Xildhibaan Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa guddoonsiiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.
Xildhibaan Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa guddoonsiiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari Bilad sharaf ay u soo dirtay
Akadeemiyad caalamiga ah ee Giuseppe Pitre oo fadhigeedu yahay dalka Talyaaniga.
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay akadeemiyadda Giuseppe Pitre usoo wakiilatay guddoonsiinta biladdan ayaa tilmaamay in akadeemiyaddan ay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u garatay bilad sharafta kadib markii uu muujiyey howlkarnimo uu wax ugu qabtay dadkiisa iyo dalkiisa.
Gudomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ugu dambeyn munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyey akadeemiyadda Giuseppe Pitre ee dalka Talyaaniga garashada ay u soo garteen billad sharaftan islamarkaana uu ku guddoomayo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay marqaati u tahay howlqabadka ay muujiyeen.
Maxamad Shiikh Cusman Jawaari oo ka mid noqondoona musharaxiinta Biladda Nobel Peace Price..
No comments