Madaxweyne Mushaarkiisa Inta Ugu Badan Ugu Deeqi Jirey Dadka Faqiirka Ama Saboolka Ah Ee Dalkiisa.(fadlan walaal akhri qeybtii kowaad
Madaxweyne Mushaarkiisa Inta Ugu Badan Ugu Deeqi Jirey Dadka Faqiirka Ama Saboolka Ah Ee Dalkiisa.(fadlan walaal akhri qeybtii kowaad)
==========================================================================
Madaxweynihii hore ee dalka Uruguay Jose Mujica oo talada dalkaas hayey sanadihii 2010-2015-kii ayaa xiligiisii loo aqoonsaday madaxweynaha ugu faqiirsanaa madaxweynahayaasha caalamka kaasoo markuu talada dalkiisa la wareegay diiday inuu dego xarunta madaxtooyada dalkaas isagoo ka door biday inuu xaaskiiisa kula noolaado gurigiisa hore ee ku yaalay duleedka caasimada dalkaas ee Montevideo isagoo jeclaystay in aanu iska dayacin beertiisii taasoo uu waqtiga firaaqada ah ku beeri jiray ubaxyo iyo dhir kale oo manaafacaad leh wuxuu sidoo kale diiday markuu madaxweynaha noqday inuu gaarigiisii hore ee Volkswagen Beetle ee 1987 bedelo, ilaaladiisuna waxay dhamayd labo askari oo keliya.
Inkastoo uu xilka madaxweynimo ka degay hadana wuxuu horseeday wado ku dayasho mudan taasoo madaxweynayaasha ka dhigaysa in aanay ahayn boqoro sharciga ka sareeya balse ay yihiin adeegayaal bulsho oo xilka waqti cayiman haynaya dabadeedna noloshoodii hore ee caadiga ahayd ku laabanaya.
Had iyo jeer waxaa dhacda in madaxweynayaasha qaar markay xukunka qabtaan in ku noolaadaan nolol indho sarcaad ah taasoo iyagoo awoodooda iyo kursiga ay ku fadhiyaan ka faa'iidaysanaya ku xalaashaaadan in ay sharciga ku jebiyaan oo xoolaha ummadda ku lunsadaan balse madaxweyne Jose Mujica tilmaamahaas wuu ka badbaada
Caadiyan waxaa loo yaqaan madaxweynihii Aduunka ugu faqiirsanaa waayo waxaa laga eegay heerka noloshiisa taasoo aan waxba iska bedelin noloshiisii hore iyo tan danbe ee madaxweynenimo, waxaa dhif iyo naadir ah inaad aragto qof awoodaya inuu ku noolaado nolol raaxo leh oo misana iska diiday haduuse kaasi jiro waa madaxweynihii hore ee dalka Uruguay mudane Jose Mujica meel dheerba ha ka doonin weligaa miyaad aragtay qof dabaqada dhexe ah oo u nool sida dabaqada hoose ama qof dabaqada sare ah oo u nool sida dabaqada dhexe,
jawaabtaadu waa maya waayo qofka marka dhaqaalihiisu kordhaba heerka noloshiisuna kor bay u kacdaa.
X/Q: Moha Hussein Abdi
No comments