Header Ads

Iniesta: ( Isagoo Ilmeynaya) “Kani Waa Xili Ciyaareedkeygi U Dambeeyay Ee Barça.”

Iniesta: ( Isagoo Ilmeynaya) “Kani Waa Xili Ciyaareedkeygi U Dambeeyay Ee Barça.”

“Weligeey Waan Jeclaan Doonaa Kooxdaan. Kooxdaan Meel Qaas Ah Ayeey Qalbigeyga ku Leedahay. Barça Waa Kooxda Ugu Wanaagsan Aduunka.”

“Waxaan Halkaan Joogay 22 -dii Sano Ee U Dambeesay. Waan Garanayaa Sida Aad Dareemeysid Inaad Ahaatid Ciyaaryahan Kooxda Ugu Wanaagsan U Dheela. Waa Inaan Daacad U Ahaadaa Kooxdeyda, Taageerayasha Iyo Kabtinimada Kooxdaan.”

“Daacadii, Waxaan Dareemaa Inuu Yimid Waqtigii uu Dhamaan Lahaa Safarkeygii Halkaan. Waxaan Midaas U Dareemaa Niyad Ahaan Iyo Weliba Jir Ahaan.”

“Waxaan U Dagaalanaa Inaan Ku Guuleysano Wax Walba. Xili Ciyaareedka Dambe Ma Awoodi Doono Inaan Barca Sideyda Ugu Wanaagsan Ugu Dheelo.”

“22 Sano Ka Hor, Aabaheey Iyo Hooyadeey Ayaa Iga Caawiyay Inaan Bilawdo Sheeko Cusub oo Nolosheyda Ah. Hada Waxeey La Jiraan Xaaskeyga. Waan Idinkaga Mahadnaqaa Dhamaantiin Sidaad Had Iyo Jeer ii Garab Taagantihiin.”

“Waxaan Rabaa Inaan U Mahadnaqo Kooxdeyda, Asxaabteyda. Iyo Dhamaan Taageerayasha Iyo Dadka Halkaan Joogo.”

“Jaceylka Aan Ka Helay Dadka Weligeey Ma Iloobi Doono.Waad Ku Mahadsantihiin Taageerida Go'aankeyga.”

“Aad Baan U Nasiib Badnaay Inaan Xirfadeydi Europe oo Idil Aan U Ciyaaray Barça.”

“Waqtigeygii Ugu Wanaagsanaa Ee Barça? Mid Gooni Ah Ma Dooran Karo. Laakiin Daacad Ahaantii Waqtigeygi Ugu Wanaagsanaa Waa Markii Kulankeygi U Horeeyay U Saftay Kooxdaan.”

“Goormaan Gaaray Go'aankeyga ? Waqti Dheer Ayeey Qaadatay. Ma Fududa in Kooxdaan Laga Tago. Waan Inaan U Fakiraa Si Adag oo Daacad Ah. Waxaeey Igu Qaadatay Bilo Badan Inaan Soo Gaba Gabeeyo Go'aankeyga.”

“Waan Sii Joogi Karay Halkaan Xili Ciyaareed Kale, Laakiin Daacad Ayaan U Ahay Kooxdaan Iyo Nafsadeyda.”

“Halkeen U Socdaa ? Xili Ciyaareedka Weli Ma Dhamaan. Waxaa Jiro Wada Hadalo Socdo Laakiin Wax La Xaqiijiyay Ma Leh. Hubaashi Waad Ogaan Doontaan Dhamaadka Xili Ciyaareedka.”

“Horay Ayaan u Dhahay Midaan Weligeey i
Inaan Ka Hor Imaan Doonin Barça. Marka Kuma Biiri Doono Kooxaha Europe Ee Macquulka Ah Ineey Wajahaan Barça.”

“Inaan Ku Guuleysan Kubada Dahaba ? Kama Murugeysani Midaas. Abaal Marinadaan Ma Bedeli Karaan Aragtida Xirfadeyda Kooxdaan. Aad Baan Ugu Faraxsanahy Taageerida Aan Ka Helay Taageerayaasha.”

“Barça Waxaan Usoo Dheelay Waqti Aad U Dheer. Waxaan Kula Guuleysatay Koobab Badan. Weey Wanaagsantahay In La Helo Qof Walba Xushmadiisa.”

“Kooxda Waxeey Dalban Kartaa Ciyaartoy Wanaagsan Kadib Tagitaankeyga. Waqtigeyga Halkaan Wuu Dhamaaday, Tani Waxeey Ahayd Waqtigii Ugu Wanaagsanaa Aan Dhihi Lahaay Midaan!”

“Waqtigii Dahabiga Ahaa Miyuu Dhamaaday ? Aad Beey U Adkeyd Ciyaartoy Sida Puyol, Xavi Iyo Aniga Ineey Dhahaan Macasalaama. Laakiin Waan Ogahay Barça Ineey Soo Saari Doonto Ciyaartoy Wanaagsan Sanadaha Soo Socda.”

“Waqtiga Wuu Isbedelay. Qaabka Ciyaartoyda La Masia Ahaan Jireen waqtigeena Wuu Ka Duwanyahay Kuwa Hada.”

“Inaan Kusoo Laabto Halkaan ? Haa, Waan Kusoo Laaban Doonaa Barça Markale Si Aan Halkaan Ugu Dheelo Kadib Waan ku Raaxeysan Doonaa Waqtigeyga... Waan Kaftamayaa, Waa Waqti Hore In Sidaas La Dhaho.”

“Aad Beey Ugu Adkeyd Waalidkeyga Ineey Ogalaadaan Inaan ka Tago Si Aan Kubad Ugu Dheelo Barça Markaan Jiray 12 Sano. Laakiin Dhabtii Aad Baan Ugu  Mahadnaqayaa Hada Iyaga. Aad Beey Iigu Adkeyd Aniga. Weey Adagtahay Inaad Ka Tagto Qoyskaada Adigoo Kaliya Jira 12 Sano.”

“Messi? Aad Beey U Adagtahay Laga Yaabee Ineey Macquul Gal Tahay In La Helo Ciyaaryahan Messi oo kale Ah. Qofna Lama Bar Bar Dhigi Kartid. Waa Mid Kamid Ah Sababaha Ugu Waaweyn Ee Aan Ugu Guuleysanay Koobab Badan Sanadihii Ugu Dambeeyay.”

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.