Mr. Yaqouba “Ninkii Mucjisada ahaa, ee SAXARAHA u badalay Keymo”
Mr. Yaqouba “Ninkii Mucjisada ahaa, ee SAXARAHA u badalay Keymo”
Mr Yaqouba waa nin Muslim ah oo u dhashay dalka Burkina Faso ee wadamada ku yaala galbeedka Africa. Ninkan wuxuu noqday ninka aan waligiis iskuul tagin ee mucjisa ka dhaliyey dunida, ee dhul saxare lama dagaan ah ka dhigay Keymo waaweyn iyo dhul beereed aan caadi ahayn.
Mr. Yacquuba wuxuu ku dhashay deegaanka uu saxaraha ka badalay, wuxuu yaraantiisii dugisa quraanka u aaday dalka Mali oo quraanka uu ku soo dhingtay, Muddo markuu meeshaas ku maqnaa ayaa uu ganacsi ka billaabay isla wadankaas, wuxuu noqday nin aad uga shaqeeynayey in dhalin yarada wax qabsato, wuxuu noqday inuu tiir dhaxaad u noqdo dhalinyaradii la joogtay. Ganacsigiisu wuxuu ahaa mid aad u faa’iido badan oo aad iyo aad wax soosaar u lahaa. Markuu muddo joogay ayaa loo sheegey in dhulkii uu ku dhashay ee reerkiisii daganayeen uu nabaad guurey, oo dadkii deegaanka ahaa, ay ka qaxayaa ama ka barakacayaan.
Ninkan markii uu ogaaday in ay arintaasi jirto wuxuu qaatay go’aan adag, oo markiiba wuxuu albaabada isugu dhufta ganacsigiisii, wuxuu ka soo dhaqaajiyey dhamaan howshii uu hayey, markuu isasoo taagay tuuladii uu ka maqnaa muddo dheer, ayaa wuxuu arkay inaysan howsha caadi ahayn, kadibna wuu fekeray, wuxuuna ogaaday in meeshan aysan cid ku hari doonin, magaaladii ama dhulkii ayaa looga kala guuray, sida aad sawirada ku arki doontaan, Dadku markay ka sii baxayeen dhulka oo ay ka barakacayeen asagu wuu daba maray, kadibna gadaashooda ayuu inta Yaambo qaatay, dhul cidla ah oo habaas badan ku garaacay, dadkii oo sii socda ayuu billaabay inuu dhulka kaligiis shaqa ka billaabo.
Dadkii Tuulada ama deegaanka ku dhow la daganaan waa ka qaxeen, waana ka tageen, waxaa u soo baxday inuusan ka tagin meeshan oo uu gacantiisa wax kaga qabto, dadkii ayaa la yaabay oo waxay yiraahdeen, ninkan dhulkan saxaraha noqday doonaya inuu wax ka qabto inuu yahay nin WAALAN, dhamaan bulshadii oo dhan ayaa la yaabtay ninkan sida uu wax u wado.
Intuu howsha ku guda jiray ayaa waddanka Mali waxaa laga soo cayriyey dhalin yaradii oo ganacsigii laga soo xiray, oo ay nolosha ku adkaatay kadibna waxay u yimmaadeen Yacquuba oo dhulkii saxaraha ahaa dhex jooga, oo doonaya inuu dhul baaxadiisu weyn tahay u badalo dhul keyma noqda. wiilashii waa u yimmaddeen, Muddo kadib wuxuu howshii ku jiraba dhulkii saxaraha ahaa, oo ummadda ka kala tagtay ee uu kaligiis ku soo haray wuxuu u badalay dhul doog iyo cagaar badan, waa la yaabay oo dadkii ka qaxay dhulkii ciidda iyo habaaska badan lahaa, ayaa noqday dhul aan waligiis habaas yeelan, wuxuu u ekaaday dhul dooxooyin biyo ah ay marayeen oo kale.
Laakiin waxaa cajiib ahayd sida uu u adeegsaday maskaxdiisa, Mr Yaqouba wuxuu sameeyey habka biyaha xowliga ku socda loo hakiyo si ay biyaha dhulka u dhaafin oo ay dhulka u galaan, wuxuu abuuray dhir iyo cows, wuxuu u safay dhagaxyo Biyaha xooga orodkooda hakiya, wuxuu sameeyey meelo dooxo jeexan ah oo yar yar oo ay biyaha xoogaa dhulka u galaan, kadibna wuxuu hirgaliyey in dhulka uu cabo biya ku filan dhirta meesha ka baxaysa qiyaastaas oo cajiib u sameeyey.
Waxaa daraasad ku sameynayey USAID iyo hayado kale oo ka shaqeeya Environmental-ka, waxay la yaabeen sida ninkaas uu u hindisay wax aysan qaban karin dadka ugu tacliinta iyo qibradda badan dunida, muddo 30 sano ah kadib dadkii tagay ee dalxiisayaasha ahaa waxay layaabeen dhirta ka baxday meeshaas inta ay la ekaatay, waxay la yaabeen oo u cuntami weysay sida uu ninkaas odayga ah dhul abaar iyo xaaluf looga kala guuray oo haddana aan ahayn dhul yar uu asagoon tacliin lahayn ugu badalay dhul khayraad leh.
Markiiba waxaa ku soo noqday shimbirihii, iyo xayawaankii noolaa oo dhan, dhulkaas ninkii arkay sida laga dhigay waxay la noqotay wax aan suurta gal ahayn.. ninkaan ogayna wuxuu noqday qof aan laga dhaadhicin karin sida ay wax kastaba isu badaleen.
Mr. Yaqouba waxaa laga qayb galiyey shirar looga hadlayo sare u qaadista cuntada la cuno, oo uu ka jeediyey qudbooyin, waxaa kale oo uu ka hadlay qibraddiisa si wax badan looga faa’iideysto, asaga oo aan ahayn nin tacliin maadi ah leh, asagoo oo aan ka imaanin dunida hormatay, asagoon ka immaanayn dad cilmigooda aad u sareeya, ayuu darsi lala yaabo ka jeediyey UN-ka dhexdiisa asagoo ku hadlayey luuqadiisa localka ahayd.
Waxaa laga sameeyey documentary. Markaan daawaday indhahayga Ilmo soo dhaaftay, maxaa yeelay waxaan arkayaa sida uu ninkaas u badbaadiyey dadkiisa iyo dhamaan Ummadda uu ka dhashay, iyo sida anagoo Soomali ah aan dhulkeena u baabi’inay.
Waxay ahayd barnaamij, markaan daawanayey dhamaan badalay jirkayga oo dhan. Wuxuu ahaa barnaamijkii taariikhda inta aan wax ururinayey igu noqday midka ugu yaabka badan.
Waa shaqsi kaligiis oo aan dowlad ahayn ama aysan caawinayn, ama aysan dowladiisu dhaqaale weyn lahayn, asaguna uusan dhaqaalo lahayn, gatab xoog badan ku tiirsanayn, ama Hayadu ku xirnayn, wuxuu noqday Mr. Yaqouba ninka kaliya oo dunida waaya aragnimo u furay, u iftiimiyey in benu aadamka uusan ahayn oo kaliya inuu waxkastaba haysto.
Wuxuu tusaaleeyey in shaqsi kaliya aduunka horumarkiisa wax ka badali kara. iyo in wax la qabsadaan inaysan ku xirnayn oo kaliya inuu qofka imkaaniyaad heysto.
No comments