Header Ads

Roob-ka maanta Da’aaya Bari Ma Da’i Donaa

Roob-ka maanta Da’aaya Bari Ma Da’i Donaa?
——————————————————————
Insha’alaahu waa Da’i Donaa!

Waad kumahadsantahay in aad Aqriso Qoraalkan.

Fadlan share gareeya si ay u gaarto shacabka manta Nimceysan oo roobku u da’aayo, balse billo kahorne oonka iyo gaajada la daalaa dhacsanaa.

قال تعالي" وَإِذْتَأَذَنَ رَبُّكُمْ لَئِنْ شَكَرْتُمْ لَأَزِيْدَنَّكُمْ وَلَئِنْ كَفَرْتُمْ إِنَّ عَذَابِيْ لَشَدِيْدُُ " صدق الله العطيم.

Xili waqtiyeedka lagu jiro waa Gu’u, waana xili Roobabku ka da’aayaaan Gayigeena Hooyo. Allaheena ayaa mahadi usugnaatay nagu nagaladay nimcooyin badan oo awood iyo xeelad toona aanan ku keeni karin, Illahayga Robabka kakeena daruuraha korkeeena heehaabayo ayaaa mahadi usugnaatay, daruurahaas oo ku hooray dhul ay Mudo abaar iyo kukeyl haysay, Daruurahaas oo oon tiray Dad iyo Duunyo waayo badan oomanaa oo biyo yari haysay.

Gayigeena Hooyo Dhamantiis waxaa ka da’ay Roobab xoog leh oo dad iyo duunyo Qasaaro Gaystay, dhanka kale wadankii oo dhan barwaaqo kadhigay cagaar iyo doog kasoosaray.
waxaan ku aragnaa maalmahan Baraha Bulshada Erayo ay kamid yihiiin #الصومال_تتحدث,#somali_speaks iyo #Somaliya_waa_Hadlaysaa. Waxay noo noqotay faan iyo in aaan Aduunka Tusno wadankeen hooyo, ayadoo maalmo hakor wadanka ay kabaxday dowlada UAE 🇦🇪 oo kamid ahaa wadamadii xiliga abaaraha iyo macluushu jirtay wadanka usoo gurmaday ama gurmad ahaan wadanka kusoo galay.

Sikastaba ha ahaatee, waxan in badan xasuusanaa Abaaro Dad iyo Duunyo Badan galaafsatay taaas oo cirif ka cirif wadanka kawada dhacday. Waxaan xasuusanaa reer Guuraa caruurtoodii biyo la’an uga soo hayaamay Ama dad kale kuwareejiyay, waxaan wali xasuusanaa dhacdooyin badan oo dhacay xiliyadii abaaraha, waxaan kaloo wali maskaxdeena ka go’in guritaankii wabiyada wadanka Mara, taaas oo noqotay dhacdo an wali Horay Wadanka uga dhicin, waxaan kaloo xasuusanaa in Gobolo badan laga soo qaxay oo qoxooti badan kusoo qaxay Moqdisho, ayadoo wali moqdisho laciir ciirayso Qaxootigaaas, halka qaar badan wadanka banan kiisa uqaxeen. Waxaan kaloo wali xasuusanaa in War bixin ay soo saartay (UNHCR, 13 May 2017)ay kushaacisay in inkabadan 739’000 qof in ay abaaro soo barakiciyeen ilaa November 2106, in kabadan 480,000 oo ka ah tiradaaas 65% oo barakacayashaas ah ay ka yaryihiiin 18 jir isla tiradaas hal-Rubac oo kamid ah Waxay jiraan shan sano jir, waana dadka halista ugu jira cuduro iyo quudin xumo.
Laga soo bilaabo 2011-2012 waxaa ugeeriyootay abaarihii dhacay xiligaaas in kabadan 260,000 oo qof. 2015-2017 waxaa ugeeriyootay tiro ayadana kudhow rubaca tiradaas. Halka xoolihii ugu badnaa ku marteen fatradaaas. Sidoo kale 2017 UNHCR Waxay ku Qiyaastay in kabadan 1.6 milyan oo qof ay ubaahan yihiiin gurmad bini aadan nimo. Sidoo kale OCHA, 16 Jun 2017 in Food Security and Nutrition Analysis Unit (FSNAU) Ayaa kudaabacay survey ay kasameeyeen High prevalence of Global Acute Malnutrition in 15% ila 30%  ay ka jirto quudin xumo iyo nafaqo daro daran Gobolada kala ah  Bay, Bakool,Sool,Sanaag,Bari, iyo Nugal, sidoo kale xeryooyin qaxootiga Moqdisho iyo baydhabo.
Macluumad kaas iyo in kaloobadan Ayaa wali maskaxdeeena Kasii dhawaaqeyso.

