LAKABYADA_DHULKA
#LAKABYADA_DHULKA
Sanado aad u badan baaritaano la waday kadib waxa la ogaaday lana cadeeyay in dhulka uu yahay lakabyo isasaaran (layers طبقات).
markii hore culamada seyniska waxay u maleeyeen in uu dhulka ka kooban yahay sadex lakab oo kaliya waxayna kala ahaayeen
1- #Crust : qolofta sare ( Dahaarka sare)
2- #Mantle : lakabka qolofta ku xigta
3- #Core : buruqda dhexe (bartamaha ugu muhiimsan)
kadibna waxay so heleen culamadii seyniska labo lakab kale oo cusub guud ahaan markaas waxay noqdeen shan lakab oo isasaaran dhulka gudihiisa ah.
#Ugu_danbeyn
sanadihii ugu danbeyay baaritaano la xariira dhulka gudahiisa kaasoo lagu ogaaday hirarka seismic-ka (seismic waves ) taaso sameysay hay'adda jiyoliyada mareykanka marki magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano (USGS) ayaa lagu xaqiiqiyay tirada dhabta ahi ee uu dhulka ka kooban yahay taasoo ah toddoba lakabyo.
Xaqiiqadan cilmiyeysan waxay leedahay tirada guud ee lakabyada dhulka isasaaran inuu yahay toddobo cajiib!
Taasi waxa inoo cadeeyay quraanka alle subxaana watacaala wuxu leeyahay
ﺳﻮﺭﺓ ﺍﻟﻄﻼﻕ : ( ﺍﻟﻠَّﻪُ ﺍﻟَّﺬِﻱ ﺧَﻠَﻖَ ﺳَﺒْﻊَ ﺳَﻤَﺎﻭَﺍﺕٍ ﻭَﻣِﻦَ ﺍﻟْﺄَﺭْﺽِ ﻣِﺜْﻠَﻬُﻦَّ ﻳَﺘَﻨَﺰَّﻝُ ﺍﻟْﺄَﻣْﺮُ ﺑَﻴْﻨَﻬُﻦَّ ﻟِﺘَﻌْﻠَﻤُﻮﺍ ﺃَﻥَّ ﺍﻟﻠَّﻪَ ﻋَﻠَﻰ ﻛُﻞِّ ﺷَﻲْﺀٍ ﻗَﺪِﻳﺮٌ ﻭَﺃَﻥَّ ﺍﻟﻠَّﻪَ ﻗَﺪْ ﺃَﺣَﺎﻁَ ﺑِﻜُﻞِّ ﺷَﻲْﺀٍ ﻋِﻠْﻤًﺎ ) الاية 12
Kalmada ah "مثلهن" waxay ina tusineysaa in tirada dhulka la mid tahay tirada samadda, sidoo kale samadane waxay ka kooban tahay lakabyo todobo ah.
Abdikani ibrahim ali
No comments