Header Ads

Tahriibka Turkiga

waxaa ay soomalid dalkeeda ka soo qulqulaysay ilaa 1991 xilagaas oo ay dhacday dawladii dhece ee somaliya oo uu hogaminayay digtaytar kalifay in dalku noqdo dawlad la,aab ilaa maanta oo somali caalamka dafihiisa kala daadsan tahay walina dhibkii loga soo qaxay uu tagan yahay inuu ka sii daro mooyane aan wax kasoo rayna muuqan .

hadaba hadaan barnaamijkeenan guda galno aynu ku eegayno sida looga soo tahriibo dalka turkiga laguna galo dalka greece oo ah barta looga gudbo yurubta kale ahna meesha ay dadku bartilmaamed sadaan marka ay u socdaa yurubta, marka hore intaanan guda galin warbixintaa aan in yar iidina tibaaxo meelaha ay somalidu dalka turkiga ka soo gasho iyo qaababka ay u soo gasho .

waxaay somalidu ka soo gasha dalka turkiga sadex joho ugu badnaan intaan ka warqabo waa mida koobad ee inay si toosa u yimaadan oo ay vise toosa qaabku doono ha noqde ku soo galan wadamo kala gadisana ay ka soo gala, qaabka labad ayaa isna ah inay soo maran wadanka syra oo hada ay aafaysay dagalo iyo dhibaato hadase dad yari ka soo galan lakiin wagi hore ahaa meesha ugu badan ee somalidu soo mari jirtay iyo jidka sadexaad oo ah wadanka eeran oo ay vise ku yimaadan kadibna ay uga soo gudbaan wadanka turkiga qaab tahriiba lagalana kulmo dhib aad u badan oo ay u badan tahay dad luga la jaro xadka oo barafleey ah wakhtibadan la lugeeyo barafkaa iyo dad ku dhinta oo cidamada eran xadka markay goynayaan xabado ku furaan halkana ku dhaawacma .

marka qofku sadexdaa arin midkood soo maro buu waxa uu yimada dalka turkiga halkaas oo uu ka bilaabo tahriibtisa uu ugu sii gudbayo wadanka greece, waxaa iyana xusid mudan dad gala wadanka bulqaariya oo iska dhiiba dadkaas oo aan saa u badnayn sabtana lagu cileeyo dadkaas oo aan awoodin inay u gudbaan giriiga kana sii baxan xaga qarashka awgeed.

sikastaba ha ahaate waxaa uu qofku markuu go,aansado ka gudbida xadka turkiga uuna rabo xaga greece la gudboonata oo ay u sheegaan dadka wax tahriibiya amuuro badan oo lagu dirayo waxaa xusid mudan in loogu baxo labo jid oo kala ah bada iyo bariga , bada waxaa laga baxa magalada izmir ee xebeedka halkaas oo loga gudbo jasiirad la dhoho maltilini oo dhanka greece ah, waxaa iyana la abara dhanka dhulka oo looga gudbo dhanka greece xagaas oo wabi yar laga talaabo oo labad wadan u dhexeeya , labadan arimood ayaa mid walba halisteeda leedahay lakiin dadka ajaanibta ah ee magan galyo doonka ahi ee somalidu ku jirto ay u barbar dhigaan ina geeri ama nolala inay ka gudbaan xadkaa , waxaa iyana barbar socota inaan si sahala looga gudbin oo ay dhacdo in marar badan qofka gudbaya la qabto oo lagu soo celiyo dalka turkiga ayna dhacdo in qofka lagu soo celiyo in ka badan 10 jeer xadhigna u dheer yahay oo markii la soo celiyaba ugu yaraan 7 cisho ama 30 casho la xidho marmarna wakhti dheer uu ku qaato jeelku dadka qaarna laguba celiyo wadamadii ay ka soo carareen .

dalka turkiga haduu qofku ku guulaysto inuu ka baxo waxa uu u gudbaya wadanka greece waxaana isna horyaala in marka uu galo hadii uu maray xaga bada in la xidho farana laga qaado xadhigaas oo qata mudo marmarka qaar gaadha hal sano ama ka badan ugu yarana wiig dadka qaar ay kaga baxan qofba nasiibkiisa , dhanka wabiga ee dhulka aya amarmar waxa dhacda in qofka casimada dalka lagu geeyo bilaa jeel isaga oo aan farana laga qaadin lakiin socod badan iyo dhib aad u faro badan la kulmay maalmo hawdka cidlada ah lugaynayay lakiin kaba danbays gaadha ujeedkisa ahna halka ugu lacagta badan oo marmar dadka lagag qaato lacag gadhaysa $4000 afarkun oo dolar ugu yarana laga qaado $2500.

