha isaga dhigto oo aad tuuladaada u beddesho jeegaan qurxoon oo loo soo daawasho tago meesha ay qabqablayaashu la doonayaan deegaankaaga inuu noqdo goob dhiig iyo xinjiro lagu daadiyo, kuna caan-baxda hirdanka iyo dagaalada sokeeye.
Waad awoodaa sida macallinkaas oo kale, balse adiga khiyaarka leh.
"Lax walba shillalka ay is dhigtaa lagu qalaa".
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Abu Hanifa Bin Shaikh
No comments