Header Ads

Tobanka Calaamadood Ee Waaweyn Ee Ka Horeeya Qiyaamada

Tobanka Calaamadood Ee
Waaweyn Ee Ka Horeeya Qiyaamada:

(1) Waxaa Soo Bixi Doona Mahdiga, Waa Nin La Yiraahdo Maxamed Cabdullaahi kana Mid Ah Aalu Baydka Waliba Awlaada Faadumo Rasuul Ilaahay Haka Raali Noqdee.

(2) Dajaal Cawar Waa Nin Sheegan Doona Inuu Yahay Ilaahay, Waana Beenaale il Cawaran Oo Ishiisu Soo Laalaado Sida Midhaha Cinabka Wuxuuna Ka Soo Bixi Doonaa Bariga Khaasatan Dhulka Khuraasaan.

(3) Waxaa Dhulka U Soo Degi Doona Nebi Ciise Calayhi Salaam Wuxuu Ku Soo Degi Doonaa Bariga Dimishiq Meel U Dhaw Minaaratul Baydaa, Wuxuu Dhulka Xukumi Doonaa 40 Sano, Wuxuu  Ku Xukumi Doonaa Cadaalad Wuxuu Burburin Doonaa Saliibka Sidoo kale Wuxuu Dili Doonaa Dajaal Acwar,

(4) Waxaa Soo Bixi Doona Yuug Iyo Yamaanyuug (Ya'juuj Wa'ma Juuj') Waa Qolo Indho Yaryar Oo San Bagafsan Markey Soo Baxayaan Nabi Ciise Iyo Muslimiinta Waxaa Allaah U Waxyoon Doonaa Inay Fuulaan Buurta 'Duur' Si Ay Uga Badbaadaan Yuug Iyo Yamaanyuuga, Marka Hore Dhulkay Fasahaadin Doonaan Kolkey Laayaan Dadka Dhulka Waxay Warmahooda U Tuuri Doonaan Cirka Waxaa Loo Soo Celin Doonaa Warmihii Oo Dhiig Leh Waxayna Odhan Doonaan Waan Dilney Samada Wixii Jirey, Kadibna Ilaahay Wuxuu Ku Halaagi Doonaa Dirxi Qoorta Ka Gali Doona Kadibna Hal Mar Bay Wada Dhiman Doonaan.

(5) Kacbada Waxaa Burburin Doona Nin Xabashi Ah Oo Timo Adag Oo Timihiisa Aad Moodi Sida Sabiibta, Dhagax Dhagax Ayuu Dhulka U Dhigi Doonaa, Xiligaasna Dhulka Ma Joogaan Cid Tiraahda Allaah Allaah.

(6) Waxaa La Arki Doonaa Qiiq Is Qabsada Caalamka.

(7) Qoraxdu Waxay Ka Soo Bixi Doontaa Dhanka Ay Hada U Dhacdo, Xiligaasna Toobad Lama Aqbalo.

(8) Waxaa Soo Bixi Doona Xayawaan (Daabad) Dadka La Hadli Doonta Wajiyadana Ka Calaamadin Doonta, Waxayna Ku Qori Wajiyada Dadka Kii Fiican Mu'Min kii Xuna Kaafir.

(9) Quraanka Ayaa La Qaadi Doonaa Dadka Islaamka Ahna Waa La Wada Oofsan Doonaa, Waxaa Iman Doonta Dabayl Carafta Miskiga Leh Qofkii Qalbigiisa Wax Yar Oo iimaan Ah Ku Jiro Way Oofsan Doontaa, Kadib Waxaa Isu Hadhi Doona Dadka Ehlu Sharka Ah.

(10) Waxaa Iman Doonta (Dab) Ama Naar Dadka U Soo Kaxayn Doonta Ardu Shaam, Naartaasi Dadkii Way Ka Yaaci Doonaan Markey Daalaan Way U Kaadin Markey Carararaan Way Ka Daba Carari ilaa Ay Ka Keento Meeshii Qiyaamadu Ka Dhacaysey.

Waa Tobankii Calaamadood Ee Waa Waynaa Ee Saacada Qiyaame, Waxaan ilaahay Ka Baryeynaa Inuu Noo Dambi Dhaafo Noona Naxariisto. Aamin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin.

Ha Noqon Bakhiil Oo
Share Dheh Oo La Wadaag Walalahaa

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.