Header Ads

Waa qiso dhab ah oo ka dhacaday dalka Masar

Waa qiso dhab ah oo ka dhacaday dalka Masar , saameyn weynna leh ee ka bogosho wacan.Waa wiil da'yar, Magaaladani uu Hada joogo wuu Ku cusub yahay Cid, Ehel iyo Qaraaboba Kuma Laha , Waxuu ka Deganyahay Masaajidka, Waxuu Magaaladii Uu Deganaan Jiray Uga Yimid Inuu Cilmiga diiniga ah Barta Waxa Ahayd Shalay Markii Sahaydiisii Yarayd ka Go'day Maanta Isagoon Xalay Cashayn, Saakana Qureecan, Misana Aan Qadayn, Maalin iyo Badhna Aan Afkiisa Wax ku Hubsan Ayuu Salaadii Casar La Tukanayaa Jamaacadii, Markii Salaadii Casar Laga soo Baxay Ayaa Sidii Caadada ahayd Sheekhii Masaajidku Bilaabay Casharadii Tafsiirka iyo Siirada ahaaWalow ay Gaajada Haysaa Aanay U saamaxayn Inuu Casharka Fahmi Karo Hadana Wiilkani yar waa ka xishoonayaa Dadka Inuu Wax Weydiisto, Waase uu Iska sii Wataa Dhegeysigiiisi Casharka , Goor ay Salaadii Maqrib Kusii Dhowdahay ayaa Wiilkii yaraa is Hayn kari waayey waxuu kasoo Baxay Masaajidkii Waxuu Damcay Inuu U dhaco guri Masaajidka U dhowaa oo Deyrkiisu Gaabnaa, Kadib Markuu Xagii Sare uga Baxay Guriga oo uu Saqafka Taaganyahay waxa usoo Urtay Uduga Cunno Saaran Dheriga,gurigii Ayuu Kor kasoo Fiiriyey show Cidi ma joogto oo Gurigu waa Laga maqanyahay, Waa iska Farxay Waxuu Soo Daadagay Waxuu Dul imid dheri weyn oo Disdi ah ooy Ku jirtoSabaayad, Degdeg ayuu Xabad Ula soo baxay, Markuu Is Idhi Afka Geli oo LIq Ayuu ALLLEE XUSUUUSTAY (Subxaan) Waxuu Xusuustay Iney Ku xaaraantahay Inuu Cuno raashin aanu Lahayn Misna Qofkii Lahaa Aanu U ogolaan, Waxuu Xusuustay Inuu Ujeedadii Ugu weyn ee uu dhulkoodii Uga yimid ahayd Inuu cilmiga Diiniga ah Barto, waxuu is Weydiiyey Ma Adigiibaa Maanta Ceesh Xaaraan ah Cunaya, Walow ay Dadka Bini'aadamka ay ku Adagtahay Hadana wiilkii yaraa waxuu go'aan Ku Qaatay Inuu sabaayadii ku Celiyo Dherigeedii, Furkeediina Saaro gurigiina uu Dib uga So Laabto,Waxuu Yimid Masaajidka Kiiyoo Gaajadii Haysay ay Imiga uun Ugu Darantahay Oo Indhahiisu aanay si fiican u Wax u Arkayn, Dhegihiisuna Aaney Si Fiican Wax u Maqlayn, Qofkasta oo Eegaa Waxuu U Maleynayaa Inuu Luloonayo ama Sidii Qof Sakhraamay oo Kale Waxuu Fadhiistay Masaajidka Xaga Dambe isagoo Iska dhigaya sidii Ruux Casharka Dhagaysana, Hadii uu waxoogay Xaaladaa Adkayd uu Kusii Jiray Waxa Dhamaaday Casharkii Salaadii Maqribna waa iska Dhowdahay, Waxa Imaamkii Masaajidka U yeedhay ruux Dibada Masaajidka Joogay, Kabacdi Imaamkii ayaa SooGalay Masaajidka Isagoo Dadkii Masaajidka Joogay Kolba Mid eegaya, Waxay Indhahiisii Ku dhaceen Wiilkii Da'da yaraaWaxuu Ku yidhi " Waryaa Ahmed Kaalay oo Soo Kac" waa sookacay Waxuu U Tagay Imaamkii , Imaamkii ayaa Ku yidhi Axmedow ka Waran Maad guursan , ahmed yare waxu ugu Jawaabay HAA isagoo Madaxana Kor iyo Hoos u Lulaya oo Kusii Adkaynaya Hadalkiisa Daciifaya, Imaamkii Ayaa Ku yidhiwaxa ii timid Ruux Dumar ah oo Da'yar Misna Hanti Ilaahay siiyey Waxa kaliya ee Rabtaana Yahay Nin Diin leh ee AdigaanKuugu duceeyee Orod Raac, Isla Goobtii Ayaa Loogu Meheriyey, Waxuu Kasoo Baxay Masaajidka Si uu u Arko Gabadhan, Marku Indhaha Saaray Nuurka Wejigeeda Kasoo Baxaya Waxoogay Gaajadii ayaa ka yar Khafiiftay wuu Farxay,Gabadhii ayaa Kaxaysay Waxay Ku tidhi Ina Mari gurigeena ayaynu Tagaynaa iyo waayahay , Sidii ay Usoo Waday Ayay Keentay Gurigii uu Daqiiqado Ka hor Usoo Dhacay, ahmed Yare Marna waa Naxay Marna waa Farxay, Markay Gurigii Soo Galeen Ayay Ooridiisii cusub Ku tidhi Ahmedow Waxaad Cunto Makuu keenaa iyo HAAA HAAA II KEEN, waxay Usoo Qaaday Sabaayadii oo Dherigii Ku jirta Kolka uu furkii ka Qaaday Disdidii ayaa ilin kasoo Daadatay Indhahiisa, Waxay Weydiisay Maxaa Kugu Dhacay, Waxuu Yidhi Sabaayadan Waxaan Diiday inaan ku cuno Xaaraan Hadana 10 minit kabacdi Alle waxuu isiiyey Iyadoo Xalaal ah, Waxuu Iigu Daraygurigii aan Usoo Dhacay Inaan Xado, waxuu Iigu Daray Gabadhii Guriga lahayd

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.