Header Ads

Waa Maxay Valentine Day? (Maalinta Jaceylka Aduunka)14-ka february

Waa Maxay Valentine Day? (Maalinta Jaceylka Aduunka)14-ka february
-----------------------------------
Sanadahan danbe waxaa inagu soo kordhay xaflado iyo xusas  badan oo aynaan Diin iyo dhaqan midna u lahaan jirin,  kuwaasoo ujeedadooda aynaan si dhab ah u fahmin waxaana ka mida xafladahaas xuska maalinta jacaylka aduunka (Valentine day)  taasoo la xuso sanadka kasta Bisha February 14keeda  hadaba aan isweydiine maxay tahay Valentine day? Goormaa xuskeedii ugu horeeyey la bilaabay? Yaase xusa?
Si aynu jawaabo waafiya oo ku saabsan saddexdan su,aalood u helo aynu dib ugu noqono Taariikhda Valentine  day, goortay bilaabantay, cida bilawday iyo sababta loo xuso.
Maalintan 14KA February waxay kulmisay maalmo kala gedisan oo ku suntan taariikhda  dadka rumaysan diinta kiristaanka maalmahaas oo ay dhaceen falal lagu khaarajiyey  qaar ka mida baaderiyiintii ugu waaweynaa, baaderiyiinta la laayey waxaa kulminayey magacyadooda oo isku mid ahaa Valentine  iyo maalinta la laayey oo ahayd 14ka February Sida ku qoran diiwaanka taariikhda madhabta kaatooliga ee diinta masiixiga xiligii bilowgii diinta kiristaanka  waxaa jiray  3 baaderi oo  kiristaan ahaa  (Bishops)  kuwaasoo 3dooda  magacba wada ahaayeen Valentine mid wuxuu  ahaa baadeeriga kaniisada  Roma mid kalena wuxuu ahaa baaderiga kaniisada magaalada  Terni oo isla talyaaniga ah kan kale wuxuu u soo gudbay qaarada afrika isagoo daaci diinta kiristaanka fidinaya saddexdaba waxaa la dilay isku maalin taasoo ahayd February 14keedii laakiin sanadaha la dilay way kala duwanayeen wuxuunbaa kulmay maalmaha  la dilay oo ahaa February 14keedii.
Habadaba sheekada valentine day waxaa xiiso gaar ah  u sii yeelay siina xoojiyey  siday isku raacsan yihiin  diiwaanada taariikhda ee madhabta protestant iyo madhabta kaatooliga ee diinta kiristaanku waxaa weeye waxaa jiray markay taariikhdu miilaadigu ahayd 270 Boqor Roman ah oo la odhan jiray Claudius 2aad kaasoo dhalinyarada wiilasha ee  askarta ah ka mamnuucay inay guursan karaan isagoo markaa u arkayey haday guursadaan in aanay dagaal geli karayn maadaama ay cadawyo badan oo darafyada ka xiga lahaayeen oo mar kasta dirir iyo dagaal u joog ahaayeen  hadaba sida la weriyey waxaa jiray baaderi kiristaan ah oo  magaciisu la odhan jiray  Valentine  kaasoo si qarsoodiya dhalinyarada wiilasha askarta ah  ugu guurin jiray gabadha mid kastaa la soo heshiiyo  isagoo markaa u arkayey in amarka  boqorku ku mamnuucay in askartu guursan karaan ka horimanayo diinta kiristaanka  balse aakhiritaankii  waxaa warkii gaadhay boqorkii sidii ayaana baaderigii lagu soo qabtay oo lagu xidhay  hadaba sida ku qoran diiwaanka madhabta kaatooliga ee diinta masiixiga ninkii baaderiga  ahaa waxay jeelka isku barteen  kuna  saaxiibeen nin ka mida askari jeelkii  ilaalin jiray kaasoo magaciisa lagu sheegay ASTERIUS oo dhalay gabadh indho la’ayd  wuxuuna askari jeelkii baaderigii kiristaanka ahaa  uga sheekeeyey indho la,aanta gabadha uu dhalay iyo culayska ay ku hayso.