isku wada duub marka uu soo gaadho athanis caasimada greece ma guulaysan wali ee tii uu soo maray mid ka adag ba atagan oo walwalkeeda leh kana dhib badan tii hore waxaa uu imanay magalada waxa jira meelo dadka somalidi isugu yimaadan oo ay ku kala warqatan laguna ogado waxa maanta xaalku ayahy iyo qaabka loo baxayo malinta hore aad timaado waad ku wareeraysa dadku waxay ku sheeysanayan hebal ama hebala waa laga sooqadatay hebel ama hebla waa lala kacay iyo hadlo aadan aad u fahmayan lakiin markaad maalmo joogto baad aad u fahmaysa waxaa athanis looga baxa hada saan wararka ku helay afar qaab oo aad u adag midkastana uu weheliyo nasiibkagu ee aan ahahyn wax garantiina , tankoobad oo ah garoonka magalad athinis oo lala tago basaboor kuu eg oo lagu yeedho shabah ama mid sawirkaaga la saaray oo lagu odhanayo sawirka laygu falashay iyo waxaad doontaba qaado klay warqad tahayba nisibkaagu waa intaasu ku saaraye ,kan labaad oo ah qaab loogu jeedho jafta oo dhulka la marayo wadamo badan oo ah u horayso masadooniya seerbiya hanagari ama kureeshiaya dhulaa la maro oo ah iyana wadada ugu khatarta badan oo intas oo wadan ee laga gudbaya midkasta dhibtiisa jeelkiisa tuugadiisa iyo cimiladiisa aan la garanayn wataan dhib badan xadhig iyo waliba halka arin ee aadka looga cararo oo ah in wadamada yurubta yaryar faro lagag qado ay dhacdo oo qofka ama hangari ama romaniya lagag qaado faro halkan uu ku banjaro oo meel kale u dhaafikariwaayo , jidka sadexaad iyo kan afraad waa isku dhawyihiin oo waxa la raca gawaadhi kala ah bas iyo samtareel lakiin iyana maha wax dhib yar ee waxay leeyihin dhibkooda lakiin hadii ilahay kugu bad baadiyo waxay ku gaynayaan talyaaniga , baska dadka waxaa laga sara xaga sare meel khan looga sameeyay qofkuna uu 18saacadood beerka u sii jifayo ila au ka tago talyaaniga marka uu talyaaniga taga ay dhacdo in faro lagag qado talyaaniga marmarna uu dhaafo oo uu uga sii gudbo yurubta kale , tareenlaha isagana waxaa lagu dhexgalinaya alaabta xamuulka ah ee uu wado sidaa oo kale ayuu isna ku gala talyaniga nasiibkuna dhinac socdo faro iyo faro la,aan .

waxaaso hawla iyo dhiba ninkii soo dhafa baa gala yurubtuu ka doonayay magan galyada lakiin iyana magan galyada in lagu aqbalo iyo in lagu diido labadaba filo oo waa nasiib iyo in dacwadaadu qanciso magangalyo bixiyaha,

gabagabadii aniga oo ah WARIYE SUGULLE MOHAMOUD ABDI oo barnaamijkan idiin diyaariayay ayaa ka mid ah dadka wada soo maray intaa aan idin shegayana soo maray waxaan hada jooga athinis oo aan nasiibkayga ku sugaya inaan yurubta kale uga gudbo si aan nabad iyo nolal cusub dib ugu bilaabo .
waxan aad uga xumahay sawiro iyo vedio badan oo anka diyaariyay jidka intaan ku jiray in ciidanka greece iga qaaden iyaga oo diidan in dhibta ka irtay dhulkaa in calamku arko anigana si gaara aan ugala kulmay ganaax iyo xadhig sawiarada aan is lahaa aad uamad somaliyeed ku bararujisid waxa ka jira wadad iyo dhibka loo maro tahriibta mobilkaygii iyo xogtaasina maanta ay gacanta ugu jiraan ciidanka greece ee joogay jasiirata aan ka soo galnay oo lagu magacabo mitilini, waxaan nasiib wanaag helay sawiro yar oo wiil saxibo anu ayhan oo wada safraynay uu ku soo qaday mobilkisa oo aha mid muuqalkiisu horreyo lakin hada aan wax ka arki karno .

waxaan idiin balan qaday inaan idiin soo gudbiyo sawiro iyo muuqalo intaan joogo athanis xaalka halkan aan ku egayno.

Diyaarintii wariye SUGULLE

No comments

7932686.txt

somali3.blogspot.com

Powered by Blogger.