Abaaraha;
Abaaraha waa roob yari dhacda waana wax dabiici ah iyo qalal ku yimaada dhirta iyo dhulka, waxaa kaloo yaraada Ama lawaayaa biyaha dhulka korkiisa fadhiya iyo kuwa hoostiisa ceegaaaga. Badanaa Abaartu Waxay kadhacdaa Barriga dhulalka sareeya iyo kuwa hooseeye leh .

Maxaa keen Abaaraha;
Waxa keena arimo oo kala ah in Biyo yari dhacdo gaar ahaan Roobab oo xiliyadooda da’in, carada oo isbadasha, dhirta oo laguro, jaritaaanka dhirta Waxay sameen kuyeelataa dhaman Ecosystems ka dhan ee nooluhu ku mideysanyihiin. dhirtu waa u muhiiim jiritaan degaanka, isbadalka cimilada oo ah heer caalami ah Ayaa ayadana sababta Abaaraha.

Hadaba Maxaa nala gudbooon xiligaan aan joogno?

Waxaa muhiiim ah in aan ka faa iidaysano biyaha manta aan haysano hadaan nahay reer Guraaga iyo Beeraleyda. waa in aan sameysanaa Keydad waaweeeyn sida harooyin gacan kusamays ah , Baraakooyin waa weyn, waxaa kaloo muhiiim ah in aan qodono Ceelal dheer dheer xiligan biyuhu dhowyihiiin. Waxaa kaloo muhiim in Dalagyo kala duwan la abuuro wali dalagyada wax badan ooli Kara sida galeyda, masagada, digirta iyo Wixii lamid ah, wayoo waxaa lagu nacfin karaa Mudo dheer oo lawajihi karo abaaro.

Dalaga soo go’a xiliyada Barwaaqada wuxuu lakulmaa caqabado Dhanka Suuqa ah. Balse dadku inta badan Kuma baraarugsana.
Waxaa imaada inta badan wadka foreign Aid(cawimad ajaanib) oo ah inta badan Galey oo ay keento hayada cunta aduunka (WFP). Arinkaan saameyn xoog leh ayuu kuyeeshaa labo dhinac ah 1- Dalagii galey ee xiligan la abuuri lahaa oo hakat galaaayo, Maxaa sababay beeraleyda galeyda kuma dhiiran karaan in ay abuuran Galey wayo Waxay talaa Suuqa ayoo raqiis ah. 2- Baraleyda Galeyda dalagu usoo ga’ay xiligaan waxay lakulmaan Suuq xumo wayo Galey Jaban ayaa Suuqa taalo, waxaa dhib ku noqonaysa in ay Suuqa laqabsadaan Ama ay Suuqa keeni wayaan ayaa marmar dhacdo.

Arimahaaas oo dhan Waxay manta ubahan yihiin in lagarowsanaado. Walaala yaal Hadii kale waxaan gacanta hoorsan donaaa kuwaan manta ceyrinay UAE iyo kuwo kaloo lamid ah.

Waa in aan iskutashi isbarnaa, waana in aan Rabi kushukrino Nimcadaan manta haysano oon ka faa iidaysano.

Macno nooma sameynayso in aan dhahno #Somaliya_Wey_Hadlaysaa, lakin waa in aan dhahnaa #Somaliya_wey_Isku_Tashanaysaa oon waliba ficil raacinaaa.

Waad Ku mahadsantahay In aad Aqriso Qormadaan, fadlan sii share garee.

     W/Q: Kamil Ibnu Dhaqane

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.