TALOOYIN KU ANFICI DOONA.
TALOOYIN KU ANFICI DOONA.
1- Ku biloow Maalintaada Salaadda Subax iyo Ducooyinka Aroorta si aad u gaarto Horumar.
2- Wad Istiqfaarta waxey tirtirtaa Dunuubta, mar kastaan Maankaaga geli inuu ilaaheey Keli yahay oo aan Cidna loola Shariik yeelin.
3- Ha joojin Ducada waa Xariga Badbaadada.
4- Xusuusnow waxaad tiraahdo Malaa'ig ayaa Qoreyso.
5- Niyaddaada Wanaaji xataa haddii ay meel Xun kaala Deganeyso.
6- Haddii uu kugu bato Welwelka iyo Fakarku waxaad tiraahdaa "Laaxowla Walaa quwata illaa Billaah".
7- Ku iibso Lacagtaada Ducada Danyarta iyo jaceylka Masaakiinta.
8- Sujuud Khusuuc leh oo aad ku dheeraato ayaa kaaga Fiican Daaraha Quruxsan ee dunida.
9- Ka Fakar intaadan oran, waxaa jirta Oraah meel Xun kaa tuurtee.
10- Iska ilaali Habaarka kan Dulman iyo illinta kaan waxba Awoodin.
11- Naftaada Daacadda Alle ku Sandullee, ileen Naftu Xumaantay ku Amartaa.
12- Dhunko Calaacalaha Labadii ku dhalay aad Liibaantidee.
13- Ha Caroon, Noloshu intaad filayso wey ka Gaaban tahaye.
14- Ogoow inuu Mar kasta uu kula jiro kan ugu Awood badan, uguna Deeqtoon waa Allaah kor ahaaye.
15- Wax aad dhibta u Kaalmaysato waxaa ugu fiican Salaadda.
(Eeboow Dembigeena iyo kii Waalidkeena Cafi).
Waxaa Qoray:- Abdirahim Aweis
No comments