Qiso kaa ooysiin doonto
Qiso kaa ooysiin doonto !!
Cabduaahi bin Mubaarak wuxuu ahaa nin wanaagsan wuxuu doonay inuu soo xajiyo safarkiisa ka hor ayuu soo macsalaameenaayay asxaabtiisa asagoo jidka dhex socdk ayuu arkay wax argagax galiyay xibnihiisana uu la qaadi waayay!
Wuxuu arkay xilli mugdi ah haweeney meel biyo wasaq ah fadhiyaan ka jiidatay digaag baqtiyay ayadoo isqarinaysana sii dhaqaaqi rabto wuxuu ku yiri " Adoontii Allaaay maxaad sameeneaysaa " waxay tiri Adionka Allow " Khalqiga Alle u dhaaf Allahooda ILaahay khalqigiisa waxbaa ugu sugan ".
Wuxu yiri Allaan kugu dhaarshaye ii sheeg .waxay tiri hadaad Alle igu dhaarisay waan kuuu sheegayaa ..Ooyin ayay ugu jawaabaty intaysan hadlin kahor, waxay tiri waxaan ahay haweeney garoob ah waxaan hooyo u ahay afar gabdhood oo dhimasho udhaw gaajo darteed gaajada ayaa gubaysa beerkooda waxaan gar garaacay Dadka albaabadooda wax ay naxariis ku jirto ma arkin waan iska soo dhaqaaqay anigoo casho uraadinaayo ilamahayga wxuuu Alle igu arzaaqay digaagtaan baqtiga ah waana ii xalaal oo wax kale ma heesto ma adigaa midaana igu heesto !!?.
Intaan markay tiri ayuu ooyin is celin waayay Cabdullaahi bin mubaarak wuxuna siiyay xoolihii uu ku doonayay in uu kusoo xajiyo dhamaantood.
Haweeneydii aad ayay ufaraxday wayna umahadcelisay ilmeheeda bay aaday Cabdullaahina gurigiisa ayuu aaday .
Dadkii xujaajta ahaa way bexeen wayna soo guteen marakay baladka kusoo laabteen ayay uwada mahad celiyeen Cabdullaabi bin Mubaarak waxay dheheen kheer Allaha kugu abaal mariyo ma aanaan fadhiisanin meel ilaa waxad eheed mid wax nooga sheego Cilmiga uu Alle khsiiyay si waangsan ayaad ucaabudaysay Rabigaaga wax kugaarayay malaheen sanaadkaan xaga cibaadada.
Cabdullaabi bin Mubaarak waa uu yaabay wuxuuna kuwareeray xaalkiisa iyo xaalkooda laakiin ma uusan doonaynin inuu sheego sirtii uu uga baaqday Xajka.
Habeenkii markuu jiiftay ayaa Riyo waxaa ugu yimid Nin wajigiisu uu nuur kasoo baxayo wuxuu yiri : Nabad galiyo korkaaga ha haato Cabdullaahiyow soo ma garanaysid qofkaan ahay aniga ? Waa Muxamad Rasuulkii Alle Ilaahay ayaa ku karaameeyay markaad karaamaysay haweeneydii, Alle wuu ku astutay markaad asturtay islaantii ILmaha agoonta ah leheed.. kheer Allaha kugu abaal mariyo .Alle wuxuu abuuray Malak suuradaada oo kale leh kaasoo raacay dadkii Xajka ka aaday baladkaaga lana joogay intay soo xajinayeen oo dhan midkastoo kamid ah wuxuu helay ajirka hal Xaj adigana wuxuu Alle ku siiyay ajirka 70 Xaj.
W/Q #Badru_Tamaam
Walalayaal sii faafiya #Share_dhaha gaaraiiya dadka aan masaakiinta hoos u eegin ha arkaan waxa lugu helo .
No comments