AFAR QODOB OO AAD TAAJIREYSID
AFAR QODOB OO AAD TAAJIREYSID.
Dhamaanteena waxeynu rabnaa Liibaanta Aduun iyo tan Aakhiro, Sidaasi darteed waxaan halkan idinku soo Gudbinayaa 4 Qodob oo aad Taajir ku noqon kartid Noloshaada Rasmiga ah ee Aakhiro, ugana Sahay qadan kartid sida uu Alle SW:-
1- Akhri Maalin kasto Saddex jeer, Suuratul Ikhlaas:- hadaad Akhrisid Suradaan Saddex jeer malintii, waxAad ka dhigan tahay mid Akhriyey Soddonka Jus ee Quraanka Maalintaas.
2- Jameeco ku Tuko Salaadda Cishaha iyo tan Subxeed:-sida aynu Ognahay Salaada Jamaaca waxey 27 darajo dheer tahay Salaada Farligaa sidaasoo ay tahay, haddana Labadan Salaadood hadaad Jamaaca ku Tukatid wey ka sii Ajar badan yihiin .
sida uu Nabiga CSW, inoo sheegay Salaada Cishe hadaad Jamaaco ku Tukatid waxaad la mid tahay adoo Habeenka Barkii Tukanaayey, haddii aad Salaada Subax ku Tukatid Jamacana waxaad la mid tahay Adigoo Habeenkii oo dhan Tukanaayey.
3- Bisha Ramadaan Soon, kuna dar Lixda Shawaal:- Sodonka Sishe ee Ramadaan iyo Lixda Shawaal, 36 cisho hadaad Soonto waxaad u dhigan tahay Qof Soomay Sanadka oo dhan, (Bal fiiri Alle Deeqsinimadiisa 36 Cisho ayuu wuxuu inooga yeelay 360 Cisho Ajarkeed).
4- 100 jeer Subxanaleyso una Shukri naq ilaahay:- Subxaanalaah iyo Alxamdulilaah waa Laba Kalmadood oo Carabkeena ku Fudud, balse Xaga Miisaanka Alle ku Culus. (waxaa Alle kaa Masaxayaa Danbiyada yaryar ee aad sameyso, isku day inaad Carabkaaga ku Carbisid la Qabsashada Labadan Kalmadood).
(ilaahow Dembigena iyo kii Waalidkeena Cafi).
Aamiin Yaa Allaah.
Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.
No comments