Su'aalihii Ninkii Roomaanka ahaa
Su'aalihii Ninkii Roomaanka ahaa
-------------------------------------------------------
Wakhtigii taabiciyiinta magaalada ugu weyn ee muslimiintu wax ka bartaan waxay ahayd magaalada Baqdaad ee haatan caasimada u ah wadanka iraq sidoo kale waxay ahayd magaalada laga maamulo dowlada Islaamka.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa magaalada yimid nin ka socda boqortooyadii ruumka(the roman empire) kaasoo u sheegay khalifka muslimiinta in uu haayo 3 su'aal oo haday muslimiintu ka jawaabaan uu siin doono maal badan oo uu ka keenay boqorka Ruumka.
Khalifkii ayaa isugu yeeray dhamaan culimadii muslimiinta iyo dhamaan wixii aqoonyahan ahaa kadib ayuu amray ninkii Ruumaaniga ahaa inuu su'aalihiisii soo daayo. Rumaanigii ayaa waydiiyay Muslimiintii halkaas isugu timid 3dii su'aal ee uu hayay
waxa uuna ku bilaabay:
1-Ilaahey horaantiis maxaa jiray?
2-ilaahey dhankee ayuu naga jiraa?
3- ilaahey muxuu sameynayaa hadda (imika)?
Ruux hadlo ayaa la waayay,shib iyo shib ayaa ka dhacday wax yar kadib wiil yar oo la fadhiyay aabihii ayaa istaagay oo yiri: Aabe anaa ka jawaabaayo su'aalahaas anigaana idiinka aamusiin doono kadib ayuu wiilkii yaraa fasax ka qaatay khalifkii markaasuu ku yiri Roomaanigii:
Ma taqaanaa sida wax loo tiryo? Haa ayuu ku jawaabay
Markaas ayuu wiilkii yaraa ku yiri waxaan kaa rabaa inaad tiriso tiro ilaa iyo toban ah waana in aad ka bilowdaa kor adigoo hoos hoos u tirinaya.
Roomaanigii ayaa bilaabay sagaal sideed todobo ilaa uu ka gaaray kow markii uu kow gaaray ayuu aamusay. Wiilkii yaraa ayaana yiri: maxaa ka danbeeya kow? markaas ayuu roomaanigii ku jawaabay, waxba kow ayaa ugu danbeeya.
Wiilkii ayaa yiri hadii ay tiro kow ugu danbeyso oo aadan dhaafin karin Sideed marka ku weydiisay waxa jiro ka gadaal midka kali ah midka kowga ah, midka axadka ah, midka joogidda abidka ah midka ugu horeeya,midka ugu danbeeyaa,midka daaiimka ah?.
Roomaanigii ayaa la dhacay jawaabta cunugu yar . Wiilkii yaraa ayaana bilaabay ka jawaabista su'aashii labaad taasoo ahayd Sheeg (ilaahey dhankee ayuu u jihaystaa ama naga jiraa ?).
Wiilkii yaraa ayaa yiri shumac hala keeno kadib hala daaro markii la daaray ayuu wiilkii waydiiyay: ii sheeg halka uu holacu aadayo ama u jihaysanaayo?
Roomaanigii ayaa ku jawaabay holaca waa iftiin aanan u jihaysanaynin dhanna waqooyi,koonfur,bari,iyo galbeedka wuu ifinayaa.
Wiilkii ayaa ku jawaabay hadii iftiinka yar uu iftiiminaayo dhamaan afarta jiho uusanna ku ekeyn dhanna:Maxaad u malayn iftiinka (nur_us-samawati.wal-ardh?) ilaahey dhan walbo ayuu eegayaa waana iftiinka dhamaan dhulka iyo samawatka.
Ninkii ayaa hadana la dhacay jawabta wiilka yar. Cunigii yaraa ee xikmada ilaahey ku manestay intuusan waydiin su'aashi 3aad ayaa wiilkii yaraa ku yiri Roomanigii: Adiga minbar ayaad ku fadhidaa anigana dhulka ayaan taaganahay hase yeeshee annaa la iga rabaa jawaab celin marka miyeysan fiicnayn inaad soo degto si aan aniga minbarka u fuulo si dadka dhamaantood ay u maqlaan jawaab celintayda? .
Roomaanigii ayaa arintaas aqbalay oo ka soo degay minbarkii wiilkii yaraa ayana ku fariistay minbarkii uu kaso degay Roomaanigii kadib ayuu waydiiyay su'aashii 3aad oo ahayd: (Ilaahey muxuu samaynayaa hadda?)
Wiilkii yaraa ayaana ku jawaabay: Hada ilaahey wuxuu sababay inuu beenaale ka so dejiyo minbar sare kuna bedelo kii asaga aaminsanaa.Imikana ilaaheyga aad i waydiineyso waxa uu haayo wuxuu sababay inuu beenaale diintiisa ku jeejeesaayo uu dhulka dhigo korna u qaado kii aaminsanaa diintiisa . Ilaaheyna maalin walbo xaalkiisa waa sidii uu sagu doono.Markaas ayuu wiilkii yaraa akhriyey ayaada 29 ee saratu-ar-raxmaan oo ahayd.
{{{يَسْأَلُهُ مَنْ فِي السَّمَوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ كُلَّ يَوْمٍ هُوَ فِي شَأْن}}}
Ninkii Roomaaniga ahaa ayaa asaga oo qalbi jab ku dhacay ku noqday dalkiisii wiilkii yaraa ayaana ilaahay sababay in uu noqdo Imaam aad loo xurmeeyo lagana qaato diinta Islaamka wiilkii yaraa ee xikmada badnaa ayaana noqday Imaamkii weynaa ee Islaamka loona yaqaanay Al-imaan Abu Xaniifa.
(Allahu akbar,,,, Qisadii iigu yaabka badneyd intii aan qisooyin iyo sheekooyin aqrinaayay)
Walaalkeyga muslimka ahoow adigoo aad u mahadsan Ilahay dartii u #faafi si dadka asxabta fb kala ah ee walalahaga muslimka ah u aqristan qisadaan cajiibka ah eena xanbaarsan xikmadaa qaaliga ah Mahadsanid mar kale Jazakallah.
#kuso biir page keena si aad ugu faaido wax badan insha Allah
No comments