Header Ads

AQRISO Taariiqda Cajiibka Walaalkeen Cali Banat, Muxuu yiri markuu maqlay Inuu kansar qabo? Please ducada ku kaalmeey

AQRISO Taariiqda Cajiibka Walaalkeen Cali Banat, Muxuu yiri markuu maqlay Inuu kansar qabo? Please ducada ku kaalmeey

• Waa Kuma Cali Banat?

Wuxuu dhashay sanadkii 1985, waa 33 sano jir ku dhashay dalka Australia. Waa muslim sunni ah

Wuxuu heer weyn ka gaaray waxbarashada dhanka ganacsiga. Wuxuu ka qalan jabiyay jaamacad ku taal magaalada Melbourn.

• HANTIDII CALI BANAT

Waa taajir weyn, isagoo aad u da' yar ayuu furay shirkado waaweyn oo ganacsi ah

Aabihii Banat isagana wuxuu ahaa taajir kale. Cali hantidiisa lama qiyaasi karo waayo waligiis wuu diidanaa inuu soo bandhigo inta hanti uu leeyahay

Gawaari badan ayuu lahaa. Saacada uu xiran jiray kaligeed ayaa ku fadhisay inka badan 2 kun oo dollar. Gurigiisa oo Australia ku yaala waxaa lagu qiyaasay 6.7 milyan

Ookiyaalaha uu xiran jiray iyo koofiyadaha ayaa ku fadhiyay Kun dollar. Wax walbo uu xiran jiray shirkada ayaa gaar ugu sameyn jirtay

Nolol wanaagsan oo qurux badan ayuu ku noolaa walaal Cali Banat lakin Maalin ayaa dhacday oo war naxdin leh loo sheegay 😭

• GOORMEE AYAA KANSARKA LOO SHEEGAY ?

Cali Banat oo aan fileeynin inuu haayo wax cudur ah ayaa July sanadkii 2015 wuxuu matagay dhiig

Dhaqtarka ugu weyn Australia ayaa u sheegay inuu Cali qabo Cudurka kansarka  ee loo yaqaan Testicular Canser 😭

Cali Banat maalintaas ooyin darteed waala celin kari waayay, sababtoo ah warkaas qofka looga naxsado waxaa macquul ah inuu markaas shook u geeriyoodo

• 7 BIL AYAAD KU GEERIYOONEYSAA

Dhaqtarka wuxuu sheegay inuu Cali ku geeriyoon karo 7 ilaa 10 bilood lakin Alle awoodiis Cali ilaa sanadka 2018 wuu soo gaaray.

• KANSARKA WAA HADIYAD ALLE 😭

Dad badan oo muslimiin ah ayaa maqlay warka, aad ayaana looga naxay lakin Cali Banat oo la wareystay ayaa yiri...

"Kansarka waa hadiyad Alle, wuxuu ilaah i siiyay fursad aan isku badalo". Allahu akbar wlh waa kalmad qiimo leh

• ISBADALKII CALI BANAT

Wuxuu islamarkiiba Cali go'aansaday inuu wax walbo uu leeyahay iibiyo. Saacadihiisa, kabayaashiisa, gawaaridiisa iyo hantidiisa inta badan

Cali Banat wuxuu hantidiisa inta badan galiyay caruurta agoomada ee Afrika iyo Falastiin. Wuxuu dhisay masaajido iyo ceelal badan

Wuxuu kafaalo qaaday caruur badan oo islaam ah, wuxuu tagay meelaha baahida ka jirto. Isagoo aan iskala weyneen qof walba ayuu dhexgalay

Hey'ada ugu weyn ee islaamka ee dadka gargaarta ayuu furay.

• CODSIGII CALI BANAT

Inta uusan maanta geeriyoon muqaalkii ugu dambeeyay ee Cali Banat soo duubo ayaa waxa uu muslimiinta ka codsaday in ay soo duceeyan hadii uu dhinto.

Please share garey si dad badan ugu tusaalo qaataan geeridii Cali Banat.

Allow u naxariiso walaalkeen Cali Banat, aamin yaa rabbi. U duceey hadii dareen naxo aad leedahay

Waxaa qoray: Idris Abdulkadir Alteeso 😭

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.