Waa Maxaa ka hortaagan Farmaajo inuu Booqdo Puntland.???
Waa Maxaa ka hortaagan Farmaajo inuu Booqdo Puntland.???
Waxaa jira dad indha'laan ku taageera Farmaajo waliba iyagoo og inuu aduunka ugu neceb yahay Puntland wax taageera ahna uusan uga baahnayn sikasta oo uu ufashilmo
Sida aan ognahay 6 Bilood uu Farmaajo Raysal Wasaaraha ahaa Muusan Booqan Deegaanada Puntland Xiligaan la joogo mudadii ay jirtay Dowladda ay Farmaajo iyo Raysal-wasaare khayre hogaaminayaan waxa ay booqashooyin ku kala bixiyeen Dhamaan maamul Goboleed yada dalka oo Dhan marka laga Reebo Puntland
Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Cabdulaahi Yuusuf Dhamaan Madaxdaas Markii Xilka Madaxweynanimo loo Doortay Bilihii ugu horeeyay waxay Safaro ku tageen Deegaanada Puntland ayagoo Waqtiyo Badan iskaga Daba Noq-noqday
Madaxdii Hore ee Dalka Soo Martay Markay Puntland Booqdaan waxay heli jireen Soo Dhaweyn Balaaran, Waxayna la kulmi jireen Shacabka Puntland Madaxda Federaalku waxay Reer Puntland ka Codsan jireen in la Taageero Dowlada Federaalka ayagoo Shirar La Qaadan jiray Shacabka iyo Waxgaradka ku Sugan Deegaanada Puntland
Dowladda Puntland waxay leedahaby hab dhaqan ay kaga duwan tahay dowlad goboleed yada kale
Hab dhaqanka Puntland oo ah in madaxweynaha ama Raysal-wasaraha booqda ay kala saxiixdaan heshiisyo adag, iyadoo la horkeenayo qodobo horey looga soo shaqeeyey
Madaxdii hore ee Federaalku way sixiixi jireen Hishiisyada iyo Qorshaha Puntland ay wadato ayagoo Muujinaya in Puntland Dhanka Awooda leedahay Miisaan culus, waxayna la micno tahay Hadii Ay Puntland Taageerto Dowladda Dhexe Madaxweynaha Xilka markaas haya wuxuu Helayaa Awood la isku Halayn karo uu kaga Adkaan karo Mucaaradka ka soo horjeeda iyo Kooxaha Nabad diidka sida Alshahabaab
Hadaba akhriste ma ogtahay sababta kalliftay Madaxweyne Farmaajo inuu Fashilmo mucaaradkiisuna ka adkaadaan inay tahay markii uu waayay Taageerada Dowlada Puntland.
No comments