baaderiga  oo dhanka dabiibka ku fiicnaana wuxuuna dabiibay gabadhii taasoo aragii ka maqnaa heshay waxaana   halkaas ka dhashay  jacayl dhex maray gabadhii iyo baaderigii daaweeyey iyadoo gabadhii  jeelka ku soo booqatay baateerigii  balse intaanay is calfan ayaa baaderigii deldelaad lagu xukumay  sida la weriyeyna intaan la deldelin  ka hor ayaa  baaderigii kiristaanka ahaa codsaday in loo keeno qalin iyo warqad wuxuuna ku qoray erayo sagootin iyo dardaaran ahaa kuwaasoo uu u dhaafay gabadhii ay is jeclaayeen weedhahaasina waxay ahaayeen   WAXAY KAAGA TIMI VALINTINE (FROM YOUR VALENTINE) aakhirkiina ninkii baaderiga  ahaa ee magaciisu ahaa Valentine waxaa la deldelay February 14, 270
isagoo xusaya shahiidnimada 3daa baaderi ee kiristaanka ah oo la dilay iyagoo daaciyiin ah  iyo baaderigan  danbe ee isna ka hor yimi amarkii boqorka jaahilka ah sidaasna lagu deldelay  ayaa Pope Gelasius  oo ahaa Pope guud ee diinta kiristaanka fadhigiisuna ahaa kaniisada magaalada Roma  taariikhda miilaadiga ahi markay ahayd  496 sameeyey xuskii ugu horeeyey ee maalintan la xusayo kaasoo xaruntii  kaniisada ku  xusay una bixiyey magacan ay ilaa maanta sidato ee valentines day  isagoo markii danbena  jideeyey in sanad walba markay gaadho February 14keeda  la xuso iyo sidoo kale in maalintan loo aqoonsado maalin ciid ah oo dhamaan dadka diinta kiristaanka ku abtirsadaa shaqooyinka ka fadhiyaan markii danbena waxaaba la gaadhsiiyey in laga dhigo ciida labaad ee kirismaska oo lagu soo xigsiiyo  ciida weyn ee kirismaska oo ay xusaan sanad kasta 25ka December kuna beegan dhalashadii nebi ciise (CS).
Waxaan filayaa inaad si dhab ah imika u fahamtay waxay ay tahay Valentine day iyo cida xusta iyo sababta loo xuso balse isweydiintu waxay tahay hadaa maxaa loogu bixiyey maalinta jacaylka Aduunka  iyadoo laga dhigayo maalin caalami ah oo ka dhaxaysa bulshaweynta caalamka taas jawaabteedu waa fududahay maadaama iclaamka aduunka maanta wadamada kiristaanka ahi hagayaan sidoo kalena ilbaxnimadii iyo dhaqaalihiiba iyagu gacanta ku hayaan iyaga ayuun baa caalamka gashaday inay jirto maalinta jacaylka aduunka laakiin waxaa laynaga rabaa inaynu iska hubsano wax kastoo ay ina hor dhigaan si aynaan ugu dhicin dabinada doqoni ma garatayda ee ay mar kasta inala damacsan yihiin bal eeg sida dhibta yar ee laynoo geliyey maalintan wuxuunbaa la jideeyey  inay jirto maalinta jacaylka aduunka taasoo loo xuso sanadka kasta February 14keeda taasoo ay xaflad samaysanayaan wiilasha iyo gabadha dhalinyarada ee is jeceli iyagoo isweydaarsanaya ubaxyo iyo hadiyado qaaliya  kuna kulmaya caweysyada  dhaansiga lagu ciyaaro iyo sidoo kale inay wada jaalisaan oo wada  cunteeyaan iwm waxaa la jideeyey wax kastoo fawaaxisho ahi inay maalintan banaantay  waa dabin qarsoon oo lagu duminayo diinteena suuban ee islaamka ah iyo dhaqankeena waa inaynu indho dheer u yeelanaa maalintan oo xuskeeda iska jiraa oo dhalinyaradeena ka wacyi gelinaa in aanay jirin wax la la yidhaahdo maalinta jcaylka aduunka valentine day balse in valentine day tahay maalin xuskeeda gaar u ah dadka ku abtirsada diinta kiristaanka taasoo ay xuskeeda ku weynaynayaan baaderiyadii u shahiiday fidinta diintooda kiristaanka.

#Xigasho
                                                   Prepared by: Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
Cigaal215@gmail.com

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.